Home » Archive Maalinta June 2nd, 2016

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey weerarka hotel Ambassador, kana taciyadeeyey geerida xildhibaanada

Jun 2, 2016
Muqdisho, June 1, 2016—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa cambaareeyey weerarka argagixiso ee galabta lagu qaaday hotelka Ambassador, kaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo u adeegayay bulshada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed...