Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cumar “Heshiiska Garowe waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo”

Garowe, April 3, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa soo dhaweeyey heshiiskii caawa lagu saxiixay magaalada Garoowe, wuxuna ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xal maangal ah oo waqtigan kala guurka ah ee dalku marayo looga gudbi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Dawladda iyo Shacabka Puntland, wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto xili adag oo xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay in tanaasul la muujiyo. Isagoo xusay muhiimadda ay arrintan u leedahay dalka Soomaaliya, xiligan kala guurka ah iyo wada shaqaynta Dawladda dhexe iyo Puntland.
shirkagaroowe
Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlayey waxa uu yiri:

“Marka kowaad waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweyntii ay noo sameeyeen dadka Puntland tan iyo intii aan halkaan joognay. Heshiiskan aan caawa gaarnay waa mid xal Soomaaliyeed lagu gaarayo wuxuu muhiim u yahay bud-dhigida mustaqbalka, dowladnimada, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta Soomaaliya. Waana habeen taariikhi ah oo aynu asaaska u dhigayno mustaqbalka waddankeenna iyo xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna.

“ Dhammaan Xubnaha dowladda iyo Beesha Caalamku waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dowladda Federaalka ay muhiimad weyn siinayso xal u helida mushkiladaha u baahan in wax laga qabto. Wuxuna ku celiyey in sanaddan 2016 wixii ka danbeeya dalku ka gudbi doono nidaamka 4.5 oo muddo badan lagu soo gudbay.

—-DHAMMAAD—

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Garowe, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

……….

R. Wasaare ku-xigeenka XFS ayaa maanta Lacag Hal Milyan ah oo Dawladu ugu tallo gashay Abaaraha ka jira Somaliland ku wareejiyay Guddi ka kooban 11 xubnood oo isla maanta u anbabaxay Somalilnd .

Muqdisho, April 3, 2016—–Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ku wareejiyay Guddi ka kooban 11 xubnood oo isugu jira Culimaa’udiin, Salaadiin ,Ganacsato, Aqoonyahan iyo Haween Lacag dhan Hal Milyan oo dollar taasi oo Dawlada Faderaalku ugu talo gashay in lagu taakuleeyo Bulshada reer Somaliland ee Abaaraha baahsani ku habsadeen.

Ra’iisal W/ku Xigeenku hadal uu ka jeediyay kulan lagu qabtay Madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo lagu anbabixinayay Gudidii loo igmaday inay qaadaan kaalmada walaalnimo ee Somaliland la gaynayo waxa uu xusay in lacagtani ay tahay kaalmo hordhac ah oo ay iska jareen Madaxda iyo Shaqaalaha Dawladu min Madaxwayne, Gudoomiye Baarlamaan, Gole Wasiir,Gole Baarlamaan iyo Shaqaalaha Dawladda, Waxaanay Dawladdu ka warqabtaa dhibaatooyinka baahsan ee ay ka midka yihiin Baad/Daaq la’aan, Cunto la’aan, iyo Biyo la’aanta ku habsatay degaanadaas .

“Wixii wanaaga ee idiin soo kordhaa waa wax noo soo kodhay wixii dhiba ee idinku dhacana xanuunkeeda waan idinla wadaagaynaa, ogaadana walaalayaal in aan mar walba diyaar u nahay ka dawlada ahaan sidii dadka iyo dalkaba wax loogu qaban lahaa isagana kaashan lahayn sidii looga hortagi lahaa Aafooyinka Qaran ee dalka iyo dadka ku habsaday,In dhawaydba waxay dadka reer Somaliland is waydiinayeen ma sidaasbaa walaalo lagu yahay haddii aan soo daahnay nagamay ahayn dhayalsi ee waan idiin maqnayn, Waxaanan halkan ka cadaynayaa in lacagtani tahay mid ILAAHAY aan ugu dhawaanayno ee aanan qasdi ama ujeedo kale ka lahayn” ayuu yidhi Mudane Carte.

Ra’iisal W/ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carte waxa uu ku hamabalyeey Somaliland go’aanka uu Madaxwaynuhu qaatay ee ku salaysnaa soo jeedintii Guddida Diwaan-gelinta kaas oo dib loogu dhigay diwaan-gelintii goboladan abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyay Guddida ka koobnayd Wasiirada ee isku hawlay inay ka shaqeeyaan soo ururrinta lacagtan gurmadka ah iyo Madaxdii iyo shaqaalihii iska jaray oo u hibeeyay walaalahooda dhibaataysan, “Abaaruhu waxay ku dhaceen dalka oo dhan sida aan maanta ugu gurmanay Somaliland ayaan dalka intiisa kalena u wadnaa in taakulayn la gaadhsiiyo gobollada kale ee abaaruhu saameeyeen” ayuu yidhi Ra’iisal W/ku Xigeenku.

Ugu danbayntii wuxuu Tacsi u diray Madaxwaynaha Somaliland , qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Dr Cumar Cilmi Dixood oo ahaa la taliyaha Madaxwaynaha shalayna ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

—-DHAMAAD—–
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.