Home » Warar »

Arrdeyda 18 Gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka oo tartan qur’aan akh-ris uga furmey Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota!

Sheekh Faysal Camuudi oo wareysi gaar ah siiyey Somalitalk “waalidiinta waxaan ka codsanayaa in caruurtooda aysan maclimiinta keliya kudeynin”.

In ka badan 240 arrdey oo ka kala socda 18 gobol oo ka mid ah dalka Mareykanka, ayaa tartan xifdinta Qu’aanka Kariimka uga furmey Masjidka Karamel ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota 07/05/2016. Tartankan oo socon-doona todobaad ayaa waxaa soo qaban qaabiyey maamulka masjidka Karamel waxaana garsoorayaal ka ah shan xubnood oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka iyo hal xubin socda Magaaladda Hargeysa ee caasimada labaad ee dalka Soomaaliya.

Tartankan oo lagu maamuusey Qur’aan akh-riyihii weynaa ee Imaam Shaatibi ayaa furitaankii tartanka waxaa ka Hadley Gudoomiyaha gudiga garsoorayaasha tartankan Sheekh Waliid Idiris iyo xubnaha kale ee gudiga. Waxayna sheegeen danta laga leeyahay tartankan, waxa laga rabo ardeyda tartameysa, qaabka uu u socon doono iyo dardaaran loo jeedinayey mustaqbalka ardeyda ku soo baxda tartanka. Xubno kale oo isugu jira Culimaa’udiinkii Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis, waalidiin, ganacsato iyo marti sharaftii yimid goobta oo qaarkood halkaasi ka Hadley ayaa waxay ku dheeraadeen qiimaha tartankan uu u leeyahay muslimiinta ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayeen dugsiyo iyo masaajido ay leeyihiin.

Sheekh Faysal Camuudi oo macallin ka ah Dusiga Imaam Shaatibi oo wareysi gaar ah somalitalk siiyey ayaa wuxuu sheegey “Tartanka waxaa soo qaban qaabiyey Maamulka Masjidka Karamel Ilaahay haka ajarsiiyo, tartankan waa mid uu dhexeeyo Soomaalida Mareykanka oo dhan”. Wuxuu keloo intaa ku darey “inta hadda is-diiwaan gelisey ee la ogyahay waa 18-21 Gobol, tirada arrdeynuna waa 247 ardey”. Sheekh Faysal wuxuu keloo sharxay halka ay ka yimaadeen garsoorayaasha tartankan “Culimadda garsoorayasha ah waxay ka kala yimaadeen qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka iyo Hargeyso waxayna kala yihiin Sheekh Waliid Idiris, Sheekh Xasan Saalix, Sheekh Mustafa Muftaax, Sheekh Maxamed Cabaas, Sheekh Cabdiraxmaan Suusi iyo Sheekh Cabdinaasir Yuusuf oo ka yimid Magaalada Hargeyso”ayuu yiri.

Sheekh Faysan wuxuu keloo sii sharxay tartanka “Tartankan wuxuu soconayaa todobaad, waxaa lagu tartamayaa shan farac, koowaad waa 30-ka Juz, faraca labaad waa Juz 15, faraca seddaxaad waa 10-ka Juz, faraca 4 waa 5-ta Juz, faraca 5 waa Juz Cama” Sheekh Faysal mar uu ka hadlaayey abaalmarinada ay helayaan ardeydu waxaa uu yiri “abaal marinada ay helayaan ardeydu waxay isugu jirtaa Cumro iyo lacag. Todobada qof ee ugu horeeya ee ku guuleysata 30 Juz iyaga, waalidkooda iyo maclimiintooda waxaa loo qaadi doonaa Cumro. Sidoo kale Qaybaha kale shanta qof ee ugu horeysa waxaa loo qaadi doonaa Cumro ujeedada ugu weyn ee tartanka waa in caruurteena ay bartaan Qur’aanka Alle weynidiisa”. Mar aan weydiiyey caqabadihii ay la kulmeen waxaa uu yiri “Dadkii hore u degnaa Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis, 10 ilaa 15 sanno ka hore, waxaa laga yaabaa in aysan dugsiyo jiri jirin sidoo kale masaajidadu ay yaraayeen. Culimadu maanta waxay ka hadashey dadkii ku noolaa magaalooyinka qaarkood, in aan la heli jirin Dugsi iyo macallin Qur’aan. Laakiin maanta waxay mareysaa in tartan lagu-

tartan3
tartan1
tartan2

qabtay Mareykanka ay ka soo qayb gasho 247 ardey taasina waa guul Alle, halka tirade markii hore aan ku bilowney ay ahayd 97 ardey ee waalidiinta waxaan ka codsanayaa in caruurtooda aysan maclimiinta keliya kudeynin.” Ayuu hadalkiisa ku soo xirey.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Minnesota USA.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.