Home » Faallo »

Qaybtii 3-aad ee Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN GALAY W.q Qareen/Khadar Aar.

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka ee marba marka ka danbaysa kasii daraya,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u xumayd ee uu lasoo kulmay intii uu Tahriibka kusoo jiray .
Intinii sheekada Qaybteedii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhalinyarada ahaa iyo dhamaan Akhayartii ay Tahriibka isku barteen Habeen madaw laga carabiyay lagana dhaqajiyay Magalada Adis-ababa ,idoo loo kaxeeyay dhinacaa iyo Wadanka Sudan.

Isaga oo sheekada inoo wada waxa uu yidhi :-

Waa xilli Habeena Sacadu waa Abaara 7 Fiidnimo waxaa Gurigii aanu ku sugnayn noogu yimi Nin ka mida Mukhalasiinta waxa uu nagu wargaliyay in aanu u diyaar-garawno Safarkii Tahriibka, waxa uu noosoo bandhigay in aanu kala doorano Laba arimood oo kala ah :-

1.Qofkii doonaya in uu bixiyo Kharashka Tahriibka ee Ethopiya ilaa Talyaniga oo aanu Magafe ku jirin hada ayaanu ka qaadaynaa kadibna waxa nagu balana in aanu gayno Talyaniga .

2.Qofkii doonaya in uu hada bixiyo oo kaliya Kharashka Ethopiya ilaa Sudanna ,Ahlan wasahalan hada ayaanu ka qadaynaa kadibna hadhaw isaga ayaa kharashkiisa kale la baxaya.

dhalinyarada badankoodu waxa ay bixiyeen Lacag loogu sheegay in ilaa Talyaniga lagu gayn doono waxanay sidaas u yeelin Kalgacalka iyo Farxada ay u hayaan Safarka Yurub ee Geerida iyo Darxumada aadka u badani ay ka sokayso.

Anigu waxa aan doortay Madama anan Lacag igu filan anan sidan in Lacagta Tahriibka ee ilaa Sudan aan bixiyo, kadibna wixii ka danbeeyana aan Sudan Lacag ka dalbado, una qaylo dirto Hooyo Macaan iyo Abahay .

Anigu Abahay iyo Hoyaday midkoodna wax Lacag ah kuma ogi ,balse waxa aan haystaa oo aan ka dharagsanahay Casharada aan Tahriibka ka bartay amma ka maqlay oo ah, in aad Walidkaa la hadasho oo kaliya marka aad Aflibaax gasho ,balse aniga iyo qayrkaytoona kamaanan fikirin Naxdinta iyo Hantaqada soo gadhaysa Walidka ,Nimaad dhashay kuma dhalin .

Waxa uu ahaa Safarka Adis-abab ilaa Sudaan Safar aad u xanuun badan babuurkii na siday wax uu Habeen oo dhan nala Guureyaba , Sacadu markii ay ahayd 5 Aroornimo ayaa waxa uu nagu Qubay sida Xoolaha Goob Cidla caasiro ah.

Waa Kaymo jiq ah ,waxaa markiiba nalagu amray in aanu Hadalka iyo Hugunkaba aanu yaraayno,waxa sida Askarta naloo galiyay Fiilo aad u dheer, Nasiib darro aniga ayaa Dadkii u horeeyay ,waxa la ii dhiibay FAASH (baange) si wadada aan u baneeyo oo dhirta naga hor imanaysa oo dhan aan u jarjaro,Faraha ayaa Dhiigu i da’ay.

Safarkan waxa nagu weheliyo Dumar iyo Caruur kuwaasi oo markasta kaga bahan in aad gargaar u fidiso adiga oo taadi la taagdaran, runtii waxa aanu soconaba waanu daalnay ,Cagahii ayaa na bararay ,Dadka badankiisi waxa ay la socon kari wayeen Gaajo,haraad iyo Daal,noloshayda waa markii iigu horaysay ee Socod intaa leeg aan Lugeeyo.

Inkaar Ilahay ha ku ridee waxaa na wada oo dabada nagaga jira Mukhalasiin IIMAANKA IYO ISLANIMADUBA AY KA TAGTAY,Sacadu waa abaara 11 duhurnimo ,MEESHA AANU MARAYNAA MAHA MEEL LAGU NASAR KARO,waa goob halisa oo ay ku badan yihiin Budhcad wax disha waxna badhata Dumarkana faraxumayn u gaysta.

Wax aanu is daba luudnaba Sacadu markii ay ahayd 1 Duhurnimo ayaa waxa noo muuqday Tuulo yar ,kadibna waxaa na gashay Yididiilo iyo farxad waayo waxa aanu isleenahay waxa aad ka heli doontaan wax aad Cuntaan iyo wax aad Cabtaan .

Farxadi waa Naxadine Mukhalasiintii waxa ay noo sheegeen in Tuladan yar ay dagan yihiin Niman Milatari ah oo Tahriibayasha dhibateeya ,sidaa awgeed waxa ay noo sheegeen in aanu Qofna HUNGURAYN ku leexashadeda Tuladan,iyaga oo noogu hanjabay in Qofkii ku leexda ay Dili donaan.

aarIntaasi ka bacdi waxa aanu fadhiisanay oo ku nasanay meel Tulada aan aad uga fogayn oo Kayn ah,waxa aanu lasoo baxnay wixii sahay aanu sidanay oo ka koobnaa Timir,Buskud,Roodho iyo xataa Sonkor,kadibna waxa anu ku tuuranay waxooga Qaxwe ah.

