Home » Faallo »

Qaybtii 2-aad Shekadii TAHRIIBKA IYO TAHLUKADII AAN SOO MARAY W.q Qareen/Khadar Aar.

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi Tahriibka mid kamida,ayaa waxa uu iiga sheekaynayaa dhibatadii aadka u xumayd ee uu soo maray intii uu Tahriibka kusoo jiray .
Isaga oo sheekadii inoo wadana waxa uu yidhi:-

Qaybtii 1aad ka akhi https://somalitalk.com/tag/aar/

Intiinii sheeka qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay aniga oo Magaladii Burco wixii aan dhaqale ka heli karayay Gacanta mariyay ,anigoo qofkasta u sheegaya in aan isu diyarinaayo Waxbarasho Jamacadeed.

Waxa aan isu keenay waxooga dhaqala oo aan isleeyahay waa uu kugu filanayaa Safarkaga Tahriibka,balse war iyo wacaal toona kama hayo xaladu sida ay noqon doonto iyo markasta waxa is badali doona. Indho la’aan iyo dhaga la’aan ayaan doonayaa in aan dhaqaajiyo aniga oo aan cidna Salamu calaykum odhan Walidkii idhalayna ha ahaadee.

email: khadaraar7@gmail.com

email: khadaraar7@gmail.com

Waxaa ii hilaacaya oo maskaxdayda iyo miyirkaygaba la tagay sheekadii Khiyaaliga ahayd ee Saxiibkay ,waxaa maskaxdayda kusoo noqnoqonayaa oo kolba sidii Filimka aan dawanayaa Sawiradii uu Saxiibkay Norwey iiga soo diray,waxa aan isleeyahay talaw mar uun adigoo Norway jooga maad kasoo hadli Lanbarada ay u horayso 0047 ,waxa aan naftayda kolba ku canananaya hadaad bari hore Tahriibi lahayd maanta sidan maad ahateen.

Ayaamo ka bacdi waxa aan raadiyay Shabakadaha wax Tahribiya iyo meesha laga helo ,ilayn aniga ayuunbaan wax-ogayne Groupka wax tahriibiya waxa ay la shaqeeyaan Dareenka Qofka Tahriibta doonaya .

Ayaan ayamaha ka mid ah ayaa waxaa ii yimid Nin aanu is naqaano waxa uu igu yidhi ,ma waxa aad doonaysaa in aad Tahriibto!! runtii waan ka naxay eraygaasi waayo maan donayn in la ogaado Safarkayga Tahriibka ,kadibna waxa aan ku idhi maya maya ! yaa kugu yidhi??

Garabka intuu i qabsaday ayaa isaga oo dhoola cadaynaya waxa uu igu yidhi ,saxiib waan ku ogahay ee waxa aad yeshaa waxba hayga qarin aniga ayaa hawshada kuu dhamaynaaya kuna taba-bushaynaya ,balanna waxaan kuugu qaaday in Yurub aad ka cawayso.

Runtii hadalkaasi uu igu yidhi aad ayuu ii farax galiyay , kadibna waxa aan si dagdag ah ugu sheegay in aan doonaayo in aan Tahriibo, isaguna waaba intuu doonayaye isla goobtii aanu wada joognayba waxa uu igu siiyay Casharada iyo Shuruudaha looga bahan yahay Qofka Tahriibka ah.

Waxyabaha aan ka xasuusto hadaladiisi ayaa waxa ka mid ahaa:-waxa aad safarka ka bilabaysaa Hargaysa, kadibna waxa aad maraysa Adis’ababa waxaad ku xigsiinaysaa Khartuum,waxa aad uga sii gudbaysaa Liibiya,kadibna waxa aad tagaysaa Wadanka Talyaaniga ,markaliya Ninkaasi Mukhalaska ahi Afkiisa muu soo marin in aan SAXARAHA iyo MAGAFE aanu is huranahay hadiiba ALLEH iga badbaadiyana aan BADAHA waawayn dhex jiibaxaayo.

Markii uu hadaladaasi ilahaa runtii waxa ay ila ahayeen kuwo aad ii farax galinaya ,soona dhawaynaya Rajadii iyo yididilaadii aan ku fikiraayay,waxa aan aad u necbaa qofkasta oo Safarka Tahriibka khatar ku sheega ,waxa aan aad u jeclaa Dhagahana aan u raaricin jiray cidkasta oo ka hadlaysa fa’iidoyinka dhoofka.

