Home » Warar »

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Iyo Akadeemiyada Cilmiga iyo Suugaanta  oo Si WadaJir u xusey Maalinta Afka Hooyo

Munaasabad si ballaaran looga qayb galay oo isugu jirtey xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo hambalyo loo hambalyeynayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ahayd mid aad u bilan waxaa qaban-qaabadeeda iska kaashaday Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Boqollaalkii qof ee ka soo qeyb galay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo Golaha baarlammaanka, madaxda iyo hawl-wadeennada labada akadeemiye, madaxda ururrada bulshada, bahda dhaqanka, afka, fanka iyo suugaanta oo ay hoggaaminayeen Golaha abwaannada Soomaaliyeed iyo kooxaha fanka oo ay ka mid ahaayeen Iftin, Banaadir Band iyoBarbaarta gaashaaman, madax ka socotey Gobolka Banaadir, wakiilo matelayay bahda waxbarashada, aqoonyahano, qurbajoogta, dhallinyaro iyo marti sharaf aad u badan.

Madaxda sare ee dawladda federaalka oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarsashada, Hiddaha iyoTacliinta Sare, Xaamud Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga La socodka Dastuurka ee Golaha Baarlamaanka, xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay labada Akadeemiye ee is bahaystay ku bogaadinayaan sida quruxda badan ee loogu dabbaal degay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxayna caddeeyeen inay dawladda ka go’an tahay sidii ay mar walba ugu dadaali laheyd illlaalinta, daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga, iyagoo halkaasi uga mahadnaqay labbadaAkaadeemiye ee suura galiyay qabashada munaasabadda.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Xuseen Nuur (Maax) oo isna munasabadaasi ka hadlay ayaa kunuux-nuuxsaday Maalinta Afka Hooyo inay tahay maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed iyo shucuubta caalamka, waxaana uu tibaaxay in muwaadin kasta looga baahan yahay inuu xil gaar ah iska saaro u-hiilinta afkiisa hooyo, isagoo dhanka kale ku dheeraadeey ka sheekaynta hawlaha ay qabato Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa munaasabadaasi waxaa ka soo jeediyay Gudoomiyaha Adeemiye-Goboleedka af Soomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax, asagoo hadalkiisa ku bilaabay munaasabaddani inay tahay mid isugu jirta xuska Maalinta afka hooyo iyo hambalyo ay madaxweynaha cusub u dirayaan labadan akadeemiye oo matalaya bahda dhaqanka, afka, iyo hal-abuurka suugaanta.

Dr. Afrax wuxuu si faah-faahsan uga waramay sida uu ku yimid xuska Maalinta Afka hooyo, sida uu ugu dabbaal degayo adduun-weynuhu iyo sidii Soomaali ahaan ay xuskeeda uga bilaabeen magaalada London iyagoo ah dad fara ku tiris ah, hase yeeshee maanta ay nasiib-wanaag tahay in hadda munaasabaddan meel kasta looga dabbaal degayo, Wuxuu shaaca ka qaaday dhanka Soomaalida inay ka dhacayso ilaa 13 magaalo oo ku kala yaala saddexda qaaradood oo kala ah Afrika, Yurub iyo Ameerika. Dhammaan munaasabadahaas waxaa hormuud ka wakiillada iyo laamaha Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga oo u guntan daryeelka afkeena hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay nasiib-wanaag tahay inay labada Akadeemiye ee kor xusan ay yeesheen iskaashi iyo wadashaayn lagu iba-furay munaasabaddan. Intaa kadib, Dr. Afrax wuxuu madasha ka aqriyey dhambaal labada Akadeemiye oo ka wakiil ah bahda dhaqanka iyo Af-Soomaaliga ay ugu hambalyaynayaan madaxweynaha la doortay, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhambaalku wuxuu ku tiiq-tiiqsanayaa farxadda ay guud ahaan bahda dhaqanku gaar ahaan bahda labada akadeemiye ay ku faraxsan yihiin doorashada ummadda Soomaaliyeed dooratay madaxweyne Farmaajo iyo hambalyo iyo duco ay u tabinayaan madaxweynaha. Labada Akadeemiye gunaanadka dhambaalkooda waxay madaxweynaha ka rajaynayaan inuu noqdo hoggaamiyihii u guntan lahaa badbaadinta iyo horumarinta dhaqanka ummadda, afkeena hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Gen. Jaamaca Maxamed Qaalib, Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab, Prof. Mustafa C/laahiFeyruus (ooka mid ah maqaawiirta Akadeemiyada AGA), oo iyaguna munaasabadaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo isugu jirey guubaabo, mahadnaq, taageero iyo soo jeedin ku saabsan daryeelka, hal-abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga.

Munaasabadaasi oo ku dhacdey jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa lagu daawadey suugaan isugu jirtey heeso, dhaanto, shirib, iyo gabayo, qaar ka mida ah dadkii ka qeyb galay munaasabadaasi oo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa gabagabadii sheegay inay si aad ah ula dhaceen qaabkii quruxda badnaa ee xafladaasi ay ku soo idlaatey.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.