Home » Faallo »

Farmaajo “Far kaligeed Fool Ma Dhaqdo”

Waxay aheyd Fiidnimo taariikhdu ku beegneyd 8 Feberaayo 2017, Markii
lagu dhawaaqay guusha Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo noqdayMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ,guushaas oo aheyd lama filaan, ayaa farxad aan la qiyaasi Karin ku abuurtay Dadweynaha Soomaaliyeed qeybahooda kala Duwan.
 
 
Dariska ah ee faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya oo
Door aad u xooggan ku leh waa Ethiopia iyo Kenya oo ay u Joogaan
wakiilo Gumeysi oo aan gambad laheyn.Guusha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigan hirgalka
himiladii Shacabka soomaaliyeed ay ku riyoonayeen muddo 27 Sano ah in
ay helaan Madaxweyne Dalka iyo Dadka iyo diinta u Daacad ah ,in kastoo
ololaha Farmaajo ahaa “Danta Dalka iyo Dadka, iyadoo Dabaal degyada
Shacabku ka dhigayeen Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya dhowr habeen oo is xigta ay taageero aan sanadihii danbe loo muujin nin ku
magacaaban xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo caddeyn u ah oon ay Shacabku u qabaan hoggaamiye Wadani ah oo Xilka u qabta inuu Danta
Guud ka shaqeeyo ee aan xilka u qaban inuu dhowrka sano ee uu joogo
Lacago ka sameeyo,kana dhisto Guryo dabaqyo ah Dalalka shisheeye taas
oo la qiyaasayo inuu Farmaajo ka duwanaan doono kuwii ku Magacownaa
Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee lasoo arkay Sanadihii Danbe.
Waxaa la is weydiinayaa Mudane Farmaajo muxuu qaban karaa?
 
Jawaabta oo gaaban waxay tahay Far kali ah fool ma dhaqdo ama micno
kale ,Gacmo Wada jirbey wax ku gooyaan, mahmaahyooyinkaas oo
caddeynaya in qof kali ah uusan waxba qaban Karin haddii uusan helin
dad garabkiisa istaaga oo Murug ,maal iyo maskax ku xoojiya.
 
Soomaalida waxaa lagu arkay xiiso Maalmaha hore ah, waxaana la yiri
Xiiso iyo Xunbo way degaan, balse waxaa muhiim ah in laga faa,iideysto
fursadda Soo martay Soomaaliya oo laga mira dhaliyo ,leyskuna  geeyo
Muruq iyo maal sidii Soomaaliya looga saari lahaa godka Mugdiga ah ee
ay u gashay Dalalka Dariska ah ee Ethiopia iyo Kenya kuwaas oo Dadaal
har iyo habeen ah ugu jira sidii ay God dheer usii gelin lahaayeen
Rajada dadka iyo Dalka Soomaaliyeed,maadaama ay Dhulal Soomaaliyeed
xoog ku heystaan aysana dooneyn in soomaaliya oo Xoog leh dib u
istaagto oo ay kasoo ceshato Dhulalka  iyo dadka Somaaliyeed ee ay
Gumeystaan.
 
Farmaajo Shakhsiyadiisa ama Fikirkiisa qof ahaaneed marka laga soo
tago waxaan rumeysanahay inuu muujiyay inuu doonayo in dalkan  loo soo
celiyo Karaamadii iyo Sharaftii uu caalamka ku lahaa lagana badbaadiyo
kuwo doonaya in ay tirtiraan Dal iyo dad Soomaaliya la yiraahdo,waana
Sababta aan qalinka ugu Taageerayo, Soomaalida oo dhan waxaa waajib
muqadas ah ku ah in ay Garabkiisa ku istaagaan dib u Xoreynta Dalka
Soomaaliya iyo soo celinta nidaamka iyo kala Danbeynta, taas oo ay dan
ugu jirto Dhamaan Soomaalida Dal iyo dibad.
 
Waa Fursad laga yaabo in aysan dib u soo marin soomaali ,haddii ay ka
faa,iideysan waayaan.
 
Waxaa jira Dhaqan Soomaalida gadaal u celiyo mar kastoo ay Horumar
Cagta saaraan kaas oo ah qabyaalad” Dugsi Ma leh Qabyaaladu waxay
Dumiso Mooyaane” (Cabdulahi SuldaanTimacadde) iyadoo caado u noqotay
Madaxda Soo martay Soomaaliya nin jecleysi iyo Naas Nuujin
qaraabo,taas oo Farmaajo haddii uusan iska ilaalin ay taariikhdisa
Iftiimeysa isku bedeli doonto Mugdi iyo meel xun ka bax (Ma rajeynayo
inay Dhici doonto) balse Duur iyo dadba wax kasta ka Filo ayaa La
yiri.
 
Soomaaliya ha Noolaato, Soomaaliya ha is raacdo, Qabiil maya Soomaali
wada siman.
 
W/Q.Bashiir Maxamed (Bashiir Soomaali)
Mr.Bashiir088@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.