Home » Faallo »

Naqtiin Buug  “Afar Waraabe: Sheekooyin Soomaaliyeed oo Hidde Ah”

Waxaa had iyo jeer iga cadheeysiiya kolkaan Website-yada faraha badan ee Internet-ka Soomaalida galo oo aan akhriyo wararka ama maqaallada afka Soomaaliga ku qoran oo aad iyo aad qoraalladoodu u kharribanyihiin, ama ha noqoto xagga naxwaha ama ha noqdeen xagga higgaadda ereyada, ama xagga dhismaha iyo xulashada weedhaha.

ALTOKAPCHITS

Habeeyey oo Tarjumay: Georgi Kapchits

Daabacday: Kooxda Madbacadda URSS; Daabacaadda koowaad

La Daabacay: Oktoobar 2015; Gal Jilicsan; 416 bog 

Buuggan “Afar Waraabe: Sheekooyin Soomaaliyeed oo Hidde Ah”, waxaa habeeyey oo tarjumay qoraaga weyn, kaydiyaha iyo ururiyaha sheekooyinka iyo maahmaahooyinka Soomaaliyeed, Dr Georgi Kapchits oo u dhashay dalka Ruushka, runtii ma aha buug iska caadi ah oo la dhayalsan karo. Waa buug ku saleeysan oo ku qotoma hiddaha Soomaalida ee soo-jireenka magguuraanka ah. Buug weeye saddex afood ku qoran – Ruushka, Ingiriisiga, iyo dabcan Soomaaliga.

Wuxuu buuggu xambaarsanyahay 132 sheeko oo u kala qaybsan: sheekooyin mala-awaal ah; sheekooyin xayawaan ah; sheekooyin sooyaal ah oo ay ka mid yihiin kuwii Arraweello iyo Wiil-Waal; sheekooyin murtiyeed, sida: Siyaad Dharyo Dhoobe, Ina Sanweyne, Huryo iyo Kabacalaf, Yoonis Tuug, Cigaal Shiidaad iyo Ina Cali Qablax iyo ugu dambeeyntii sheekoxariirooyin dhowr ah.

Buuggan wuxuu waxtar weyn u leeyahay jiilalka cusub ee imminka soo kacaya, gaar ahaan kuwa qurbaha ku dhashay. Waa kayd qoraal ah oo facac dambe tixraac wanaagsan u noqon doona. Sidoo kale, waxaa iyagana ka faa’idi doona ardayda ama qoraayaasha shisheeye ee jecel barashada taariikhda, hiddaha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Qoraagu horey wuxuu u daabacay buugag farabbadan oo isla mowduucan ku saabsan. Hayeeshee, buuggani waxaa ku jira sheekooyin aad u tiro badan oo aan kuwii hore laga heli karinnin. Waxaa kaloo buugga laga dhex helayaa sawirro hiddeed oo aad u qiimo iyo qaayo badan.

 

Ugu dambeeyntii waxaan jeclaan lahaa in aan ku dhiirrigeliyo dhammaan akhristayaasha, Soomaali iyo shisheeyaba, in ay ka bogtaan xigmadda buugga uu sido.

 

Waraysi gaaban:

1.           Kumaa/tumaa kuu ahaa/ahayd dhiirrigeliye iyo lataliye in aad afka Soomaaliga barato?

Barashada afka Soomaaliga waxaa i hagay macallinkayga Alexander Zholkovsky intii aan ardayga ka ahaa Jaamacadda Qaranka ee Moosko. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey Midowga Soofiyeeti ee bartay afka Soomaaliga. Waxaa nasiibdarro ah in kaddib markii uu ka guuray Midowga Soofiyeeti, taasoo dhacday sannadkii 1977kii, uu ka fogaaday baaritaanka afka Soomaaliga, isagoo isku taxallujiyey suugaanta Ruushka. Hase ahaatee, wuxuu ka tegey buugga la yidhaahdo “Somali Syntax” ee aan u haysto in waxtar aan la soo koobi karin uu macallinkaygu ku kordhiyey baaritaanka afka Soomaaliga. Maanta wuxuu brofesor ka yahay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka. Sannad kastana wuxuu yimaaddaa Moosko. Marka aanu kulanno, wuxuu igu yidhaahdaa: “Laga bareyba laga badi!”.  Aniguna waxaan ugu jawaabaa: Luqun dheeraatay madax ma dhaafto”.

2.           Qaybtee ayaad afka Soomaaliga ka heshaa – ma sheekooyinka, mise maahmaahaha, mise maansooyinka, mise naxwaha?

”Badi waa isku wada dhanaan”, baa la yidhi. Afka Soomaaliguna waa isku wada macaan. Isku si baan u jeclahay naxwaha, maahmaahaha, sheekooyinka iyo maansada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, waxaan culayska saaraa ururinta iyo baaritaanka maahmaahaha iyo sheekooyinka hiddaha ah. Baaritaanka naxwaha iyo maansada waxaa ku hawllan aqoonyahanno badan oo isugu jira kuwa Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye ahba. Kuwase isku taxallujiyey maahmaahaha iyo sheekooyinka ee u baahan, istaahilana cilmibbaaris qoto dheer leh waa ay yar yihiin. Waxaan ku dadaalayaa in aan isku dheellitiro intii laga qoray maansada iyo naxwaha Soomaaliyeed ee dhinac ah iyo maahmaahaha iyo sheekooyinka ee dhinaca kale ah. Waa tii la yidhi: ”Faro malab isku leef ma ahee kala leef ma laha”.