Saxiibkaygii Mukhalaska ahaa sida ugu dhakhsaha badan ayuu Burco Cadeey iiga Tababusheeyay iigana anba bixiyay aniga iyo dhalinyaro aan ku jiro, hadhcad ayaan idhi !! BURCOOY BAYBAY.

Waxa aan ahaa Hooyo korisay ,waxa aan ahaa wiil dhalinyara ah oo waligii aan Burco dhinacna u dhaafin ,tariikhdayda inta aan garanaayo waligay ma seexan Guri aan ahayn kan Hoyaday iyo Abahay ,waan dareemayaa in TAHRIIBKU igu adag yahay, hadana wixii qayrkaa qabo qosolkaa ku jaban.

SAFARKAYGII HARGAYSA

Talabadii u horaysay ee Tahriibkayga waxa aan ku tagay Magalada Hargaysa,Mukhalasiintii Hargaysa joogtay waxa ay i geeyeen Guri ay Dhalinta ku ururiyaan, waxanan kula kulmay dhalinyaro aad u badan oo Safarka Tahriibka loo diyaariyay.

Dhalinta badan koodu isma yaqanaan ,Qofkasta oo ka midiina telafoon ayuu hawshiisa si qarsoodiya ugu maamulayaa ,waa lakala wada shakisan yahay ,balse waxaa laga wada midaysan yahay Safarka iyo u hilawga Yurub.

Intaad Gurigaa ku jirto Talafon kasta oo kugu soo dhaca dibada ayaad ula baxaysaa ,Xanshashaq mooyee talo kale maa taalo, qofna qofka kale Sirtiisa u sheege maayo maha Dawalad iyo Xukuumad in laga cabsi qabo waxaa la iska ilaalinayaa waa in ay ku ogadaan Walidka,xataa Magacaga hadii lagu waydiiyo waxa aad sheganaysaa mid kale .

SOCDAALKII ADIS’ABABA

Waxa aan xasuustaa Maalin Sabti ah ayaa waxaa si tartiiba naloogu Guray Babuur,Kontorolada badankooda cidiba nama joojiso,waxa aad mooda in ay wada shaqeeyaan Boliska iyo Mukhalasiintu waxa aanu goor habeenima ah galnay Magalada Adiisababa oo Jawigeedu Qabaw yahay .

Markii aanu tagnay Adis’ababa ayaa Qoladii nawaday waxa ay nagu wareejisay Mukhalasiinkale, waxa aad moodaa in aanu nahay Shixnad alaab ah waayo Qoloba qolo kale ayay nagu xawishaa ,kadibna waxaa nala geeyay Guri aad ay dhalinyaro uga buuxdo .

Markii u horaysay ee aan Gurigii galay waxyabaha iigu layaabka badnaa waxaa ka mid ahaa in aan Gurigii ugu tagay Dhalinyaro aanu saxiibo ahayn gaar ahaan kuwii aanu ceeshow milxa ahayn oo iyaguna Tahriibaya.

Runtii aad ayay ii farax galisay aragtida dhalintaasi waayo waxa aan helay rafiiq aan Tahriibka iska weheshano,sababta oo ah waxa aan sheeko Tahriib ku maqli jiray hadii aad wada safartaan cid aydaan isku Hayb amma isku Maagalo aydaan ahayn waxaa laga yabaa in Dhibkasta oo kusoo gaadha aad kali ku noqoto.

BIXI TAANKII ADISABABA

Sacadu waa Lixdii Maqribnimo waxaa garabka ii sudhan Shandad yar oo loogu talagalay Tahriibka oo aan Adisababa ka Iibsaday ,dhamaan Dhalinyaradu waxa ay diyaar u wada yihiin in wakhti-yar ka bacdi ay babuurta fuulaan,balse waxa ay sugayaan oo kaliya Amarada Madaxda Mukhalasiinta .

Waxaa noosoo galay Nin ka mid ah Mukhalasiinta oo anan hore u arag waxa uu nagu yidhi si bilaa buuqa u fuula babuurta ,Babuurtii ayaanu fuulay ,kadibna waa ay nala dhaqaaqeen ,waa markii iigu horaysay ee aan dareemo cabsi iyo warwar ,waxaa maskaxdayda kusoo xadiray Argagax ,waayo Adis’ababa waxa ay ila ahayd intii an joogay mid aan iiga duwanayn Dalkaygii balse hada xaaladu waa Bariga dhexe .

lasoco qaybta 3aad

https://somalitalk.com/tag/aar/

email. khadaraar7@gmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.