Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo maanta isugu yimid shir aan caadi aheyn

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay istaageen maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.

Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ahaa kharashka Aqalka sare. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2015, sidoo kalena Golahu wuxu ansixiyay Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo maanta baanaanbax sameeyay.

—–DHAMAAD—–

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.