Home » Warar »

Dugsiga Mucaasir oo lagu qabtey Xaflado isugu jirtey Xiritaanka Sanad Dugsiyeedka 2014 iyo 2015 iyo Qalin Jabinti Dufcadii ugu horeysey ee Dugsiga Sare.

Waxaa Dugsiga Mucaasir ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad isugu jirtey Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2014 iyo 2015 iyo Qalin jabinta Dafcadii ugu horeysey Dugsiga sare , waxaana Xafladaas ka qayb galey Bahda Waxbarashada, Ururada Bulshada, Ganacsato, Shirkaddaha gaarka loo leeyahay, Macalimiin,Waaladiin, ardeyda Dugsiga iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey Xafladaas.
imageimageimageimageimageimageimageimageimageimage
Ugu horeyn waxaa halkaa warbxin ka soo jeediyey Maamulaha Dugsiga Mahad Faarax Shaaciye oo si weyn ugu dheeraadey Marxadihii uu soo marey Dugsiga mudadii Afarta Sano ahayd, waxaa uu sheegey in mudadaas Waxbarashada Dugsiga ay ahayd mid marba marka ka dambeysa sare u kacaysey ilaa uu dugsi dhinac waliba isaga filnaado, waxaa uu sii raaciyey

“Dugsiga waxa uu leeyahay xeer hoosaad lagu Kontoroolo Macalimiinta iyo ardeyda waana mida keentey in dugsiga uu noqdo Dugsiyada ugu horeeya dalka ee Dhinaca Waxbarashada ” wuxuuna halkaa ga mahadceliyey Shirkado, Waalidiin, Macalimiin, Jaamacado iyo shaqsiyaad uu sheegey in dhamaantood ay mar waliba dugsiga la garabtaanaayeen si dugsiga uu u gaaro Horumar heerkii la rabey .

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa qaar ka mid ah Macaliinta wax ka dhiga Dugsiga Mucaasir oo marka hore u mahadceliyey Waalidintii Subax waliba Caruurtood ku Koontoroolayey Waxbarashadood iyo Nadaafadooda iyagoo ka dalbadey Waalidiinta in ay mar waliba ay la socdaan Waxbarashooda waayo haddi uusan waalidka la socon Waxbarashada Caruurtooda in uusan macalinka gaari Karin yoolkii loo baahnaa .

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Maxamud Buule Maxamed oo ku hadlayey Magaca Waalidiinta ardeyda wax ka barata Dugsiga Mucaasir waxaa uu yiri” Markii hore marka la dhigayo Xafladaha noocaan oo kale waxay ardeyda Waxbarashadooda ku soo badhigi jireen Qoraalo Afka ah , Maanta Dugsiga Mucaasir waxaa uu sameeyey wax ka badelan wixii hore si Farsamo ah oo loo wada jeedo ayey ardey Waxbarashadoo ku soo bandhigeen, haddii aan nahay Waalidiinta si wanaagsan baan u soo dhaweyneynaa Horumarkaas”

Maxamed Yuusuf oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Jaamacada Simad , waxaa uu ugu horeyntii halkaa uga mahadceliyey intii soo abaabushey Xafladaan , waxaa uu hoosta ka xariiqey in Dugsiga Mucaasir uu ka dhabeeyey Hadafkii markii hore loo sameeyey ee ahaa Tayeynta Waxbarashada ardeyda isagoo sheegey in ay ka hormareen dugsiga muddo jirey marka la fiiriyo waqtiga yar uu uu jirey Dugsiga

Abyan Dhimbil oo ku Hadley magaca Ardeyda ka qalin jabisey Dugsiga Mucaasir ayey waxay u mahadcelisey Maamulka, Macalimiinta Dugsiga Mucaasir iyo Waalidiintii mudada dheer la garab taagnaa in ay maanta ka qalin jabiyaan Dugsiga Sare iyadoo intii ay socotey Xaflada Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2015 iyo Qalin jabinta Dafcadii ugu horeysey ee Dugsiga sare ee Macaasii ardey aad u da’a yar ay hakaa ku soo badhigeen Heeso iyo Gabayo ka Tarjumaya Faaiidada Waxbarashda waxaana halkaas Abaalmarino lagu gudoonsiiyey Shaqsiyaad, Shirkado iyo ardeydii Kaalimaha hore ka galey Waxbarashada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.