Home » Warar »

Soomaalida reer Minnesota oo diidey hindise sharciyeedka cusub ee Soomaalinimada ee ay wado Dawlada Soomaaliya

DIIDA DAN SOOMAALI MA AHAN

Qoraalkan kooban waxaan si kooban uga faaloonayaa shirkii shalay Sept. 6, 2015 ay Soomaalida Minnesota oo si sharaf leh u diiday hindise sharciyeed cusub ee sharciga dhalashada ee Soomaalinimada. Kulan aan si fiican loo shaacin ayaa Wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee Soomaalia, Mudane Abdirashid Maxamed Xidig, wuxuu la kulmay qeyb ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota isagoo talo gelinayo hindise sharciyeed ah: Yaa Qaadan Kara Dhalashada Soomaalinimada?

Sideedaba hindise sharciyeed waxaa keena xubnaha baarlamaanka qaar ka mid ah iyadoo ka tarjumayo baahida dalka iyo dadka ay ka soo jeedaan ama ay masalayaan. Anniga ma arko baahi taagan oo keeni kara in waqtigan laga hadlo dhalashada Soomaalinimada cidda qaadan karto. Aragti ahaan annigu waxay ila tahay afar sabab darteeda inaan ku waafaqsanahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota go’aankooda diidmada ee ay soo saareen Sept. 6, 2015:

1- Dowladda Soomaaliya ma ahan dowlad awood leh oo dowladdnimadeeda gaarsiisan Soomaaliya oo dhan sida darteeda shacabka Soomaaliyeed ee gudaha jooga ee ay arintan si gooni u khuseysa uma diyaarsana iyagoo xor ah inay ka doodaan hindise sharciyeed aasaas u ah jiritaanka Soomaaliya iyo Soomaalinima ilaa laga helo dowladda awood leh ee baahsan ee xasiloon iskuna tashan karto oo leh awood siyaasadeed, dhaqaale iyo military.

2- Sharciga dhalashada ee lixdanka 1960 ayaa sharci ahaan noogu filan kaa soo qeexayaa inuu Soomaali yahay qof kasta oo isirkiisa ama abtirsiimihiisa Soomaali yahay meeshuu doono ha ku noolaado. Sharicigaasi ayaa ilaalinayo maslaxadda Soomaaliya iyo xaaladda ay Soomaaliya maanta ku jirto.

3- Ma jiro baahi keeni karto in Soomaali cusub la abuuro oo dad ajanabi ah la soomaaliyeeyo iyadoo uu waddan 80% ay dadkiisu shaqo la’aan yihiin. Waddamada dhalashooyinka bixiyo sida Maraykanka ama Canada waa dowlado waa wayn oo leh awoodo dhaqaale iyo siyaasadeed taasoo la bar bar dhigi karin Soomaaliya oo ah waddan bur bursan oo kaabayaasha dowladnimo ay hadda dhismayaan wax dhaqaalana aanan jirin.

4- Khatarka kheyraadka Soomaalia soo waajahday sida badda Soomaaliya, webiyada ama biyaha ama beeraha iyo Xoolaha Soomaaliya ayaa waxaa lama huraan ah in jinsiyadda Soomaalinimada waqtigan xaadirka lagu xadido oo keliya qofka isir ahaan Soomaaliya ka soo jeedo. Sidaa darteeda waxaan ku talinayaa in la laalo hindise sharciyeedka cusub ee arimaha jinsiyadda la xiriiri oo ay dowladda federalka ee Soomaaliya ay hadda wareejinayso.

Qore: Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici,

DOOD YAA JINSIYADA SOOMAALINIMADA QAADAN KARA

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.