Home » Warar »

Warasi Dr. Sulub oo talooyin muhim ah usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Shacabka

Dr. Abdurahman A. Noor Sulub oo talooyin muhim ah usoo jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shacabka Soomaaliyed
February 10, 2017. Waxaa maanta igu soo booqday xafiiskayga Dr. Sulub. Aniga oo ka faaideysanaya fursadaas ayaan Aqoonyahan Dr. Sulub weeydiyay sadex su’aalod oo kooban. Waxaa wareysigii aan la yeeshay Dr. Sulub uu u dhacay sidaan.
 
Waa maxay Hoggaamintu?
Pof. Abdurahman Sulub: “Hoggaamintu waa car iskeen (challenge), barasho daaim ah (continuous learning), wada-shaqayn (partnership), iyo isbeddel(change)“.
Maxaa talo ah oo aad usoo jeedin lahayd Madaxweynaha la doortay Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo? 
Dr. Sulub: Istaraajid dhaw iyo mid dheer:
* In uu Madaxweeynuhu sameeyo guddi la taliya (advisory committee) kuwaas oo la dejiya sifooyinka lagu dooranayo Raiisul wazaaraha iyo waziirada.
*  In Madaxweeynaha, Guddiga la taliyaalka ah, Raiisul wazaaraha iyo waziirrada cusub ay wada dejiyaan Aragtida, qiyamka, iyo qorshaha 4-ta sano.
* In ay tababarro ku saabsan hoggaan wanaagga iyo hoggaan xumida qaataan (good and bad leadership theories and practices).
Ugu danbeyntii Maxaa talo ah oo aad usoo jeedin lahayd Shacabka Soomaaliyed?
Dr. Sulub: “Shacabka Soomaaliyed waxaan leeyahay “hoggaamintu waa wadajir, wadatashi, iyo wax wadaqabsi. Qeyb ka noqda hoggaminta dalkina, taladiisa iyo wax qabadkiisa”.
Dr. Abdurahman A. Noor Sulub waa qraaga Buugga Qawaaniinta 56 da ee Hoggaaminta. Dr. Sulub wuxuu sheegay intii u waday qoraalka buugisa inuu akhriyay ilaa 400. oo buug oo la xiriira hoggaaminta. Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay shacabka Soomaaliyed kalsooni badan u hayaan isla markaana ay ka filayaan inuu dalka u horseedo Isbeddel wanaagsan in Dr. Sulb uu kala taliyo arimaha hoggaan wanaaga, go’aan qaadashada iyo isbeddel sameynta.
Talo soo jeedinta waa mid aniga iga timid ilama oga Dr. Sulub halkaan ayuu ka akhrisan doona, waxaana igu dhaliyay aniga oo Aqoon badan ka kororsaday Dr. Sulub ayaan isiri Aqoonta dhinaca hoggaminta iyo khibrada Dr. Sulub maanta waxaa kaaga baahi badan Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Waxaan kale oo la qabaa Dr. Sulub in Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha uu magacaabi doono loo sameeyo guddi la taliya (advisory committee), guddigaas qeyb ka mid ah waxaa ila wanaagsan inay noqdaan xubno ka mid ah gollaha Tale iyo Tusaale oo dadnimadooda, wadaniyadooda iyo dal jaceylkooda aad loogu kalsoon yahay.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.