Home » Faallo, Warar »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

ilinka 1985-ta ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalaf san inaan ku aado Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii xabashida ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa Xabashi lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay , hadaba si aan Adis-Ababa u tago waa inaan marka hore tago Laagos ,Nayjeeriya kadibna aan u dhoofo Hangaariya oo ah halka aan Dhul xabashi ka aadi doono, 4M Funduq la yiraahdo oo ku yaalla Budabest ayaan u hoyday , subaxdii hore ayaa waxaa la igala soo hadlay soo dhawaynta waxayna ii sheegtay adeegto joogtay Soo dhawaynta inuu idoonayo nin la yiraahdo Ibnu Idlib , shaki wayn ayaa i galay , waxaan u diyaar garoobay inuu dhici karo fal danbiyeed la igu khaarajin karo, xaashi yar ayaan ku qoray Telifoonka Taliyahagayga Xamar jira xafiiskiisa waxaana saara sariirta dusheeda , si haddii la ii khaarajiyo ay ciidanka nabad galyada Hangari ugu yaraan ula xariiraan Xafiiskaas kadibna warka geeridayda u gaaro dhulkaan u dhaartay inaan u dhinto .

intaanan hoos soo wada gaarin ayaan dabaqa labaad kusoo hakaday si aan aragti buuxda uga qaato qaybta hoose , nasiib wanaag waxay Indhahaygu durba soo qabteen Kornayl C/Xamiid Xaraaq oo ka mid ah Saraakiisha laf dhabarka u ah Adeegga nabad sugidda Suuriya sanad ka horna aan marti ugu ahaa Xafiiskiisa ku yaalla Kafarsuusa , Dimishaq, Salaan aanan magac la isugu yeerin kadib ayuu yiri waa aniga Ibnu Idlib xabad sigaara intuu shittay anigana mid ayuu igu maamuusay waxaan u gartay aan dibadda uga baxno huteelka , waxaan ku iri aan qolka mar kaliya ku noqdo, banaanka ayaan kugu sugayaa ayuu ii raaciyay , Xaashidii aan ku qoray Nambarka Taliyahayga ayaan soo jeex jeexay si ayna qolyaha nadaafaddu u arkin oo aan qabo badankood inay yihiin indho dawladeed, kadibna dag dag ayaan usoo dagay .

waxaan tagnay Safaaradda Suuriya waxaan isku aragnay ragg dhawr ah oon Shaam isku shaqa baranay , waxaa durba la ii dhiibay liis ay dhawr nin oo ka mid ahaa Laanta Nabad Suggidda Soomaaliya , raggaas waxay Suuriyaanka heleen war bixinno lagu kalsoon yahay oo caddaynaya inay Sirta Qaranka Soomaaliyeed siiyaan Itoobiyaanka una Marsiiyaan Saraakiil ka tirsan Ergada Masaarida ee Xamar jooga , waxaan fadhigaas kaligay gaaray go’aan inaan Xamar dib ugu noqdo iskana iloobo Itoobiya iyo dhoofkeeda.

Waxaan galabkiiba aaday Shirkaddii aan la socday waxaana codsaday in horay la iigu soo dhigo safarkaygii , $120 ayaa la iga qaaday maalin kadibna waan soo noqday , socod dheer kadib waxaan imid Xamar , Madaxwayne Siyaad iyo Taliyahagygii ayaan war bixintii u dhiibay waxaana u raaciyay ‘’ Jaallayaal waxaan filayaa inuu dhintay wajigii aan ku tagi jiray Itoobiya ‘’ si wanaagsan ayaa loo aqbalay inkastoo ay labada oday xoog caroodeen sigaarna iska daba shidtteen, maalmo kadib waxaa Xabsiga loo diray saraakiishii laga soo war sheekooday , kadib markii la xaqiijiyay warkii ay Suuriyaanka soo tabiyeen .

Bishii oon dhammaan ayuu Madaxwayne Siyaad Xaashi gaar ah ii dhiibay waxaana u qaaday Caasimaddii Umawiyiinta , Dimishaq , Madaxwayne Xaafid Al-Asad ayaan u siday mahad naq ballaaran oo aan ka siday Madaxwayne Siyaad , Bogaadin dheeraad ah ayaa loo diray Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida iyo kuwa aan muuqan , Suuriya oo aan igu cusbayn waxaan sida caadada u ah Madaxda Dunida Carabta ay la kulmaan Saraakiisha Ammaanka xiliyada fiidadka ah ee aan sidaa loo ag dhoobnayn haddaysan xaaladdu deg deg ahayn.

Funduq Shaam oo la igu marti galiyay waxaa maqrib dabadii iigu yimid Hishaam Bikhtiyaar Saraakiisha Xisbigiga Al-Bacath , wuxuu ii qaaday Aqalka uu daganaa Madaxwayne Xaafid Al-Asad oo aan ka fogayn dhismaha Safaaradda Soomaaliya , war dheer kadib , Xaafid Al-Asad wuxuu usoo jeediyay Madaxwayne Siyaad talo ay habboontahay inuu ku dhaqaaqo fulinteeda , ‘’ Walaalkay Waxaan jeclaan lahaa inuu ka fakaro Xiriirka Liibiya iyo Kornaylka xukuma waa Qadaafiye ‘’ Asad wuxuu ku qanac sanaa inaysan Liibiyaanku la waasheen Saliidda isla markaana aqoontooduna ay yartaha, ka xishoon maayaan inay Dalal daggan colaad ka huriyaan , iyadoo aysan jirin faa’iido Qarankooda uga imaanaysa , Asad wuxuu yiri ‘’ Waxaan qabaa si loo joojiyo hantida ay ku shubayaan jeebabka Jabhadaha hubaysan ee doonaya inay Qaranka Soomaaliyeed dumiyaan ayagoo kaashana cadaw kasta oo Ummaddu leedahay , in uu Madaxwayne Siyaad soo celiyo xiriirka liibiya si shartooda looga nabad galo ‘’ warqad uu Madaxwayne Asad ku suntan yahay ayaa la ii dhiibay , jidka aan Xamar u marayo oo Jidda , Suciidga ah darteed waxaa jiray Cabsi inay Sucuudiyaanka oo ay Maraykanku dhabarka ka taabteen baaraan Boorsadayda Dublamaasiga ah , si aysan u dhicin waxaa xaashidii lagu tolay Buug markaan xamar tago aan jeexi doono .

nss
Xasuustii F. Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991) "

  1. ABDIRAHMAN ABDIRIZAK GEELE says:

    CODSII: waxaaan khubaradii sirdoonka qarankii somalia ka codsanayaa inay gacan siiyaaan ugana faa’iidayaaan aqoontooda qotada dheer wadankeena.Qofkasta oo soomaaliya manta wuu ka dhereg sanyahay wuu wadanku ku sugan yahay amni daradu hawgu horaysee.sidaa wax looga qabto waaa in ay aqoon yahanadii wadanka u soo shaqeeyey lahaana khibrada inay dhalin yarada hada ku shaqeeya aqoon la’aanta ee sirdoonka inay sii yaan fursad ay uga fa’idaynayaan aqoontoodii wadanka iyo dalka loo soo baray iyagoo aan ku xidhin wax shardi ah.