Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)

Maarso 1978 Dii ayaa waxaan Taliyahagii isu raacnay Xafiiska Maxadwayne Siyaad , Sheeko iyo shah ka dib waxaa la iisheegay inaan aaadayo Jazaa’ir subaxa , warsan iyo guddoon , markaas oo kale la isma waydiiyo maxaa ka jira iyo maxaan ka doonayaa , hawl dhamaad ah ayaa la doonayaa inaad dhamayso , waxaan habaynkii seexday Aqalkii Hooyaday , Aabahay wuxuu ku maqnaa dhulka Barakaysan Xijaas ( Sucuudi ) .

image

Aroortii anigoo labisan ayaa waxaa iigu yimid guriga Dawaral wuxuuna toos ii geeyay Xaruntii NSS kadib waxaan iska raacnay taliyahaygii , mar kale ayaan u tagnay Madxwayne Siyaad, ‘’Salaan Diirran aniga iyo Shacbiga Soomaaliyeed naga Gaarsii Walaalkay Hawaari Buu Madyan ‘’ markuu intaas Madaxwaynuhu yiri ayaan ogaaday inuu safarku culus yahay farriin qarranna ay tahay , si dhaga wadani ah ayaan u dhuuxay farriintii afka ahayd , waa gaf nabadsugineed inaar markaa oo kale qoraal xasuuseed samayso , Taliyaha ayaa doorkiisa qaattay hadalkii wuxuu ii sharaxay sida aan ka yeelli doono warqadda aan sido haddii aan dareemo wax cabsi ah inay gasho gacan kasokaysa Buu Madyan .

Rome ayaan ka badashay diyaaraddii kadibna waxaan si nabad ah uga dagay Jazaa’ir , waxaa dhabaha diyaaradda iga qaaday Taliye Nuuradiin Zahruuni ( Wasiirkii Arimaha Gudaha 1999 ilaa Mooji ) wuxuu i geeyay Muraadiya guri martiyeed ka mid ah ayaa la i geeyay farriin culus inaan xanbaarsanahay ayaan ogaa , suuliga ayaan la galayay Boorsadii ay xaashidu ku dhex jirtay , xoogaa markaan nastay ayaa waxaa ii yimid Mudane Zahruuni anigoo go’ shaal ah Macawis iyo Laaskoorad ku jooga ayaan u galnay Buu Madyan Salaan kadib waxaan durba u dhiibay Xaashidaan siday waxaana raaciyay Fariin Afka ahna inaan xambaar sanahay .

Gacanta ayuu iigu ishaaray inaan u kaadiyo wuxuuna isha mariyay warqaddii aan Xamar ka keenay , inta eegay Nuuradiin ayuu yiri kullan isugu yeer (Khaliyada) ma aqaan wuxuu ula jeeday laakiin Nuuradiin istaag oo hawshii loo diray ayuu doonay , Buu Madyan markaan is cidlaysanay ayaan si dagan ugu gudbiyay Farriintii Madaxwayne Siyaad aan ka siday , markaas aan tagay Jazaa’ir waxaa joogay Saraakiil badan oo ka yimid Ruushka markaan kala dhimanay , inaan kulan salaameed ugu tago ayay qorsheeyeen hasa yeeshee Madaxwayne Buu madyan ayaan ka codsadaday la joojiyo kulankaas bacdamaa ay yihiin Saraakiil shisheeyaha dalka Joogana ay dhawrayaan dhaq dhaqaaqooda aniguna aan dhawr Dal u ‘’dhashay’’ Soomaalinimaduse ay dhab ka tahay .

Aljeeriya waxay ahayd Dawladda kaliya ee Bahdii Hantiwadaagga markaan kala xarig goosanay aan noo jarin xariirka ee garatay inuu naga dhexeeye wax ka wayn Hantiwadaag oo ahaa ( Islaamnimo ) Alloow kuu raxmo Buu Madyan ayaa ku adkeeyay Jawaabtuu usoo Qoray Siyaad inaan hilbo nahay, mooji siday NSS tu ku heshay waxaa janawari 1978 dii Qaahira kulan la qaattay Saadaad wafti heer sare ah oo ka yimid Maraykan , wuxuu Saadaad ka codsaday Maraykanka inay ka hor tagaan Midaw la hadal hayay qarsoodise ahaa oo ay wadeen Tuunis iyo Liibiya , wuxuu Saadaad qabay hadduu dhaboobo midawgaas inay Tuunisiiyiintu hagi doonaan Siyaasadda bacdamaa ay ka aqoon badan yihiin Liibiyaanka sidoo kale waxaa khatar ay ku noqonayaan Itoobiya oo Masiixi ah iyo Maqrib (Marooko ) oo jaal fiican la ah Maraykan , halkaas oo ay Dawladda Xamar u garatay khatarta ay Midowga Liibiya iyo Tuunis ku noqon karaan Itoobiya inay tahay oo kaliya Taageerada Liibiya ay siiso Itoobiya oo istaagta ama loo weeciyo Soomaaliya. Sifiican ayaa la iiga soo sagootiyay Muraadiyah, Aljeeriya si banad ahna waan ku imid Xamar .

Xasuustii F. Xiirane

fahiira@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.