Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka Tacsiyeeyey geerida Marxuum Cali Samatar

Muqdisho, August 20, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku sifeeyay S/guud Cali Samatar nin ku suntanaa Waddaniyadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa hoggaamiyaashii iyo saraakiishii doorka weyn ka qaatay dhismaha Ciidanka Soomaaliyeed.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo Marxuum Maxamed Cali Samatar oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii hore ee dalka soo maray isla markaana qeyb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka Xoogga dalka .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.

—-DHAMMAAD—-

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

cali

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.