Home » Faallo »

Madaxweyne Farmaajoow Sidan aad ugu Fiirso Xulashada Raysalwasaarahaaga

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

AFEEF IYO CUDURDAAR

Maadaama dalkeena aanu laheyd nidaamka axsaabta, iyo xisbiyo ukala tartama xukumka dalka, oo illaa hadda waxa lagu dhaqmayo tahay nidaamka qabaliga ah ee 4.5-ka, waxaan lahureyn in qabaa’illo magacyadooda lasheego iyadoo asluubeeysan, illeen hadii xisbiyo jirilahaayeenba magacyadooda waa lasheegi lahaa’e. Marka waan sii afeefanayaa, kanasii cudurdaar dalbanayaa si aan taxliilin usameeyno,inshaa Allaah.

Aqristoow; Waa hubaal in go’aanka xulashada ra’isulwasaaraha yahay mid aad uculus, unabaahan latashiyo iyo talo-wadaag farabadan, waliba qeyb badanoo ummada Soomaaliyeed ah, oo hadda taageersan Farmaajana uu kulimin doono hadii go’aankaasi ka khaldamo, inkastoo bini’aadam aan lawada qancin karin. Waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, yuu umagacaabayaa jagadan muhiimka ah?

QOF AHAANTA RA’IISULWASAARAHA SOOSOCDA!

Horta qofka uu umagacaabayo marka shaqsi ahaan loofiiriyo, waa in uu noqdaa qof eey wada shaqeyn karaan 4-ta sanee soosocota, aqoon ahaan, khibrad ahaan, iyo karti ahaanbana kasareeya Madaxweyne Farmaajaha laftirkiisa, sababtuna waxkala maaha ee waa in Farmaajo ballanqaaday in uu keeni doono shaqsi isaga kawanaagsan, dhinaca kalana badalidoono dhaqankii ummadeena dib udhigay, ee ahaa in Ra’iisulwasaareyaasha uu madaxweynaha mooshin ka keenijiray, marka eey wada shaqeyn waayaan. Hadii sida uu qorsheynayo ama ballanqaaday ushaqeyn weeyso, ama waxeey noqoneeysaa in nin eeysan isfahmeeynin uu kusabro mudo 4-sano ah, ama in uu burriyo ballantii uu shacabka Soomaaliyeed lagalay! Marka sitaasi aaneey udhicin waa muhiim in uu xusho shakhsi saaxiibkiisa dhow ah, aad uu uyaqaano, haduu rabo xisbiga Tayo ha isla ahaadeen, waloow hadhoowna ladhihidoono TAYO waxeey badashay DAMJADIID, muhiimaduse waa in uu ahaado shaqsi uu ilaa iyo xad aad uyaqaano, iskuna hubo in eey wada shaqeeynkaraan isqabqabsi la’aan.

REERKA UU KASOOJEEDO RA’ISULWASAARAHA CUSUB!




Weey ku wanaagsanaan laheyd in aaneey muhiimba aheyn reerka uu udhashay, oo eey ku filnaan laheyd in uu muwaadin Soomaaliyeed yahay, balse xaqiiqda jirta, iyo duruufaha dalka kusugan yahay ayaan taasi saamaxeynin. Dhabta marka laga hadlo, iyo xaqiiqda dalka taalla, oo ah in dhowr iyo labaatan sanoo burbur iyo qabyaalad kasii dartay dalku soomaray. In xildhibaanada labada aqalba lagusoo xulay qaab qabali ah, burburkii kabacdina lagusoo xulayay, maamul-beeleedyo dalka kawada dhisan yihiin, iyo sida horey udhici jirtayba, oo aheyd in ra’isulwasaaraha, wasiirada iyo dhamaan qeybaha kaladuwanee jagooyinka dowladaba lagu xuli jiray qaab qabali ah, iyadoo taasi kuusii dheertahay in sadexda jagee ugu sareeysa dalka ukala calaamadeeysan yihiin sadex beelweyn, waloow wax dastuurka kuqoran aaneey aheyn, balse tahay isfaham hoose oo la isla wada ogol yahay, iyadoo labo kamid ah kufadhiyaan hadda saamigoodii, halka tan sadexaadina ufadhiso saamigeedii. Waa muhiim marka reerka uu kasoojeedo ra’isulwasaaraha cusub, hadaan la is indhotireyn. Waa su’aale yaa lagasoo magacaabayaa marka?

