Home » Warar »

W. Xanaanad Xoolaha ayaa maanta daahfurtay Mashruuca la dagaalanka gubista dhuxusha iyo joojinta xaalufinta dhirta

Muqdihso, 14, June, 2015…..Wasaarada Xanaadanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ayaa maanta daahfurtay mashruuca ka hortaga xaalufka dhirta, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Kaluumaysiga mudane Maxamed Cumar Caymooy, Wasiir ku xigeenka Batroolka mudane Maxamed Axmed Kulan, Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha mudane Cabdinaasir Gaarane, Wasiirka Deegaanka Koonfur Galbeed mudane Macalin Jiis, Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga Galmudug mudane Maxamed Aden Qalab Xoor, Agaasimaha Deegaanka iyo Duurjoogta Puntland mudane Cabdirisaq Maxamed Cali, Wasaarada Biyaha iyo Tamarta, Wasaarada Qorshaynta Qaranka, Wasaarada Amniga iyo Hay’adaha Mopic, UNDP, UNEP, FAO

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa mudane Siciid Xuseen Ciid oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay daahfurka mashruucaan oo shirka furay ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ay ku hayso xaalufinta dhirta xoolaha iyoosuuq gayntooda.

“Barnaamijkaan nuxur kiisu waa joojinta dhirta, waxaa meelaha qaarkood lagu qiyaasay malaayin geed in la jaray, mana jirto dhir la beero oo badasha geedahaas la jaray, waxaad ogtihiin qiimaha xoolaheenu ay ku leeyihiin aduunka waa daaqa dhirta dabiiciga ah, halka xoolaha kale aduunka ay cunaan calaf iyo dawooyin la siiyo, hadii dhirta la xaalufiyo ma suurta galayso in xooluhu ay helaan daaq ku filan, aduunka xoolaha la dhoofinayo waxaa lagu qiimeeyaa culayskooda, Lo’da marka la dhoofinayo waxaa laga rabaa 300 kg, Arriga 30kg, xoolaheena dhibka haysta waxaaa dhacda marar badan in miisaankooda uusan buuxin si meel kasta loogu dhoofiyo, mashruucaan wuxuu ka dhaxeeya Wasaarda aan kor ku xusanay, iyo maamulada dalka ka jira, waana lagama maarmaan in qolo walba ay kaalinteeda qaadato, waxaa nasiib wanaag ah in shirkaan ku soo beegmay iyadoo suuqii ugu weynaa ee dalka Sacuudiga oo loo iib gayn jiray dhuxusha ay si rasmi ah u sheegatay inay san aqbalayn in la keeno wax dhuxul ah dalkooda” ayuu yiri Wasiir Ciid.

image

Sidoo kale shirkaan oo ay ka soo qayb galeen wakiilo kala socday maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa dareenkooda ka muujiyey dhibaatooyinka xaalufinta ee ka jira deegaanada ay maamulanaa ayaa sheegay in si wada jir ah laysaga kaashado sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta, loona samayn lahaa wacyi galinta bulshada.

image

Dhanka kale, khubarada ka qayb galaysay daahfurka mashruucaan ayaa sheegay in Dhibaatooyina dadku ay u jarayaan geedaha ay ka mid ah tahay dadka oo aan haysan fursado shaqo, waxaa kale oo ay sheegeen in ay sabab u ah joojintii la joojiyey dhoofinta xoolaha, hay’daha amniga oo aan xooganayn kuwaas oo la rabay iney ka hortaan.

Ugu danbayntii Wasaaradda X. Xoolaha iyo maamulada gobolada ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in la dhiso Hay’adihii ka shaqayn lahaa iskana kashaan lahaa joojinta xaalufinta dhirta, layslana qaato mooqif midaysan ee oo ay iska kaashaanyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulad Gobolada, waxaana gabagabadii kulanka la soo jeediyey qodobadaan soo socda:

ü In la dajiyo siyaasad iyo sharci laga dhaqan galiyo dhamaan dalka oo dhan.

ü in la dhaqan galiyo qaraarkii goloaha Amaanka oo lagu joojinayey dhoointa dhuxusha Soomaaliya oo No: 2036 soona baxay sanadii 2012.

ü In aqoon kororsi loo sameeyo Hay’adaha dowladda iyo bulshada inteeda kale si meel loga soo wada jeesto ka hortaga xaalufinta dhirta,

ü Dadka jilicsan ayaa ku lugta leh ka ganacsiga dhuxusha, waana in dadkaas loo abuuro shaqooyin.

ü In la helo waxyaalo kale oo looga maarmo adeegsiga dhuxusha oo ay dadku wax ku karsankaraan.

ü In wada shaqayn la helo ka dhaxaysa dowlada federaalka iyo maamulada gobolada iyo wadamada dariska ah.

ü Dhulkii la xaalufiyey in dib dhir loogu talaalo.

————

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga .

Rome ,Axad, June 14, 2015 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Khaled Omar Ali oo soo gaba-gabeeyay booqashadiisa shaqo ee uu ku joogay dalka Talyaaniga , ayaa kulan la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga H.E. Lapo Pistelli , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal .

Kulankani oo ka dhacay Magaalada Rome, kuna dhammaaday jawi guul oo isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga wakiil ah dalka Talyaaniga H.E. Amb , Maj.Gen. Muuse Hassan Abdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda .

Wasiiru dowlaha , oo booqday dhammaan dhismayaasha iyo hantida qaranka uu ku leeyahay dalka Talyaaniga oo u baahan dayactir iyo dib u dhis oo ay ku jirto dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Rome , ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda inay kordhiyaan howlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan , ayna muujiyaan isku-duubni , una gutaan waajibaadka saaran si qaranimo ah oo hufan.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.