Home » Warar »

Waa maxay Jawaabta uu Madaxweynaha DFS u hayo Shacabka Soomaaliyeed, mar haddii …..

ay Kenya ganafka ku dhufatay dacwaddii ay DFS u gudbisey maxkamadda adduunka…

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa durbadii uu xilka qabtay waxa uu xogiisa isugu geeyey sidii uu shacabka Soomaaliyeed uga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya aysan lahayn dhul-badeed u xadaysan – ayadoo la ogyahay in ka badan 40 sano in Soomaaliya lahay xeer badeed Law no .37.

Waxa uu marar badan u muuqdey madaxweyne aan arkayn tabcadda ay Kenya la maagan tahay, isagoo meel soke wax ka eegayey ayuu baarlamaanka hadda jira ku dirqiyey, kana hirgeliyey in ay meel mariyaan xeer loogu yeeray xeerka kalluumaysiga kaas oo Qodobka 3aad, farqadda B, waxaa ku cad sidan “Aagga gaarka u ah oo loo xadiday kalluumaysatada Soomaaliya ee degan xeebaha , mamnuucana ka ah in cid kale ka kalluumaysato waa 12 mayl badeed.” Qodobka 43aad , waxaa ku cad sidan “BAAB’IN – Waxaa la baab’iyey sharci kasra oo ka hor imaanaya ama aan la socon karin xeerkan kalluumaysiga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya” Halkaas oo loola jeedo Law no. 37 in hawada lagu daro.

Arrin u muuqatay mid aan laga baaraan degin ayaa si degdeg ah xukuumadda FS waxay dacwad u gudbisey Hauge,,,, taas oo ku saabsan badda Soomaaliya, qaabka dacwadaas loo qorayna lagu duudsiinayeye jiritaanka Law no 37.

Kenya ayaa hadda u muuqata mid tabcaddii la heshay Soomaaliya, waayo bishan Oktober 2015 ayadoo ka jawaabaysa dacwaddii DF, waxay Hague u sheegtay in aan dacwadda waxba ka jirin waayo, ayey tiri waxan Soomaaliya la galay MOU – xusuuso MOU waa kii uu VOID ka dhigay baarlamaankii hore ee Soomaaliya, Qaramada midoobayna ay tiri lama cuskan karo.

Haddaba, waa maxay jawaabta uu madaxweynaha DF Soomaaliya hadda siin doono shacabka Soomaaliyeed. Mar haddii jawaabihii hore uu u bixiyey ay garab siiyeen dacwadda Kenya.

..

Kenya oo Ganafka ku dhufatay Dacwaddii Soomaaliya iyo qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha Soomaaliya

Qoraalka oo xeer ilaaliyuhu u jawaabay ka akhri halkan ama booqo bogga maxkamadda Hague

Kenya waxay cuskatay Is-afgaradkii MOU, waxayna tiri sidan “In the submission, Kenya argues that the case falls outside the jurisdiction of the Court and is inadmissible since it is “contrary to Somalia’s international obligations under the Memorandum of Understanding (“MOU”) signed on 7 April 2009, under the good offices of the Norwegian Government.” Ka akhri warbaahinta Kenya halkan.

Waxaa taagan arrimihii shacabka Soomaaliyeed uga digeen Dawladda FS.

Qoraalkii xeer ilaaliyaha Soomaaliya halka ka akhri…

 

DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.