Home » Warar »

Dr Gary miller: Saynisyahankii islaamka qaatay

Dr Gary Miller waxaa uu aad iyo aad u xiiseeyaa cilmiga sayniska iyo weliba xisaabaadka. Waa xisaabyahan aad u baara oo u dabagala wax walba oo caqliga geli kara ( logics). Dhalashadiisu waa reer Kanada, waxaana uu wakhti dheer ka mid ahaa wadaadada fidiya diinta masiixiga. Waxaa uu ahaa nin aad ugu xiran kaniisadaha.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dr Gary Miller waxaa uu go,aansasay inuu baaritaan ku sameeyo quraanka kariimka si uu bal uga helo wax qaladaad ah oo uu adeegsado kolka uu musliminta ugu baaqaayo iney diinta masiixiga qaataan. Waxaa uu filaayey in kitaabka quraanku yahay buug aad u gaboobey kaasoo la qoray wakhti fog sidaas darteed ay sahlan tahay in laga helo qaladaad iyo waxyaalo iska hor imaanaaya. Balse xaalku ma noqon sidii uu Dr Gary Miller filaayey. Waxaa uu quraanka ka helay waxyaalo aanu weligiis ku fekerin iyo arrimo ku noqday filanwaa. Waxyaalahaan ayaa maskaxdiisa ka guuxaayey intii aanu bilaabin akhriska quraanka kariimka.Waxaa uu Dr Gary Miller aaminsanaa:

· Inuu quraanku uu ka hadlaayo wakhtigii adkaa ee uu soomaray Rasuulka( NNKH)
· Dhimashadii xaaskiisii khadiija, ilaahay haka raali noqdee. xaaskii rasuulka( NNKH)
· Ama dhimashadii wiilashiisii iyo gabdhihiisii rasuulka ( NNKH)

Si kastaba ha ahatee, waxyaalahaas oo dhan kama aanu helin balse waxaa uu la fajacey waxyaalihii uu ku arkay quraanka kariimka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:

· In suurad dhan oo quraanka ku jirta loogu magac daray Maryam ” Mary” iyadoo weliba loo hayo qiimo aad iyo aad u weyn, qiimahaas oo aan laga heli karin buugaagta ay qoreen dadka masiixiga ah ama Buuga masiixiyiinta( bible-ka).
· Inaan quraanka laga heleyn suurad loogu magac daray Faaduma, gabadhii rasuulka (NNKH) ama Aisha oo ahayd xaaskii Rasuulka( NNKH)

Waxaa kaloo uu Dr.ku ogaadey in magaca nebi ciise (NNKH) ,25 goor quraanka lagu magacaabay halka Nebi Muxamed ( NNKH), 4 goor oo keli ah lagu soo qaatay.

imageDr Gary Miller intaas kuma aanu qancin ee waxaa uu sii watay baaritaankii uu quraanka ku hayey isagoo mar walba rajeynaayey inuu waxuun qalad ah mar uun ka heli doono. Akhriskii quraanka ayuu sii kordhiyey, waxaana uu bilaabay inuu sii dhexgalo oo uu dhuuxo ayaadka quraanka ah. Waxaa uu yaab iyo amakaag la kulmay kolkii uu akhriyey suuratul nisaa, aayada 82′ aad. aayadaas ayaa leh: ” Miyaaney fiir-fiirineynin quraanka haddii uu ka yimd meel aan eebe agtiisa ahayn , waxaa ay ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan”

” Have they not considered the qur’an, If it is came from other than allah. Surely they will find it many inconsistencies”

Dr Gary Miller waxaa uu aad ula yaabay quraanka oo dadka muslimiinta iyo kuwa kaleba ku leh ” isku daya inaad buugaan ( quraanka) aad wax qalad ah ka heshaan.Waxaa cad ineydinaan wax qalad ah ka heleynin” Qaabkani waa mid ka duwan sida uu bani’ aadamku u hadlo ayuu yiri Dr Gary miller. Culimada sayniska, culmi baarayaasha iyo dadka wax qoraa kuma dhacaan iney yiraahdaan: ” waa kan buugaan qoray ama maqaaladii aan soo saaray ee bal kasoo saara qaladaad, waxaa hubaal ah in aan laga ka heli doonin wax qalad ah” Sababta aaney sidaas u oran karin waxaa weeye waa bani’aadam oo waxaa ay ogyihiin in aaney dhamayn si fududna buugaagtooda qaladaad looga soo saari karo. Balse quraanku si toos ah ayuu u leeyahay ” buugaan( quraanka) kama heli doontaan wax qalad ah ama iska hor imaanaaya). Waa arrin mucjisa ah ayuu yiri Dr Gary Miller.

Markasta oo uu Dr.ku sii wado akhriska iyo baaritaanka quraanka ayaa waxaa usoo baxaayey in quraanku yahay hadal( kalaam) ka duwan midka aadanuhu isticmaalo. Dr Gary miller waxaa uu quraanka ka dhex helay waxyaalo badan oo saynisyahanada aduunku dhowaan ogaadeen balse quraanku si hufan uga hadlay muddo ka badan 1400 oo sano ka hor.Dr Gary Miller waxaa uu xaqiiqsaday in quraanku yahay kalaamkii ilaahaym subxaanuhu watacaalaa

Ugu damayn Dr Gary Miller ayaa islaamka qaatay oo muslimay 1978/79 kii, waxaana uu magaciisa u bedeley Dr Abdul-Axad Cumar. ka dib kolkii uu Dr.ku qaatay islaamka waxaa uu bilaabay inuu ka qaybgalo fidinta iyo dacwada islaamka. Waxaa uu qoray maqaalo iyo cilmibaaris badan oo ku wajahan diinta islaamka. Waxaa kaloo uu ka qaybqaatay doodo badan oo ku saabsan diinta islaamka kuwaasoo laga soo daayey warbaahibta noocyadeeda kala duwan.

Xusuus: Haddii aad internka ka baartid, adigoo qoraaya Dr Gary Miller, waxaad si sahlan u heli kartaa maqaalada iyo waxyaalaha kale ee uu diyaariyey Dr.ku

Ciwaanka barta facebook waa:

https://www.facebook.com/pages/Dr-Gary-Miller-Abdul-Ahad-Omar/284131568303311?ref=ts&fref=ts

Mahadsanidin

Turjumaada & diyaarinta: C/risaq Maxamed xuseen ( ina xuseen dheere)

habdirisak@hotmail.com

Eskilstuna, Sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.