Home » Warar »

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaallo hambalyo ah ka kala helay Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal sugayaashiisa

Muqdisho, February 16, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa guddoomay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid U adeegaha labada Xaram , Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Boqor Salman ayaa ku yiri dhambaalkiisa “ Aniga oo ku hadlaya Magaca shacabka iyo Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa aan kugu hambalyeynayaa xilka laguu doortay ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa aan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysatid howlaha ku horyaala ee soo celinaya deganaanshaha dalka, shacabka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed-na horumar iyo barwaaqo”.

Boqor Salman ayaa amaanay xiriirka walaalnimo ee labada dal iyo labada shacab u dhaxeeya , waxaanu sheegay inay hiigsanayaan horumarintiisa iyo xoojintiisa dhinac kasta oo wanaag ah oo ka shaqeynaya wax dan u ah labada dal.

Sidoo kale , Madaxweynuhu waxa uu dhambaallo kale oo hambalyo ah ka kala helay Dhaxal sugaha ahna Kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Muhammad bin Nayef bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxalsugaha labaad ahna kuxigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Dhammaad*

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.