Home » Maqaallo »

Ra’iisul wasaaraha ay Soomaaliya maanta u baahan tahay oo Samatabixin kara Dadka iyo Dalka

Dr. Baadiyow Badbaadinta Qaranka – (Rescuing A Nation). -Samatabixinta Dadkayga iyo Dalkayga. Ra’iisul wasaare uu dalku maanta u baahan yahay. Dr. Baadiyow wuxuu noqon lahaa Ra’iisul wasaare ay shacabka Soomaaliyed jecel yihiin balse aysan jecleyn shisheeyaha sida Madaxweyne Farmaajo oo kale. Hadii ay noqoto xaga wada shaqeeynta labada  ninba mudo dheer ayaan aqaanay waa ay wada shaqeyn karaan. Anigu danteyada Baadiyow xil ha helo ma aha ee waa yaa mudan xilka waqtiga hada la joogo lana shaqeyn kara Madaxweyne Farmaajo oo ay isku Mabda’ iyo ujeedo yihiin. Waxaan gudanayaa xilka isaaran Muwaadin ahaan.

Waxaan halkaan kusoo lifaaqay laba clip oo mid walba uu yahay 4 daqiiqo, balse aad ka fahmayso nooca dowlad ee uu jeclaan lahaa Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow hadii uu dalka ka noqon lahaa Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare. Walaalayaal markaan dhan walba fiiriyay maanta xaalada uu dalkeenu ku sugan yahay waan heli waayay nin wada leh oo kulansaday sifooyinka Dr. Baadiyow.

Waa ay jiraan dad badan oo Soomaaliyed oo sida Dr. Baadiyow leh Aqoon Maadi ah iyo Mid dineed, karti, Amaano, daacadnimo iyo wadaninimo, balse waxaan waayay nin hadana intaas kusii darsaday Aqoon Ciidan (Military) oo

xaalada uu dalkeenu ku jiro aad loogu baahan yahay. Waxaa la sheegaa Hoggaaminta ama leadership-ka ciidamada inuu yahay kan ugu fiican. Dr. Baadiyow Humility-ga uu ka helay ama ka bartay diinta waxaa u dheer mida ciidamada, oo waa nin wax hoggamin kara lana hoggaamin karo.

Waxaa ay dad badan la yaaben Dr. Baadiyow oo 2012-kii noqday Murashax Madaxweyne sababta uu Gudoomiye kuxigeen uga noqday Madasha Midnimada iyo Dimoqoraadiyada (MMD) iyada oo Guddomiyana uu ka noqday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed. Waa arin aysan dad badan qaadan lahayn, balse Dr. Baadiyow oo ka jawaabaya arintaas ayaan hada ka hor dhegeystay wuxuuna ka bixiyay jawaab si wanaagsan u qancisay intii dhegeysatay. Waxaa jawaabtaas qofkii dhegeysta u fahmayaa in Dr. Baadiyow waxa ka maqan ay yihiin danta ummadda Dad iyo Dal.

Waa ay adagtahay waqtiga hada la joogo inuu Madaxweyne Farmaajo helo nin la mid ah ama u dhigma Dr. Baadiyow, xilli uu dalka Soomaaliya u baahan yahay in dib loo dhiso ciidankii qaranka Soomaaliyed si ay u badelaan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, arintaas oo ay shacabka Soomaaliyed wada sugayaan ayna ka rabaan dowlada Farmaajo inay ku dhaqaaqdo. Dhageyso labada Clip. Dr. Baadiyow oo jaceylka dadka iyo dalka la ilmeeyn rabay.

https://youtu.be/MYrBsr5L984

 

Leadership you can Rely On – Somalia 2012.

https://youtu.be/cjNR95BtyYo

Sida la ogsoonyahay dalkeenna muddo soddon sano kabadan ayuu burbur iyo dhibaato ku jiray. Haddaba innagoo ku tiirsan Allaha awoodda leh, kaashanayna dadkeen…
Sida la ogsoonyahay dalkeenna muddo soddon sano kabadan ayuu burbur iyo dhibaato ku jiray. Haddaba innagoo ku tiirsan Allaha awoodda leh, kaashanayna dadkeena, kaalmaysanaynana umadaha wanaagga jecel, ayaa waxaan hiigsanaynaa mar labaad soo celinta sharfteennii.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.