Home » Faallo »

Midnimadu xaggee ka bilaabataa?

Markay ceelalyo heshiiso ayaa reer guri biyo cabbaan. Saldhigga midnimada soomaaliyeed waa in ay isku duubmaan madaxda dalka gaar ahaan baarlamaanka dhexdiisa iyo, Baarlamaanka iyo madaxtooyada , iyo madaxtooyada iyo golaha wasiirad.

Waxaa iyana saldhig ah in madaxda dowlada dhexe oo isku duuban xiriir adag la leeyihiin madax goboleedyada oo aysan dhicin in la isu adeegsado golayaasha dowlada ama dowlada iyo fowlad goboleedyada.

Haddii madaxda dowlada nin walba ama gole kasta fowlad goboleed walba gaarkiisa isugu dayo inuu awood u yeesho uma suurtoobayso, awooddii dawlada iyo tii ummadduna way wiiqmaysaa.

Haddaba waxaa la gudboon madaxweynaha cusub inuu dadka ka wada dhigo hal xisbi oo u midoobay xaqiijinta danaha danta diinta, dadka iyo dalka ee aysan u qaybsamin mucaarad iyo muxaafid.

Waxaa muhiim ah in aan dib loo milicsan marxaladii ololaha doorashada iyo wixii ragga dhexmaray ee lugu mashquulo mustaqbalka iyo sidii wax weyn loo wada qaban lahaa; waayo haddii loolan daakhili ah bilowdo afarta sano waxay dhamaanaysaa iyada oo meeshii la taagan yahay.

Gabagabadii haddii madaxda dowlada heerarkeeda iyo golayaasheeda kala duwan midoobaan oo isla jaanqaadaan dadweynuhuna way midoobayaan, waxna way wada qabsanayaan. Hadday kala qaybsamaana dadweynaha ninba nin buu raacin, ummadnimana u dhammaatay.

Sh. Axmed Cabdisamad

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.