Home » Faallo, Warar »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Quraacdii ayaan waxaa isku aragnay Ergaygii Liibiya waxaan xoogaa isla xamanay Falastiiniyiinta iyo sida ay dawladaha carbeed uga dahsoon yihiin xubnaha u adeega Moosaad ( Laanta Sirdoonta Yuhuudda ) isla markaana looga shaqaalaysiiyay xafiisyada muhiim ka ah , Liibiyaanku wuxuu iila sheekaysanayaa ma oga inaan Soomaali ahay waxaan wali huwanahay Jinsiyad Dal kale , sheekadu waxay noogu baxday si fiican anigana waxaan jeclaystay inaan wixii aan ka dheefi karo oo macluumaad ah aanan dayicin bacdamaa uu quraacdii ka daba geeyay koob Wiski ( Khamri ) waxaana isku qanciyay inuu warrami doono inta maankiisu dawakh san yahay .

( Warbixintan qaybteedii 1aad Halka ka akhri )

Inuu ii shubo ayuu maagay waxaan ku mar marsiyooday xalay inaan xoog u dhamay , haattan se aan Bun u baahanahay , sheekadii ayaa noo fur furan tay , Suudaan iyo Masaarida jaarkooda ah ayaan ku laab salaaxay kadibna waxaan ku godliyay Xamar iyo xaajadda Xabashi ka dhex aloosan , markaan arkay inuu si fiican ugu holladay inuu hadllo ayaan iri maan beerta ku yara qoraxaysanno , intaan kala soo dhex baxay dadkii ayaan si fiican uga koobiyay ,

Nss somalia

Biya dhaca hadalkiisu wuxuu ahaa Liibiya ma doonayso inay Afrika ka jirto dawladd kula loolanta hormuud nimada Qaaradda wuxuuna u arkayay Addoon ( Cabiid ) dhul iska helay marka laga reebo Dhawrka dawladood ee Carabta iyo Islaamka ah ee Afrika ku yaalla oo uu colaad xooggan u hayay , wuxuu yiri Soomaalidu waxay istuseen awood Rabbaani ah oo waxay isku haystaan inay ka awood badan yihiin Itoobiya oo ah dawlad cumri dheer , hormarkaan daggaal ee idaacadaha laga sheegayo run ha moodin , sidoo kale ma jiraan Kuubaan iyo Ruush gacan siinaya Itoobiya waxaas Soomaalida ayaa buun buuninaysa , Anaga Liibiya ah waa jirtaa inaan saanad u dirnay laakiin waa mid waa hore ay naga iibsattay .

Anigoo uurka ka holcaya ayaan u dhoola cadaynayay si aan u helo wajiga qarsoon ee Liibiyaanka, markii aan ka dhamaystay ayaan tagsi qaattay meel xoog uga fog dagaankaan joogay ayaan ka doontay telifoon aan xamar qabadsiiyo , Taliyahaygii ayaan si deg deg ah afkaan isku naqiinay ugu dhiibay warkii oo kooban, markiiba amar ayuu igu siiyay inaan dhoofo dharkana sii badasho anna si deg deg ah ayaan u fuliyay oo Bamako, Mali ayaan ka dagay Gaari ka raacay xaduudda dal kale ayaan uga tallaabay anigoo mooggan Soomaali ah, waxaan sugi la’aa inaan Xamar u hoydo, kal gacal gaar ah iima lahayn waagaas oo iigama duwanayn Magaalooyinka Soomaaliya ee baryahaa waxaan ahaa Caashaq inkastoo aan la isku kaaya qorin inaan Aqal wadaagno Geenyadii Nin iga nasiib badan ayaa Heensaha la helay !!

Markaan kasoo dagay Dhabaha Diyaarahada ee Xamar anigoon xoog u nasan ayaan u tagay Taliyahaygii durba waxaan isku raacnay Filla Soomaaliya , warkaygii ayaan shubay intaan hadlayay Odaygu Sigaar ayuu dhuuqayay waana i dhawrayay Taliyahana Xaashi iyo Qalin, koob Bun ahna waa fiiqsanayay, markaan dhameeyay warbixintii Saaxil Alcaaj aan kasoo aruuriyay iima kala caddayn sida laga yeelayo Ergaygii Madaxwaynuhu uu u dhiibay farriinta hassa ahaattee waxaan hadalkaygii raaciyay ‘’Jaallayaal Liibiya waxay noo haysaa Cadaawad ku dhisan Sal fudayd iyo isla wayni , Qaar badan oo Falastiiniinta ka shaqeeya Xarunta Jaamacadda Carabta iyo Laamaheedda kala duwan waxaa suuragal ah inay indho u yihiin Yuhuudda , Hadday jiraan qaar dhulkeenna jooga fiiro gaar ah inaan u yeelanno ayaa Qarankeenna la gudboon sidoo kale Dawladaha aan saaxiibka dhaw nahay waa nagu waajib inaan is dhaafsanno macluumaadka qiimaha u leh Qaramadeenna .

Xasuustii F. Xiirane

fahiira@gmail.com

Qoraaladii hore ka akhri somalitalk.com/tag/nss/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.