Home » Maqaallo »

Sababaha ugu waaweyn ee madaxda soomaalidu la fashilmaan

Waxaan ugu horrayn eegaynaa sababaha daakhiliga ah oo labo qaybood kala ah: in laga waayo waxqabadkii laga filayey ama ay balanqaadeen ama masuuliyadooda shaqo ahayd iyo inay galaan gafaf waaweyn oo aan meekhaankooda u qalmin ama aan marna laga filaneyn.

Qeybta 1aad: inay ka soo bixi waayaan xilkii saarnaa ama laga waayo wixii laga filayey ama ay balanqaadeen.

Waxaa madaxdeenii kala dambeysey wada haleelay waxqabad la’aan ama xil gudasho la’aan. Waxyaabaha ugu wacana waxaa ka mid ah aqoon la’aan ama khibrad la’aan ama karti la’aan ama daacadnimo xumo ama dadka ay doorteen ama ku xeeran oo hooseeya.

Dabcan madaxda aynu ka hadlayno kuma koobna kuwa dowlada dhexe ee waxaa soo galaya madaxda maamul goboleedyada. Macnunhuna maaha in aysan waxba qaban ama dhinacyada aynu sheegnay oo dhan ay ka wada xumaayeen ee waxaynu uga jeednaa xilkii saarnaa iyo waxay qabteen baa aad u kala fogaa.

Marka wixii lagaa filayey iyo waxa aad noqotay kala duwanaadaan waxaa hubaal ah in dadweynuhu kaala noqonayaan kalsoonidii, jacaylkii iyo taageeradii ay kuu hayeen; waayo kursiga ama jagadu ma aha wax iskood la isugu jeclaado ee waaba wax inta badan la isku noco. Haddii waxtar xumo sii wehelisana kaba sii daran.

Nin kasta oo madaxweyne noqda marka la doorto taageero ayuu dadka ka helaa, wax qabadna waa laga fishaa laakiin waxqabadkiisa arrimihii aan soo sheegnay ayaa wiiqa. Waxaa kale oo madaxdu markay cusub yihiin la indha daraandaraan taageerada iyo hambalyada iska soo daba dhacaysa iyo dadka albaabadooda tuban. Kolkaas ayay hawshii u taaley waxaas kaga mashquulaan.

Waxaa kale oo xusid mudan in taageerada caamka ah ee madaxweynaha loo hayo ay isdhimayso markii uu soo magacaabo R/wasaaraha. Markii golaha wasiirada la soo dhisana qeyb kale oo taageerayaashii ah ayaa isdhimaysa.

Intaa ka dibna tillaabo kasta oo uu qaado waxaa dhibsan doona dad laga yaabo inay awal taageerayaashiisa ka mid ahaayeen.

Haddaba su’aashu waxay tahay sidee madaxweynaha iyo xukuumada uu soo dhiso u haysan karaan kalsoonida iyo taageerada markii hore lugu soo dhaweynayey?. Jawaabtu waa labo arrimood uun:

  1. in dawladu ku tillaabsato waxqabad iyo hawlo waaweyn oo saamaynaya nolosha iyo moralka dadweynaha inta lugu dhex jiro dhismaha xukuumada iyo waqtiyada ku dhaw dhaw. Haddii kale waxay noqonaysaa sidii koox gool dhalisay oo intay farxada ku mashquulsanaayeen goolal laga dhaliyey.
  2. Iyo inay ka hufnaato gafafka waaweyn ee seejinaya kalsoonida iyo taageerada bulshada; waayo haddii ay sii wadaan shaqadii qolyihii ka horreeyey lugu nacay waddadoodii ayay marayaan.

Qeybta 2aad: waxyaabaha ugu muuqaalka dheer ee madaxdeenii hore ku waayi jirtey kalsoonida iyo taageerada dadweynaha waxaa ka mid ahaa:

 

1-    loolanka awoodeed ee golayaasha dawlada ka dhex dhici jirey gaar ahaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha, waana sababta ugu weyn ee wiiqday dawladihii C/qaasim, C/laahi Yuusuf, Shariif iyo Xasan Sheekh haba ku kala darnaadeene; waayo mar kasta oo ra’iisal wasaare la ridayo ama mid cusub laga daba magacaabayo waa dagaal iyo burbur cusub oo intii isu soo hartay sii kala dilaya, isla markaasna dhawaacaya kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen dawlada.

Waa hubaal ah in mooshinada mashruuca noqday iyo loolanka dhexmara golaha shacabka iyo madaxtooyada ama golaha wasiirada uu yahay dubbe weyn oo duminaya kalsoonida golayaasha dawladu isku qabeen iyo kalsoonida daweynuhu dawlada ku qabeen.

LLoolanka siyaasadeed ama qabyaaladeed ee madaxda dawladu la gasho qayb ka mid ah dadkeeda ama deegaanadeeda wuxuu keenaa in dadweynihii isku duubnaa ee dawalada taageersanaa si otomatik ah u kala saftaan oo u qaybsamaan muxaafid iyo mucaarid. Waxaa tusaale u noqon kara loolankii ka dhashay dhismihii d/goboleedyada Jubba, K/galbed, Galmudug iyo Hir/shabeele oo intuba dawlada galiyey rabsho iyo colaad ay dad badan ku weyday.

 

3-    3- Cuqdada ka dhalata qaybinta awoodda iyo dhaqaalaha waa salka mushkilada soomaaliyeed. Xilliyadii jabhadaha hubaysan ku kacayeen dawlada ma jirin amni daro iyo shaqada dawlada oo kala socon weyday ee waxaa asal u ahaa cadaalada ijtimaaciga ah oo la suluugay.

Ceebaha ugu caansan beryahaan dambe waxaa ka mid ah: in saraakiisha hoose ee ay madaxweynaha is xigaan ay ka awood badan yihiin saraakiisha sare ee dawlada ama qaraabadiisa ku hareeraysan ay awooda madaxweynaha isticmaalaan!.

Waxaa kale oo ceebaha waaweyn ka mid ah in madaxda dawladu leexsato dhaqaalaha dalka loogu deeqo ama ka soo gala ileheeda dhaqaale ama ay qandaraasyo ku siiso shirkado ay leeyihiin madaxweynaha ama qoyskiisa oo iyagu hela awood iyo fursado ka badan kuwa dadweynaha kale helaan.

44-    Burburka sanadka ugu dambeeya: Waxaa caado noqotay in sanadka u dambeeya laga mashquulo dawladaba oo loo jeesto sidii doorashada soo socota loo soo gali lahaa. Intaa kuma ekee dakhliga dawladaba waxaa loo jihaynayaa khasnadaha madaxda dawlada iyo guddiyada u galaya ololaha doorashada baarlamaanka iyo madaxweyninimo.

Taas waxay keenaysaa inay sanadkaas gudihiisa dib u burburiyaan wixii ay seddexda sano soo qabteen oo dhan. Mushkiladu way fududaan lahayd hadday waxa la dhacaya yihiin kaydadka iyo miisaaniyada horumarinta ee waxaa loo dhacayaa mushaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha masaakiinta ah oo har iyo habeen cataabaya oo habaaramaya.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.