Home » Maqaallo »

Warqad gaar ah oo ku socota wasiirka ina-adeerkay ah

1- Mudane wasiir xilka aad haysid waa xil ummadeed, wax aan danta ummadda ahayna uma adeegsan kartid diin ahaan iyo nidaam ahaanba. Adigu si gaar ah uguma danaysan kartid, tolkaana kuma naas-nuujin kartid oo adiga iyo iyaguba ummadda ayaad ula simantihiin.

2- Ina adeer xilkaan waa masuuliyad Ilaahay aakhiro kaala xisaabtamayo oo haddaad wanaajisid iyo haddaad xumaysidba abaalmarinteeda agtiisa ayaad ka helaysaa.

3- Ina adeer Aakhiro inta aan la gaarin adduunka waa lugu arkaa, abaal xun iyo magac xun midna yaanu kuu hirgalin (magac iyo masiibaba maalin bay baxaane).

4- Mudane wasiir adduun iyo aakhiro seegga qof ahaan kuugu dhacaya ka sokow tolka magac xumo ayaad u soo jiidaysaa haddii aad xilkaaga kasoo bixi weydid ama aad si xun u isticmaashid awoodda luguu dhiibay.

5- Ina adeer nina nin kale dambigiisa ma qaado, geel jirana geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa. xukuumadda waa lugu wada jiraa, wixii ay wanaajiso waa la wada sheegtaa laakiin wixii xumaada ninkeedaa leh, tolkiisna ceebta iyo eeddaba waa la wadaagaa ee ina adeerow xukuumaddu wixii ay ka xishooto yaan adiga luguu dhiibin oo ina ehebl oo reer hebel ah ayaa yiri bay noqonaysaa xataa kii ku amray baa kugu xuubsiibanaya ama hadhow wax kaa sheegaya.

6- Wasiir adduunku dib buu u badan yahay, magacaaga iyo sharaftaadana hal mar lama sarrifto ee samanka dambe iyo tartamada dambe wax baa loola haraa; sidaa darteed xoogaga maalka ah iyo mowqifka xun labadaba ka soon; si miisaankaagu u siyaado berrito.

7- Ina adeerow waxa kaleba iga diid haddii aad doontid laakiin marna kursigaaga ha u adeegsan daadinta dhiigga ummadda iyo kala fogaynta shacabka soomaaliyeed, waliba waxaan kugula talinayaa in aadan noqon wasiirka warfaafinta iyo afhayeenka xukuumadda midna ama aadan xukuumadda ku matalin hadalka inan-gumeednimada ah.

Gabagabadii ina adeerow shaatigii qaranka iyo kii tolkaba adigaa xiran, innaguna waa isa sii xignaa ee labadaba sharaf iyo qadarin usoo hoyi ee ceeb iyo magac xumo ha nugu suntin.

Mudane wasiir waad mahadsantahay, guul iyo sharafna waan kuu rajeynayaa oo ab iyo isir baad awalba u lahayd. Haddii hadalkaygu ku xanuujiyeyna ogow kalgacayl baa iga keenaye.

Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.