Home » Warar »

Kusimaha RW ayaa ka tacsiyeeyey dilkii saaka loo gaystay Marxuum Anwar Xaaji

Muqdisho, 21, June, 2015…Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Cabdullahi Axmed Jamac Ilka Jiir, Maamulka Xafiiska, Agaasimayaasha waaxeyaha iyo Dhamaan shaqaalaha iyo howl-wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxay tacsi u dirayaan ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Anwer Xaaji Dayib Haaruun oo ka tirsanaa xafiiska R/Wasaaraha, kaas oo saakay dableey hubeysan ay ku dileen meel u dhow gurigiisa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

“Waa fal laga argagaxo oo meelna raad kaga lahayn Islaanimada iyo Bani’aadantinimada. Waxaan dareemayaa xanuunka uu leeyahay dilka noocaan ah oo lala beegsanayo dadka bulshada dhexdeeda wax kusoo biirinaya, waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaskii iyo qarabaadii uu ka baxay marxuum Anwer Xaaji Dayib oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha, waxaan sidoo kale la qaybsanaynaa murugada qoysaskooda, iyo asxaabtii ay is jeclaayeen, Eebana waxaan uga baryayaa inuu samir iyo imaan ka siiyo, Janadii Fardowsa ka waraabiyo” ayuu yiri ku simaha RW oo intaas ku daray.

“ Bisha soon waa bil naxariis iyo farxad u taagan, in la geysto dilkaan naxariis darrada ah bishaan barakeysan ee Ramadaan gudeheeda waxay ku tuseeysaa naxariis darrada ay dambiilayaashu u hayaan dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah.”

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.