3.           Qoraalladii ama buugagtii kuugu horreeyey ee ka hadlayay sheekooyinka, maahmaahaha,maansooyinka, naxwaha afka Soomaaliga, iwm, kuwee ahaayeen, ayaase qoray?

Qoraalladii iyo buugagtii iigu horreeyey waxaa ka mid ahaa “Xikmad Soomaali” ee uu qoray Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, isagoo gacan ka heley Bogumil Andrzejewsi (Macallin Guush), “Somali Poetry” ee ay wada qoreen Andrzejewski iyo I. M. Lewis, “Iftiinka aqoonta” ee uu soo saaray Shire Jaamac Axmed, “Sheekooyin fogaan iyo dhowaanba leh” ee uu qoray Maxamed Faarax Cabdullaahi iyo “Madhaafaanka Murtida” ee uu qoray Yuusuf Meygaag Samatar. ”Rag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi!”

4.           Qofkii ama dadkii kuugu horreeyey oo Soomaali ah ee aad barato ayuu ahaa goormayse ahayd?

Waxaan wax badan ka bartay Shire Jaamac Axmed  iyo Axmed Cartan Xaange ee aan la saaxiibay sannooyinkii lixdameeyada, qarnigii la soo dhaafay, oo ay waxbarasho u joogeen Moosko, Midowga Soofiyeeti. Waxay iga caawimi jireen sidaan u baran lahaa ku-hadalka afkooda hooyo, aniguna waxaan ka gargaari jirey siday uga salgaari lahaayeen afka Ruushka. ”Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan!” Muddo kaddib labadayda saaxiib waxay noqdeen aqoonyahaanno caan ah. Shire wuxuu ka tegey farta imminka lagu qoro afka Soomaaliga, Cartanna wuxuu ina dhaxalsiiyey buugag la yaab leh oo uu ka mid yahay Sheekaxariirooyinka Soomaaliyeed” ee ka soo baxay Uppsala sannadkii 1988kii.

5.           Suugaanta, tix iyo tiraab, aad jeceshahay ama ku dhaqdhaqaajiya oo aad ka heleyso goortaad akhriyayso, guud ahaan afkuu doono ha ku qornaadeene, waa kuwee?

Haddii laga reebo suugaanta Ruushka, loona leexdo tan Soomaalieed, waxaa wadnahayga dhadhaqaajiya maahmaaho, sheekooyin iyo gabayo badan. Waxaase xusid mudan, marka ugu horreysa, maahmaahda odhanaysa: “Nin maqan tebiddii waa nin jooga ceebtii”, sheekada la yidhaahdo “Faaliyihii la bilkeyday (=tijaabiyey)” ee muujineysa waxay Soomaalidu u arkaan nolosha iyo adduunka, weliba gabayo aan tiro badnayn oo aan si qumman u garanayo (badankood kama salgaaro).

6.           Buuggii kuugu dambeeyey oo aad akhrido oo kaa ilmeeysiiya, afkuu doono ha ku qornaadee, kee buu ahaa?

“East of Eden” ee uu ka tegay qoraagii Mareykanka ahaa ee la odhan jirey John Steinbeck.

7.           Buuggii kuugu dambeeyey oo aad akhrido oo kaa qosliya, afkuu doono ha ku qornaadee, kee buu ahaa?

Henderson the Rain King” ee uu allifey Saul Bellow ee isna ah qoraa Mareykan ah.

8.           Qoraalkii ama buuggii kuugu dambeeyey oo aad akhrido oo kaa cadheeysiiya, afkuu doono ha ku qornaadee, kee buu ahaa?

Waxaa had iyo jeer iga cadheeysiiya kolkaan Website-yada faraha badan ee Internet-ka Soomaalida galo oo aan akhriyo wararka ama maqaallada afka Soomaaliga ku qoran oo aad iyo aad qoraalladoodu u kharribanyihiin, ama ha noqoto xagga naxwaha ama ha noqdeen xagga higgaadda ereyada, ama xagga dhismaha iyo xulashada weedhaha.

9.           Maansooyinka Soomaaliyeed, maansadee ayaad ugu jeceshahay?

Waa “Hud-hud” iyo ”Haatuf”, laba maansood ee ku saabsan Cilmi Boodhari ee uu tiriyey Maxamed Ibraahin “Hadraawi”.

