Home » Warar »

Alshabaab oo Dersin Ciidamada AMISOM ah ku diley tuulada Leego

Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii ay Dawladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay weerarka Leego…

Date : June 26,2015
Mogadishu- Somalia

War- saxaafadeed

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarka xilliga aroornimo ay ku qaaday kooxda argagaxisada Al shabaab saldhig ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose .

Waxa aanu ammaan iyo bogaadin u jeedineynaa dhiiranaanta , waajib gudashada iyo nafhurnimada Ciidamada Midowga Afrika , oo markale ka suura-geliyay Soomaaliya nafhurnimadooda iyo dadaalkooda guulo horumar leh .

Waxa aanu tacsi u direynaa qoysaska , saaxiibada iyo dadka jecel ciidamadaasi geesiyaasha ah , kuwaasi oo naftooda u huray ilaalinta dadkeena rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo xoojinta hey’adaha , sidoo kale dhowrista horumarkeena .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marna kama gaabin doonto inay guulo ka gaarto yididiiladeeda nabadda , horumarka iyo barwaaqada guud ahaan shacabkeeda iyo gobolka ,iyadoo falal fuleynimo ay sameynaan kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan diinteena islaamka ee quruxda badan.

Iyadoo lagu gudajiro dadaalada geesinimo ee si mideysan uga socda Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , ayaa waxaa xaqiijin doonaa in nafhurnimada maanta ee wiilasha iyo gabdhaha walaalaheena aan wax ka soo qaad micno laheyn noqon doonin marnaba .

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM waxa ay sii wadi doonaan howlgalada wadaagga ah , illaa iyo inta laga xoreynayo Al shabaab taako waliba oo ka mid ah Soomaaliya , shacabkeenana uu noqdo mid xor ah , si uu u gaaro yididiiladooda nabadda iyo Xoriyadda .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.