WAQOOYI MIYAA LASIIYAA?

Aragtida qaar ayaa dhaheeysa waa in waqooyi lasiiyaa jagada ra’isulwasaaraha, iyadoo la isugu darayo raaligalin dowladeed wixii kasoogaaray xilligii Maxamed Siyaad Barre-Waloow dowladii Siyaad Barre Soomaali badan dhib uwada geysatay, dowlad karaaligalisana wada sugayaan, hadana waa lasii kala darnaa- Iyo jagada ra’isulwasaaraha, oo shaqsi waqooyi kasoojeeda loomagacaabo-Dabcan wixii saami waqooyi ahna waxaa utagaan beesha dhexe-taasoo midnimada siixoojin karta, wado fiicanna ufurikarta dib-uheshiisiin dhab ah, iyo isusoo dhawaasho ummada ah. Laakiin waxaa iyana meesha taalla in wali Somaliland maqan tahay, kuna doodeeysa in eey tahay dal madax bannaan, sidaa daraadeed umagacaabidaasi waxeey ku haboontahay in eey wada xaajood iyo wax wadaqeeybsi midnimada kuqotanta ku timaado, oo aaneey kasoo hordhicin waqtigeeda. Micno masameeyneeyso in ra’isulwasaare kasoojeeda waqooyi balse aanba tagikarin la iska magacaabo, iyadoo Soomaaliland-na siisheeganeeyso goonni-isutaag.

Dhanka kale maadaama Hawiye iyo Daarood eey kutartami jireen, kalana qaadan jireen labada jagee ugu sareeysa dalka, sida dhaqanka mudadanba ahaa, waxaa loo fasiran karaa in markii Daarood madaxweyne noqday in uu Hawiye kulaaday, oo dhulka lagooyey, taasoo xasaasiyadeeda leh.

HAWIYE HAQAATEE REERKEE QAADAN?

Dadka qaar waxeey qabaan in Mudullood uu qaato, sababtana waa in eey ka mid yihiin 4-ta ugu tunka weyn, hadaaneeyba ugu muuqan. Saamiga Hawiyana iyagaa utaagan, sida kan Daarood uu Majeerteen ugutaagan yahay, kan Dirna iyo xitaa waqooyi oodhanna Isaaq ugu taaganyahay, saamiga Digil-iyo-Miriflana Ashraaf ugu taagan tahay. Waxeey sidoo kale Mudullood isku halleeynayeen in mudooyinkanba eey Madaxweyne dalka iyaga kasii ahaandoonaan, oo ku kalawareegi doonaan, taasoo dhalisay in aaneey wada xaajood hufan lasoo fariisan miiskii Galmudug iyo Hirshabeelle wax lagu qeeybsanayey, marka madaxweynihii eey waayeena aaneey weyn karin waxbadan oo ra’isulwasaarahana lagusii daray. Doodaa waxaase kasoo horjeeda midkaloo dhaheeysa in Mudulood burburkii kabacdi marka lagasoo tago sadex jeer oo eey Madaxweyne dalka kanoqdeen-Waloow eey doorasho kuheleen oo aan loomagacaabin- hadana in eey sidoo kale laba jeerna xilka ra’iisulwasaarenimo sooqabteen, sidaa daraadeedna tahay in reeraha kalee Hawiyaha ah lagasoo xulo shaqsi kaalintaa buuxin kara, gaar ahaan 3-da kalee kaso harta afarta ugu muuqda ama shaqsi uun Hawiye ah, balse aan Mudullood aheyn. Hadii mudullood meesha kabaxana waxaa safka hore ugu jira Habargidir, oo ah dadka ugu badan Hawiyaha Farmaajo kuxeeran maanta. WabillaahiTowfiiq.

Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin kaahaa.

Al-Madinah International University.
Abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota, USA.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.