Home » Warar »

Dacwad ku Saabsan Laba Hotel oo Caan ah oo Hortaala Xeer Ilaalinta Qaranka

Iyadoo Maxkamadaha Dalka intooda badan waxay  mudooyinkii ugu Dambeeysey ay qaadayeen Dacwadaha la xiiriira Dhulalka iyo Guryaha  la isku haysto  maadaama Dalka Soomaaliya uu ka dhacay Dagaal Sokeeye kaasoo sababey in Xoog lagu haysto  Dhulal iyo Guryo ay lahaayeen dad  Soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa Xeer iaalinta Qaranka  ee dalka ka furantey Dacwad la xiriirta laba Hotel oo Caan ahaa  kuna  yaala Magaaladda Muqdisho oo uu lahaa Ganacsade Soomaaliyeeed  si aan wax badan uga ogaano ayaa waxaa  wareysi la yeelanay Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo sheeganaya Milkiyada Labadaas Hotel. Wuxuuna Wareysigii u dhacay sidatan

Hotel Baariyow Two waxaa haysta Shirkadda Hormuud ,waana Gurigii ugu horeeyey ee ay Hormuud ku shaqo bilaawdo, Guriga kale waa Hotel Baariyow One waxaa haysta Haweeneyda Gudoomiye ku xigeenka ka ah Bangi-ga Dhexe waxaa la yiraahdaa Maryan Cabdulaahi Yuusuf , waxaana Shirkadeeda ugu shaqeeya nin la yiraahdo Maxamed Amiin oo isna la shirko ah nin ay walaalo yihiin Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu magacaabo Cali Shiikh sidaa darteed Marka ay dacwada soo dhawaato oo la rabo in Xukunka la rido ayey ragaas Madaxtooyada ka tirsan soo galaan maadaama Hormuud iyo Haweeneydaa ay Xiriir Dhow la leeyihiin Madaxtooada

Su’aal : Goormee ayaa Dacwadaan ka bilaabantey Xeer Ilaalinta Qaranka?

Jawaab: Dacwadaan Waxay Xeer Ilaalinta  ka bilaabantey Waqti haatan laga joogo  Sannad iyo Bar  ilaa iyo maanta Dacwadaas waa socotaa waxaana Rajeynayaa in Guryahayga aan diib u hanto

Su’aal “ Maxaa Dacwadaan aad u bilaabi weydey Mar hore maadaaa aad sheeganeyso Milkiyadda Labadaas Horel ee Baariow One iyo Baariyow Two.

Jawaab: Waa Runtaa Mar hore ayey ahayd in aan Bilbaabo Dacwadda Guriyaha , waxaan kuu  sheegayaa in Dalka ay soo mareen Dowlado ku meel gaar , waxaana mar waliba qalbigeyga ku taagnaa in Soomaaliya ay ka dhalato dowladda Sharci ah maanta waxaa Dalka ka jira Dowlad Rasmi iyo Garsoor  marka maanta ayaa la joogaa waqtigii aan dib u soo ceshan lahaa Hantideyda  waxaa kuu sii raacinayaa  markaan dibadda tagay xanuuno I soo wajahay darteed iyo xaaladda dalka oo aan hadda ka hor saamaxeeyn in la is dacweeyo ayay dacwadeyda u daahday, hase yeeshee maanta waxaan ku kalsoonahay in garsoorka soomaaliyeed uu iI soo celiyo xaqeyga,.

Su’aal ; Waxaa la sheegey in Guryahaan ama Hoteladaas aad ku bixisey Damiin arrintaa maxaa ka jira “

Jawaab: Haa waa runtaa Guryahaas Damiin ayaa ku dhiibey maadaama  Qof ehelkeyga ah lagu qabsadey Lacago, Xiliga aan damiinanayey Ruuxaas waxaa socdey Dagaaladii sokeeye dalkana kama jirin wax  sharci marka Qasab bay igu noqtey in aan Ruuxaas  damiinto oo aan Hantideyda ma guurtada ah ku Badbaadiyo

Sui’aal :  Ruuxa aad Damiinatey muxuu Xiligaas  hayey?

Jawaab Ruuxaas aan damiintey Waxaa uu dalka ka wadey Mashaariic , sidaa darteed Mashaariicdaa waxay Noqdeen kuwa fashillmey iyadoo dadkii loo fulinayey Mashaariicdaa ay qabsadeen Ruuxii aan ehelka ahayn.

Su’aal: Ruuxa Ehelkaada ee aad Damiinatey  lacagta aad ka damiinatey Imise ayey Gaareysey?

