Home » Warar »

Jaamacadda HIMILO oo Tababar u qabatey qaar ka mid ah Macalimiinta waxa ka dhiga Dugsiyada Magaalada Muqdisho

Waxaa Hoolka Jaamacadda HIMILO ee Magaalaada Muqdisho lagu soo Gebageboobay Tababar loo qabtay qaar ka mid ah Macalimiinta Wax ka Dhiga Dugsiyada Magaalada Muqdisho.wuxuuna Tababarkaan ahaa mid ku yimid ka dib markii Xarunta Cilmi Baarista & tababarada Jaamacada Himilo ay Baaris ku sameysay heerka u adeegsiga Tiknoolojiyada macalimiinta wax ka dhigga dugsiyada magaalada Muqdisho ayna soo baxday markii la ogaadey inuu yahay mid ka hooseeya halkii loo baahnaa.
image
Dr.Cabbdirahmaan Jaamac Ducaale oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Himilo ayaa ka hadlay ujeedka Tababarka , wuxuuna sheegey in Jaamacada ay mar waliba ku howlan tahay sidii Aqoon Ta Casriyesan Ugu Baahin Lahaayeen Dhamaan Dugsiyada dalka si loo helo Macalin dhinac waliba ka dhisan

Drs Fowsiya Cabdirahman Warsame oo ah khabiir xaga waxbarashada oo ka hadshey Gabgabada Tababarkaas ayaa soo jeedisay darsi aad muhiim ugu ahaa ka soo qeyb galayaasha Tababarka. Waxaya faahfaahin ka bixisey Doorka Tiknoolojiyada ay ku leedahay Waxbarista. Waxaana Gebogebadii Macalimiintii tababarka u dhamaaday la gudoonsiiyay Shahaadooyin iyagoona u Mahad Celiyay Jaamacadda HIMILO.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.