Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera.

Muqdisho, July 26, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.
image
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameed-sanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan uu marqaati u yahay fekerka khaldan ee argagixisada, waxuna shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan sidii loo dhammeystiri lahaa haraadiga cadowga diidan jiritaankooda.

“Falkii Argagixiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera wuxuu mar kale cadeeyey sida ay kooxdan waqtigeedu sii dhamaanayo uga go’an tahay daadinta dhiigga dadkeena qiimaha badan, laguna hakinayo nabadda iyo horumarka aan maanta haysano, waxaan u sheegayaa argagixisada weerarada noocan ah in marnaba aysan qaranka Soomaaliyeed ka leexin doonin waddada horumarka iyo dawladnimada”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xusay in Ciidamadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda AMISOM ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ballaaran oo xididada loogu siibayo haraadigooda, guulna laga gaaray, dhawaana laga sifayn doono deegaanada kooban ee ay dhuumaalaysiga ku joogaan, dadka shacabka ahna laga doonayo in ay gacan siiyaan ciidamadda amniga si looga guuleysto cadowga ummada Soomaaliyeed ee baneystay daadinta dhiiga dadkeena.

Ugu danbeyn, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi u diray qaysaskii iyo saaxiibbaddii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan maanta ka dhacay Hotelka Jazeera.

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Media OPM
Mugadishu-Somalia
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Twitter: @SomaliPm, @Axmednuur

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera. "

  1. Baddii Soomaaliyeed ee uu u saxiixay Kenya, xaggee bay ku dambeysay?!

    Waar Cambaro Bari Weyn, hadal uma furna ee horta ha isa soo daahiriyo.