Home » Faallo, Warar »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991)

Waxaan ka dhoofay Xamar Diseember horaanteedii 1977 dii waxaan u dhoofay Abidjan, Saaxil Al-Caaj , anigoo sii maraya Nayjeeriya oo ku diga roganayo, ujeedka socodkayga ma ahayn inaan ka qayb galo dabaaldagga maalinta Qaranka ee dalkaas ee wuxuu taliyaha laanta nabad suggidda oo shaki wayn ka qabay hufnaanta qaar danjirayaasha Soomaaliyeed ee dalalka qaar noo fadhiyay ayuu ii xil saaray inaan si hoose ula socdo farriinta loo dhiibay nin aan filayo inuu ahaa danjirihii Soomaaliya ee Faransiiska fadhiyay xiligaas (Mahubo) oo xaashi gaar ah oo loogu dhiibay Madaxwaye Félix Houphouët-Boigny . xaashida waxaa la socday farriin afka ah oo xoog muhiim u ah kana muhiimsan waxa ku qoran waraaqda oo u badnaa salaan iyo hadal maamuuska madaxdu is waydaarsatto.

image

Madaxwayne Felix wuxuu isku dayay inuu dhex galo Soomaaliya iyo Kiinya oo markaa cabsi badan ka qabta Ciiddankii Xoogga Soomaaliyeed oo inta badan jiiray furimihii Xoogaagii Xabashadi inta badanna Xoreeyay dhulka Soomaali Galbeed , Joma Kenyata wuxuu war-warbadan ka qabay awoodda Ciidan iyo xirfadeed ee ay Soomaalidu muujisay.

Fariinta Madaxwaynaha Soomaaliya sida la iga soo siiyay Xarunta NSS ta wuxuu nuxurkeedu ahaa Soomaaliya haattan diyaar uma ahan inay guluf colaadeed ku kiciso Kiinya haddii ay Kiinyaanku u ogaalaadaan shacabka Soomaaliyeed ee NFD inay aayahooda ka tashadaan haddii ay ka mid ahaanayaan Kiinya iyo hadday Soomaaliya raacayaan iyo waliba hadday doonayaan inay iskood u noolaadaan , waa waxa kaliya ee ay Soomaaliya kaga baaqan karto guluf colaadeed oo ay la gasho Kiinya .

Maalinkii dabaal dagga Qaran kadib waxaa naloogu yeeray Casho sharaf ay kasoo qayb galeen marti sharafkii halkaa joogay , Danjirihii Soomaaliya wuxuu la fadhiistay Safiirkii Maraykanka waxaan aniguna ku qasbanaaday inaan salka dhigo meel kaa fogayn dhabarka ayaan xijiyay dhagahana waan u raariciyay , nooca shaqo ee sirdoon waddan way adag tahay in si sahal ah loo dareemo , hasa ahaattee gef yar ayaa nolosha saraakiisha nabad sugidda galaafan kara.

Waxaan ahay sarkaal 2 sano oo kaliya ka tirsanaa N.S.S waxaana huwanahay Magac iyo Aqoonsi Dal kale , waxaan ula muuqday dadka qaar kood nimaan warba ka hayn danna aanay ka galin waxa ka socda dhulkaan magaca Eebbe ugu dhaartay inaan naftayda u huro Soomaaliya , Afka-Igrisiiga ‘’Kuma Hadllo’’ Markaan aan inkirayo Soomaalinimada , waxaan u dul yeelan waayay siduu Ergayga Soomaaliya ugu waramayo Ameerikaankii la fadhiyay oo agtayada ka qornaa Cadawga 1-aad ee shicibka Soomaali leeyihiin sida Xabashida iyo xoogaga la bahoobay.

Dacar ayaa igu kacday jihadii ayaa iga wareertay Argayga Soomaaliyeedna sidaan ku aamusin lahaa ayaa igu baahday, waan istaagay sidaan suuliga rabo , Shaaribbo iisaarnaa iyo maro wayn oo Galbeedka Afrika laga xidho meel iska dhigay ayaan Gabar yar oo dhuuban aana filayo inay kamid ahayd adeegayaasha Qasriga ayaan u dhiibay Warqad yar oon ku qoray ( N.S.S) dushana Soomaaliya ayaan uga qoray waxaan faray inay u gayso Ergayga Soomaalida…

Qoraaladii hore ka akhri somalitalk.com/tag/nss/

Xasuustii F. Xiirane

fahiira@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.