Home » Faallo, Maqaallo »

Qaybtii 1aad Sheekadii Tahribkii iyo Tahlukadii aan galay .W.Q. Qareen/ Khadar Aar.

Waxaa beryahan danbe si wayn usoo shaacbaxay Maqalka erayga TAHRIIB kaasi oo aad ka maqlayso dhamaan Idacadaha ,Guryaha,Maqaaxiyaha,Wadooyinka iyo meelkasta oo Laba Qof oo Somaliyii ay isugu yimadaan ,iyada oo laga sheekaynaayo dhibatada aan kala joogsiga lahayn ee soo wajahday dhalintii Somaliyeed.

aarSida Runtaa hadii aan is idhaahdo Macnee Erayga “TAHRIIB” waxa ay ila tahay in uu ka yimi amma kasoo jeedo Erayga Carabiga ah ee هرب Carar eray bixinta Somaligana Tahriib waxaloo yaqanaa waxkasta oo lala dhuumanayo amma lala baxsanayo, iyada oo inta badan lagu isticmaalo Eraygan waxyabaha Dawladaha lagala dhuumanayo ee Kontarabanka ah ,balse waxaa maanta lala dhuumanaya Naftii Bini’aadmiga ee qaaliga ahayd.

Wax lala yaabo maha in Qofku uu dhoofo oo uu tago meel aan Wadankiisa ahayn iyada oo sababaha loo tagaayo lagu kala gadisan yahay , balse waxaa wax lala yaabo ah ,in wadada aad u marayso dhoofkaasi uu noqdo mid Naftaada halis galin kara oo aad ku dhiman karto .

Hawada Dhoofku qaabkay doontaba ha kuu gashee bal waxa aad ka warantaan dhalin-yarow hadii Naftii aad dhoofka aad la raadinaysay aad u sababto in aanay gadhin meeshii ay higsanaysay ,iyada oo Nolosha iyo Geeridaba Rabbi uu hayo hadana Asbaabta inaga keensana waana waxa laynagu ciqaabo.

Runtii ma sahlana sida lagu yimaada wadamadan losoo yaacaayo,sidoo kale iyana ma sahlana sida Nolosha aad ka fikirayso ee kugu borogaramsan iyana looga helaa iyadoo dhamaystiran .

Mid ka mid ah Dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiiboyinkaasi ayaa isaga oo iiga sheekaynaya Halagii iyo Dhibataduu badnayd ee uu soo maray xiligii uu Safarka Tahriibka kusoo jiray Afrika iyo Badaha ,ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisii :-
TARIIKH NOLOLEED KAYGII.

Waxa aan ku dhashay Magalada Burco ,waxa aan ka dhashay Reer Danyar ah ,waxa aan la dhashay Caruur dhan 5 Shan ah, kuwaasi oo aan anigu u waynahay Curadna aan u ahay,inkastoo reerka aan ka dhashay faqiir ahaa hadana sida Somaliduba ay u badan tahay Habeena Gaajo kumaan seexan.

Waxa aan ahaa dhinaca Waxbarashada Nin Fahmo badan ,waligay Imtixaanka hadaan Wanka waayo Tuuga kamaan hoosayn ,Yididiilada iyo rajada igu jirtay waxa ay ahayd mid uun ku xeeran waxbarashadayda iyo sidaan u horu marin lahaa.

Maan ahayn dhalinyarada inta badan ku fikirta iskuna maawelisa Dhoofka Dhulka shisheeye ,balse hadana igamay madhnayn xiisaynta sheekada Saxibadayda waa hore dhoofay kuwaasi oo Sawiro si fiican loogu fara-yaraystay Facbooka isoo dhiga, iyaga oo igu yididiilo galinaya in mar uun aan Afrika kasoo baxo.

Sidoo kale waxaa Dhagahayga iyo Maqalkaygaba ka batay Erayga JAALIYAD taasi oo aad moodaba in Dhinaca Dawlada laga Buunbuuninayo Dhoofka dhalinyarada iyo Tariibka ,waayo waxa aan arkay Saxiibkaygii shalay iga dhoofay oo laga yaabo dhinaca Aqoonta in aan anigu kaga Fiicanahay balse hadana malinta uu Wadanka yimaado waxa uu la kulmayaa Madaxwaynaha isaga oo ku gaashaman Magaca JALIYADA REER YURUB, amma Jaliyadaha DIBADA iwm.

CURASHADII TAHRIIBKA.

Malin maalmaha ka mid ah ayaa waxa si lama filaana Talafoon iigu soo diray Nin aanu saxiib ahayn balse ay iigu danbaysay mudoo aad u badani , inta oogaal kay ahna wadanka dibada kaga maqnaa, muddo horena ka dhoofay ,isaga oo ka mid ahaa dhalin yaradii koobnayd ee Khadka Tahriibka ku baxday nasiibka Fiicana kala kulantay wadankii ay tagtay oo ahayd Wadanka Norwey .

Saxiibkay markii aanu is waraysanay kadib waxa uu igu dhaliyay in aan Wadanka kasoo baxo soona Tahriimo ,isaga oo ii balan qaaday xataa in Dhaqalaha Tahriibka qayb ka mida in uu iga saacidi doono,isaga oo shuruud iiga dhigay marka aan kasoo hadlo wadanka Sudaan ,waxaanu isoo qoray Talafonkisa markasta aan ka heli karo.

Hamigii iyo Hiyi kacii Maalinta igu dhashay waxa uu keenay in aan Hurdo iyo Raxaba waayo ,waxa ay talo igaga ururtay Dhaqale raadis iyo anigoo Ninkasta oo aan garanayaba waydiinaya dhaqaale, marka lay waydiiyo waxa aan ku falayana waxa aan u sheegaa in aan doonayo in aan jamacad galo ,iyadoo mararka qaar ay Walidkay ogadaan dhaqalaha aan aan raadinayo.

la soco qaybta 2 aad

https://somalitalk.com/tag/aar/

w.q Qareen Khadar Ibrahim Aar.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.