Jawaab:: Maadaama aan Ganacsade ahaa oo hanti ma guurta ah lahaa waxay  Lacagta aan damiintey gaareysey 250 Kun oo Doolar (Laba Boqol iyo Konton Kun oo Doolar) Hantidaas oo dacwadeeda hadda ay taal Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Qareennadeyduna ay u gudbiyeen xafiiskaas,dhammaan arrimaha caddeynaya in hantidaas la iiga dhacay marmarsiiyo Damaanad lacageed oo dhan $250.000  waxaana Ruuxaas aan ehelka ahayn aan damiintay.Bilowgii sanadkii 1992 sidaa darteed dagaalkii sokeeye awgii jeegagaas lama lacageyn, anigana waxaan isku dayay inaan Damaanadii Kabo, oo waxaan ka codsaday dadkii hantida lahaa iiney fursad I siiyaan si aan aniga dibadda uga raadiyo ee aan u bixiyo lacagtaas.

guriladhacay

guriladhacay1

guriladhacay2

guriladhacay8

Su’aal: Halkee ayey waqtigaan Xaadirka ah Dacwada ay Mareysaa?

Jawaab” Dacwada Labada Hotel waxaa ku jira Qareeno aan qabsadey oo aan ku kolsoonahay waqti aan sidaa u dheereyn in ay Doodaas galaan, waxaana Socda Baaritaan ku saabsan Guryahaas aan leeyahay  waxaana ku sheegayaa in marka lagu dhawaaqi rabo Dacwada  waxaa soo dhexgala Madaxyoyadda.

Su’aal: Muddo dheer ayey Dacwadaan Hortaalaa Xee Ilaalinta maxay tahay Sababata ilaa iyo haatan ay Dacwada ugu gudbi la’dahay Maxkamadaha”

Jawaab:   Xeer Ilaalinta Qaranka  Muddo ayey Dacwadaan Hortaalaa ma garan karo sababta ay u  dhaqaaqi la’dahay , hase yeeshee waxaa tirsanayaa Cadaaladaro waayo waxaan dareemayaa in uu  Jiro Xiriir dhinaca Madaxtooyada iyo Xeer ilaalinta , waxaana kuu sheegayaa in aan haysto Marqaatiyaal iyo Cadeymo igu filan sidoo kale waxaa soo bandhigi doonaa  waqti dhow  Dukumentiyo ku saabsan Madaxweynaha iyo Xeer ilaaliya sida ay ugu dhex Milmeen Dacwadaas

Su’aal|: Dacwaddaan Xeer ilaalinta ayey taalaa Maxay tahay Sababta ay Madaxtooyada u soo dhex gashey ?

Jawaab :   Waa Su’aal aad Muhiim u ah Baariyow Hotels oo ku kala yaalo Waddada Howlwadaag ama Cali Caliyoow iyo Guriga kale oo ku yaal halka loo yaqaan Waddada Mariixaanka oo cabirkoodu kala yahay13.5×13.5mq kana dhisan yahay guri 4 dabaq ah iyo 13.5 x 27 waxaana ka dhisan shan dabaq. Hadii aan kuu sii faahfaahiyo  Guryaha Hotel Baariyow Two waxaa haysta Shirkadda Hormuud ,waana Gurigii ugu horeeyey ee ay Hormuud ku shaqo bilaawdo, Guriga kale waa Hotel Baariyow One waxaa haysta Haweeneyda Gudoomiye ku xigeenka ka ah Bangi-ga Dhexe waxaa la yiraahdaa Maryan Cabdulaahi Yuusuf , waxaana Shirkadeeda ugu shaqeeya nin la yiraahdo Maxamed Amiin oo isna la shirko  ah nin ay walaalo yihiin  Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu magacaabo Cali Shiikh sidaa darteed Marka ay dacwada soo dhawaato oo la rabo in Xukunka la rido ayey ragaas Madaxtooyada ka tirsan soo galaan  maadaama Hormuud iyo Haweeneydaa ay Xiriir Dhow la leeyihiin Madaxtooada

Su’aal : Diyaar ma u tahay in aad Dib u celiso 250  Kun ee Doolar ee aad Damiinatey .

Jawaab: Waxaan kuu sheegayaa in muddo 25 Sanno Guryaheyga lagu shaqeysanayey marka maanta aniga ayaa u baahan in Guryaheyga la ii  Celiyo wailba waxaan u baahanay in magdhow la iga siiyo Mudadaas 25 sano ah ee lagu  shaqeysanyey

Su’aal :  Ugu dambeyn Maxaa ka rajeyneysaa Dacwadaan?

Jawaab: aniga oo ku kalsoon Qareenadeyda, waxaan rajeynayaa in Dib la igu soo celiyo Guryaheyga  weliba aan helo Magdhow  waayo  sida la wada garan karo, hantideydii waa ka qiima badneyd qaanta damaanadeed ee la ii haystay, iyadoo aan la i siin fursad aan ku bixiyo lacagtaas ama la ii qiimeeyn hantideeydii ayaa guryahaygii qoray caaradiis la iigaga qaatay lacagtii aan damaanada ka ahaa aawadeed, sidoo kale waxaan u sheegayaa Shacabka Soomaaliyeed inaan marnaba ka hari doonin guryaheyga sida Sharcidarada ah loo haysto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmailco.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Halkaan ka Daawo Wareysigii Baariyow

https://www.youtube.com/watch?v=rnd6BbwcnWU

https://www.youtube.com/watch?v=mP1Lx8SYnmI

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.