Home » Faallo »

Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)

Dhowr Qof oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo isugu yimid Goob Shaaha laga Cabo ayaa mid ka mid ah waxaa uu la soo boodey “ Walaalayaal Wasiirada Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ma laha miyaa Wasaarado ay ku shaqeeyaan” intii kale ayaa Warka Saaxiibkood ka soo yeerey la yaabey oo yiri “Maxay Wasaarado u lahaan waayeen” markaasuu ku celiyey “ u maleyn maayo in ay Wasaarado leeyihiin” waxaa la weydiiyey waxa ay Sababtu tahay? isagoo yaaban ayuu waxaa uu yiri “war Runta ma idiin sheegaa Wasiiradaas ma laha Wasaarado “ Ragii Saaxiibadii ahaa ayaa yiri “Warka noo faahfaahi waan ku fahmi weyney” waxaa uu yiri “Waligiin Muraad ma idiin ka galey Wasiir, markaas bay hal mar yiraahdeen Haa Muraad waa naga galey, markaasuu yiri ma ka hesheen Muraadkii aad ka lahaydeen? markaas bay la soo boodeen Maya Xitaa Kabihii ayaa noga dhamaadey.

image
Inta uu Qosol la dhacay buu yiri “intaas ayaan idiin ka Rabey” Waxaa uu sii raaciyey “Walee nin Wasiir raadiyey oo aan Wareerin lama sheegin” markaas ka dib ayuu bilaabey in uu ka sheekeeyo wixii qabsadey waxaana uu yiri “Nin Wasiir ah ayaa I Balamiyey oo igu yiri “Xafiiska iigu imoow maalin hebla” aniga oo isu bogayo ayaan hoosta ka iri “Maanta ayey kuu dhacatey” hadaba maxaa dhacay “Muddo bil ah ayaan ka daba Wareegayey sidii aan u heli lahaa Wasiirka I balamiyey, Subax Walba waan ku dheelmadaa markii aan ku daaley Helistiisii ayaa Ruux Shaqaale ah ku iri “Walaalow Wasiirka ma yimaadoo miyaa Shaqada Xafiiska” inta uu igu qosley ayuu yiri “War Wasiirka aad Sheegeysid waa maxay markaas baan ku iri “Wasiirka Wasaaradaan, intuu ii soo dhawaadey ayuu yiri “Saaxiib meesha ka Carar halkaan Wasiir ma yimaado” waxaa uu u sii raaciyey “Dadkaas oo dhan Wasiirka ayaa balamiyey mana hayaan ee Walaal ha ku daalin in aad aragto, Waxaan kaloo kuu sheegayaa in Hay’ado Mashaariic u wadey Wasaarada markii ay Wasiirka waayeen ay waxoodii is kala laabteen. Waa uu sii Hadley oo waxaa uu yiri “hadii aad Teleefonka Gacanta ka wacdo Xoghayntiisa waxay ku leedahay “ Waxaa uu hadda aadey Wasiirku Madaxtooyada, wax yar ka dib hadii aad wacdid waxaa uu ku leeyahay waxa uu jiraa Gudoonka Baarlamaanka, marka u dambeysana waxaa lagu leeyahay waxaa uu jiraa Xafiiska Raiisul Wasaaraha ugu dambeyn waxaa lagu leeyahay Hotel Hebel buu aadey halkaasuu kula sheekeysto Wasiirada ay isku jaalka yihiin iyagoo ka hadla Xaalada Siyaasada Dalka” ninkii isaga oo yaaban ayaa loo sii daba dhigay

“Hadii aad is taagto Wadada Maka Al Mukarama waad arki lahayd isagoo hadba dhinac Wadada u gooshaya, markaan Qiyaaso Shidaalka iyo Ciidamada la socda waxaa maalinkii ku baxaya Lacag gaareysa kun doolar, Aakhirkiina waxaa uu tagayaa Hotel halkaas oo ay Dhayladiisu ku Diyaarsan”.

Waxay markii dambe ka doodeen sida looga bixi karo mid baa soo boodey oo yiri , “waxaas oo dhan waxaa ka masuul ah Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid hadii uu u dhaqmi lahaa sidii uu dhaqmi jirey Alaha u Naxariistee Raiisul Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wax waliba waa hagaagi lahaayeen sababtoo ah isticmaali Jirey Baqshadii Guduudneyd (Posto Rosso) Subaxii buu ku soo dheelman jirey Xafiisyada Dowladda Masuulkii laga waayo Sahqadiisa waxaa badeli jirey ku xigeenkiisa jooga marka uu yimaado Madaxii Xafiiska waxaa uu Gudoomi jirey Baqashadii Gaduudneyn taasoo Micnaheedu ahaa in Xilkii laga qaadey Aakhirkii waxaa dhacay in ay Wasaarada ku soo jarmaadaan Madaxda iyadoo Bashqadii Guduudneyd ay Taariikh noqotey, Xitaa Madaxweyhii Kacaanka ayaa isaguna isticmaali jirey in uu Kormeero Xafiisyada Wasaaradaha waligeedna ma dhicin Wasiir ka maqnaada Wasaaradiisa .

Gabagabadii maanta waa laga maarmaan in Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu isticmaalo Bashaqadii Guduudneyd si ay meesha uga baxdo Wasiirada Caadeystey ka maqnaanshaha Xafiisyada Dowladda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.