Marka laga yimaado dhibta uu Safarkani leeyahay, waxaa aniga ii dheer waxaa faraqa igu xidhatay Gabadh Somaliyeed oo siday ii sheegtay Laba Wiig ka hor UMUL ka baxday Ilmana lagu qalay,taasi oo markasta ka cabanaysa Xanuun kaga soo boodaya Bartii Qalniinka lagaga sameeyay .

Gargaarka ILAHAY iyo Ducco mooyane tala kala ma taalo ,Raggu kala adkaysi badane qaarbaba heesaya,waxaa safarka nagu weheliya Wiil dhalinyara ah oo aanu Adis-abab isku baranay,iigana sheekeeyay sababta Tahriibkan ku kaliftay in ay ka mid tahay ,kadib markii Gabadh ay is-jeclayeen uu ka Guursaday Nin Qorba Joog ahi ,oo isaga laftiisu wakhti aan sidaa u fogayn Tahriibay,waa markii iigu horaysay ee aan arko Nin heesaya oo hadana OOYAYA,Wiilkasi waxa uu ku celcelinayaa Heesta calaalka:-

Cakuye hawl Aduun badana + Ma cidla ciirsiilaan fadhiya

Cirkaa dheer Dhulkaa dheer +Caways ma kududaa

Wayga Ciirsantoo Taladu + Cayn waraeegsantee aniga

Culaysbaa isarane Allaw +Allaw Allaw ciilka iga bii

Nin caydhi walighii ceeb kama fogadee+Caway u darante xagebaan cuskada

Waxyar oo aan badnayn markii aanu fadhinay ayaa Mukhalasiintii Dabada naga gashay,waxa ay noo sheegeen in markan la Guclaynayo sababta oo ah waxaa la rabaa in Cedceedu inta ay soo jeedo in laga fogaado Deegankan aanu hada marayno oo ah meelaha ugu xun ee Dadka Tahriibka ah lagu dhibateeyo ,waxa ay sitaana lagaga qaado gaar ahaan Somalida oo lagu tuhmo in ay Lacago badan sitaan.

Ilayn ciil iyo Cadho looma dhinto ,inta taagtay ah waa aan socon kari lahaa lakiin waxaa ila hadhay oo marba aan u hadhayaa Gabadhii Somaliyeed oo Xaalkeedu meel halisa uu marayo .

Dadka badankiisuna waxaba ay leyihiin waa in aynu Gabadhan Halkaasi kaga tagno,waayo Talaabo wa la qaadi waayay, marka dhinac laga eego waa ay saxan yihiin waayo xaladan oo kale qofkaad naxariis u mujisaa waa uu kula hadhayaa, balse hadana Naftu ku siin mayso in Gabadh Somaliyeed oo ku leh Walaal hayga tagin in aad Cidlo kaga dhaqaaqdo.

Markii aanu ugu yaraan 3 Sacadood aanu soconay ayaa waxaa goob Cidla Casira ah aanu kula kulanay Laba Wiil oo Somali ah oo muddo lagu haystay deegankan aanu marayno,dhamaan wixii ay siteenna lagaga qaaday ,kadibna waa ay nagu lug-dareen, inkastoo ay dooneen Mukhalasiintii in ay naga reebaan lakiin waanu ku Tuntuusanay in aan Labada wiil cidlada kaga tagin.

Waxa aanu afka saaray Kaymo ,Jeexjeexyo iyo Boholo waxa aanu kolba ka talawna Wabiyo ,waxaa inatasoo dhan nagaga sii daran waxa nagu Qoyay dhamaan maryihii aanu sidanay kadib markii uu na qabsaday ROOB MAHIIGANA.

Waxba hadal yaan idinku daalinine muddo Sadax Casha ah waxa aanu ku jirnay Socod iyo Dhuumalaysi. ilayn Bini Aadmigu marka uu lumo amma ay dhiibato qabsato isagoo safar ku jira, waxa uu ku leexan jiray hadba halkii Dad ugu dhaw,balse ayaan darada na haysata waxa aanu ka cararaynaa meelkasta oo aanu isleenahay Qof Ilahay Abuurtay ayaa jooga.

Waxa aanu maraynaa oo aanu socona Dhul aad u dhibaato badan waa malintii Shanaad.NASIIB DARRO waxaa markaliya meel Kayn ah oo anan ka filayn nagaga soo baxay Ciidan dhan oo Hubaysan oo aan wax diraysa oo lagu garto aan sidan.

Markaliya ayaa Gacanta nala mariyay ,wax alaale wixii aanu sidanay bartaasi ayaa nalagaga furtay,qofka is adkeeya ee diida in Jeebkiisa la baadho naftiisa ayuu wayaya,kadibna waa ay na kaxeyeen waxa ay nagu xidheen meelo ay dadka ugu tala galeen,markii ay halkaas nagu hayeen 3 casho oo kale ayay inta ay babuur nagu soo qadeen waxa ay dib noogu soo celiyeen Halkii aanu Dhawr Casho ka hor ka tagnay ee Xadka Ethopiya iyo Sudan.

Markiiba waxa aan arkay Dhalinyaro Somaliyeed oo Safrkii Tahriibka ku guda jira ,oo doonaya in ay maraan meeshii nalaga soo celiyay,kadibna aniga oo aan wax Lacaga aan sidan ayaa Feedha ka raacay ,waxaa aanu Jabkii iyo Leeleelkii marlabaad kusoo beeganay isla Goobtii hore naloogu baadhay, balsre markan Ilahay waa naga Indha saabay,kadibna sidaasi ayaanu Khartun kusoo galnay.

Sheekada la soco wali fari kama qodna dhibta u wayni haday bilaabmaysa.

la soco qaybta 4 aad. (halkan: https://somalitalk.com/tag/aar/

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.