Home » Warar »

Soomaaliya oo beenisey kulanka la sheegay in uu dhexmaray Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel

“Wasaaradda (Arrimaha Dibadda) waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.”

Tr. July 06,2016
Muqdisho – Soomaaliya

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa si aan habacsanaan ku jirin abuuridda, cusbooneysiinta iyo xoojinta xiriirka iyo dana wadaaga, taasi oo u adeegeysa danaha qarankeena ee ka qeyb ah wadamada deriska iyo kuwa isbaheysiga nala ah ee dunida daafaheeda .

SomaliaSoomaaliya waxa ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah. xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaalle iyo fududeynta ganacsiga.

Xilli Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qiimeyneyso dhammaan bahda ay dana wadaaga yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo ujeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya , Wasaaraddu waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin .

Isha warka
Press and Public Relations ( PPR) – Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion – Federal Republic of Somalia | ministry@mfa.gov.so, ppr@mfa.gov.so, ppublicrelation@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.