Home » Maqaallo »

Afar Dhibaato Oo Walwal Ku Haya Ummada Soomaaliyeed

Dhibaatada Soomaaliya Saddex Arin ayaa Dusha looga saarey waxayna kala yihiin Qabiil, Qori iyo Qaad, hase yeeshe aniga waxaana ku darey Baraha Bulshada  oo aan uga dhigey midka Afaraad.

1-Qabiilka markaan Fiirno waa Mid Koowaad ee Bulshada Dhibaatada ku haya waxaana Caqabad ku yahay in Soomaaliya ay israacdo

2-Qoriga Markii ay Burburtey Dowladii Dhexe  ee Soomaaliya ayuu Qoriga uu Noqdey mid isna la yimid Dhibaato ,waxaana uu Galaaftey Nafaf fara badan oo aan waxba Galabsan ilaa iyo hadda weli dhibaatadiisa waa socotaa .

3-Qaadka , Bulshada Soomaaliyeed waa ay ka dheregsan tahay in uu yahay caqabad kale oo ah in Soomaaiya ay gaarto Horumar iyo Barwaaqo , waxaana Maalin waliba Dalka qaadka uu ka saaraa Dhaqaale fara Badan oo Dalka wax looga qaban lahaa, waxayan Keenistiisa Soomaaliya uu ku yahay Dib u dhac

4-Baraha Bulshada waa Dhibaato Ugub ku ah Bulshada Soomaaliyeed iyadoo Dhibaatadiisa aan u saari karo Dad Gaar oo aan dhihi karo waxay u geysey Jaahilnimo iyo Aqoondari Dhinaca Diinta markaan Dib u fiiriyo Dadkaas Fursada u heley Baraha Bulshada ee Maalin waliba soo bandhigaya Ceebaha Bulshada waxaana ku Tilmaami Karaa in ay yihiin Dadkii ku Korey Dowlad La’aanta iyo Fowdada sidaa Darteed haddii aan Afartaas waa QABIIL, QORI, QAAD IYO BARAHA BULSHADA aan Xal Loo helin   way adag tahay in Soomaaliya Dhibaatada ka baxdo sidaa Darteed ku biirida Fikirkaada waa Muhiim

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk    

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.