10.       Sheekooyinka soo-jireenka ah ee Soomaaliyeed ee faraha badan ee adigu aad qortay, middee ayaad ugu jeceshahay?

Midna ma aan qorin ee waa aan ururiyey, baaray oo daabacay. Dhammaantood waxaa curiyey abkii hore. Waa hanti ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, meel ay joogaanba. Aad bay u badan yihiin sheekooyinka hiddaha ah ee aan jeclahay. “Faaliyihii la bilkeday” mooyaane waxaa qalbigayga iyo maskaxdayda ku jira “Garta Aadane”, ”Hoog”, ”Isha Cumar ka Lulata”, ”Afar waraabe” iyo sheekooyn kale oo ku saabsan Ina-Sanweyne, Cigaal Shiidaad, Yoonis Tuug iyo Siyaad Dharyo Dhoobe.

11.       Waagii aad gabanka ama ciyaalka ahayd, ma ahayd akhriste sheekooyinka carruurta akhrista?

12.        Haa, intaan xasuusan karo akhriste baan ahaa. Farta Ruushka waxaan  bartay markii aan jirey shan sano. Buugaggii iigu horreeyey waxay ahaayeen sheekooxariirooyin hidde ah.

13.       Arbayaasha ku jira sheekooyinka Soomaalida ee adigu aad ururisey, midkee baad ugu jeceshahay?

Wiil-Waal weeye. Inkastoo laga biqi jirey, nin xun ma uu ahayn. Wuu caqli badnaa. Maalin ayuu Wiil-Waal shir qabtay. Dadkii oo dhan ayaa ka soo qaybgalay. Wuxuu ku yiri: “Maanta waxaan idiin sheegayaa hadal weyn ee i maqla!” Markaasaa dadkii yiri: “Waa yahay, Wiil-Waal. Waa maxay waxaad noo sheegayso?” Wiil-Waal wuxuu dadkii ku yiri: “Rag wax kasta waan ku sameeyey, dameerna u tu’iyey. Markaa waxaan ogaaday inuu “walaalow” wuxuu ku dhaamo aan la arag!”

14.       Ma sheegi kartaa buugga aad buugagta ugu jeceshahay oo runtii noloshaada wax weyn ka beddeley?

Buug noloshayda wax weyn ka beddelay ma jirin. Waxaase jirey buug aad ii saameeyey. Waa “Der prozess” (”Garnaqa”) ee uu qoray Franz Kafka. Wuxuu ahaa qoraa Yuhuud ah oo ku noolaa Braga, waxna ku qori jirey afka Jarmalka. Noloshayda waxaa wax weyn ka beddelay afka Soomaaliga ee barashadiisa aan bilaabay 50 sano ka hor. Waxaan odhan lahaa: dhawaaqa afka Soomaaligu waa yaab, naxwaha afka Soomaaligu waa yaabka yaabkii, erayada afka Soomaaligu uu ka kooban yahayna waa amankaag.

15.       Dalkuu doono ha u dhasho’e, kuma weeye qoraaga aad ugu jeceshahay, mid dhintay iyo mid noolba?

Waa Anton Chekhov ee sheekooyinkii uu qoray qaarkood aad adiga, Saciid Jaamac Xuseen iyo Rashiid Shiikh Cabdillaahi ”Gadhweyne” u turjunteen afka Soomaaliga.

16.       Buugagta faraha badan ee adigu aad qortay, afkii ay doonaan ha ku qornaadeene, midkee ayaad ugu jeceshay?

Waxaan ugu jeclahay buugga hadba iigu dambeeya. Waa buugga sheekooyinka Soomaaliyeed ee aan magaca uga dhigay “Afar Waraabe”, kaasoo soo baxay sannadkii hore dabayaaqadiisii.

17.       Buugga imminka aad qoriddiisa gacanta ku hayso, maxaa la yidhaahdaa, goormaadse filaysaa in uu ifka yimaaddo?

Waxaan imminka ku hawllanahay “Qaamuus Ruush – Soomaali”. Waxaan aamminsanahay in xiriirkii iyo waxwadaqabsigii qotada dheeraa ee u dhexeeyn jirey labadeenna dal ay soo noolaan doonaan, dadka Ruushka ahina ay u baahnaan doonaan qaamuuska aan tabaabusheeyntiisa ku hawllanahay. Waa shaqo adag oo u baahan itaal, aqoon iyo wakhti badan. Mararka qaarkood waa aan iska quustaa. Laakiin waxaa yididdiilo ii ah maahmaahda odhanaysa: “Subax iyo sadar, subax baa badan”.

18.       Cimri dheer iyo caafimaad ayaan kuu rajeeyey. Magac dheer oo aan abid dhimannin iyo qaddarin ballaaran ayaad ummadda afka Soomaaliga ku hadasha ku dhex leedahay. Abaal weynna hawshaad qabatay way kaaga hayaan. Timaaddana qoraallo kale ayaa lagaa dhawrayaa. Aad iyo aad baad u mahadsantahay!

Adiga ayaa mudan, walaal!

Diyaariye: Maxamed Xasan “Alto”

la xiriir
nisay51@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Fadlan Ogsoonow: Waa la hubinayaa jawaabtaada, waxayna qaadan kartaa cabbaar sidaas daraadeed fadlan labaad haku celcelin jawaabta. FG: Computer kasta waxa uu leeyahay cinwaan ama IP Address. Xeerka qoraalada SomaliTalk.