Home » Faallo, Warar »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991)

Markay Ruushka, Kuubaanka, Yement , Liibiyaanka iyo Jarmal jabiyeen Xooggii Dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada ah uga adkaaday Xoogaggii Xabashida , waxaa nagu habsaday ceeryaamo ciil iyo caro , waxaa jiray Cabsi xoog ah oo ay saraakiisha Ammaanku ka qabeen inay Ruushanku Xuduud beenaadka soo dhaafiyaan Xabashida markaasna aan gumoowno , xaalad adag ayay xafiisyada nabad galyadu ku jireen .

Waxaa Xamar si qarsoodi ah ku yimid ( Warbaahinta Qaranka iyo Shisheeyaba looma sheegin ) Ergay Gaar ah oo ka socday Muxamed Ridaa Bahlawi ( Shaahii Iiraan ) wuxuu waday farriin ay saraakiisha difaaca Soomaaliyeed ku yara nasteen , Ergaygu wuxuu sheegay inuu Shaahu uu warbaahinta la hadli doono maalinta barri ah uuna u digi doono Itoobiya , asagoo u sheegi doona inaysan Iiraan daawan doonin haddii ay Itoobiya kusoo xad gudubto Xuduudda ay haattan Soomaaliya leedahay , Iiraan waxay markaas ka mid ahayd Xulufo u midoobay ka hortagga fiditaanka Hanti wadaagga waxaana ka mid ahaa Turkiga , Baakistaan iyo Ingiriiska .

Dawladda Maraykan oo Xariir aad u wanaagsan la lahayd Iiraan xiligii Shaah ayaa safiirkeedii xiligaas William Sullivan wuxuu kullan deg deg ah la yeeshay Shaahii iiraan , si loogu qanciyo Soomaaliya inay Itoobiya iska dayso nabad na la qaadato , wuxuu safiirku u kala dab qaaday iiraan iyo Itoobiya ( Xariir Caqiido ayaa Maraykan kala dhexeeya Itoobiya oo markaas ka mid ahayd Bahdii Hanti Wadaagga ) , waxaa laga yaabaa inaad is wadiiso Akhristoow F. Xiirane sidee waxaan oo dhan ku ogaaday , waxaan ka mid ahaa saraakiil farriimaha gaarka ah ka qaadda una keenta Madaxwayne Siyaad .

Abbas Ali Khalatbari wasiirkii Amuuraha Dibadda Iiraan ( 71 ilaa 78 ) iyo Feleke Gedle-Giorgis Wasiirkii Dibadda Itoobiya (77-83 ) ayuu u kala fariin gudbiyay William Sullivan inay ka wada hadlaan Caga juglaynta Iiraan , Xabashidu waxay u sheegeen Abbas inay diyaar u yihiin miiska wada xaajoodka , waxayse ka codsadeen inay Soomaaliya iska iliwdo kana noqoto Sheegashada Soomaali galbeed sidoo kale inay habboon tahay inay Callanka Soomaaliya wax laga badallo kaasoo Astaan u ah Midnimadda shanta Soomaaliyeed. Hadduu Calanka Soomaaliya Xidigta 5 Gees leh sii jiro Colaadda Geeska Afrikana way sii jiraysaa siday Itoobiya aamin san tahay .

Siduu Wasiirkii Dibadda ee Aljeeriya C/casiis Buutafliiqa ( Madax waynaha haattan ) usoo gudbiyay Soomaaliya wuxuu wasiirka Dibadda ee Itoobiya u sheegay Abbas

1. Inay Soomaaliya wali caraysan tahay colaadna ay maaggan yihiin ,

2. Ciidanka Soomaaliyeed wali waxay Garaacayaan Magaalooyin Itoobiya ah ,

3. Itoobiya ma doonayso Inay gudaha u gasho Soomaaliya sidoo kale Itoobiya ma sheeganayso ka maqan oo ay Soomaaliya haysatto .

Si wadahalku u furmo waa inay Soomaaliya

· Ciidankeeda kala Baxdaa Itoobiya ( Soomaali Galbeed ayay ula Jeedaan )
image
Arinta aadka u xiisaha badnayd waxay ahayd Itoobiyaanku waxay ka codsadeen Shaaha Iiraan inuu Soomaalida ku qanciyo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla qaattaan nadaamka dawlad wadaag (confederation ) hassa ahaatee Danjirihii Maraykan ayaa u sheegay Xabashida inay ka saaraan aragtidaas meesha wuxuuna ku andocooday inay Soomaalida inta dagaalka ka hartay ay kicin doonto .

Xasuustii F. Xiirane

Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)

fahiira@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii (N.S.S 1976 – 1991) "

  1. Adam says:

    Saaxib qoraaladan waa kuwa muhiim ah. Dad badani waxaan filaya inay soo jiidan karto, qaar kalana inay dhibsadaana waa wax dhicikaro maadama aad kasoo sheekeyneyso dowlad aan ridney- walow aan garanayn cidda kafaa’iday. Aniga shakhsiyan waxaan codsanay inaad qoraalka aad usamayso numbaro iyo inaad meelaha qaarkood sheegto magacyada mas’uuliyiinta kasoo kala jeeda beelo kala duwan, taariikhda dhacdada, saacada etc si ay sheekadu ugu muuqato .
    Ugu dambeyntii Somalitalk oo maalmahan aad ugaabisayna waad soo noolaysay kkkk