Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo Tacsi u diray Ummadda Muslimiinta dhimashada

Muqdisho, September 12, 2015—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Xukuumada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Muslimiinta, waxa uuna uga tacsiyeeyey dhimashada dadkii ku shahiiday magaalada Barakeysan ee Makkah, dalka Sucuudiga.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee Makka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo si gaar ahna tacsi ugu diray dowladdaha, Hindia, Turkey iyo Masar oo muwaadiniinta ugu badan ay kaga geeriyoodeen shilkaasi.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray Boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Al Sacuud, wuxuuna u rajeeyey inuu alle u fududeeyo howsha adag ee badbaadinta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmay shilkaasi.

->—Dhamaad—<- Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.