Home » Warar »

Wasiirka Difaaca oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay kulamo uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

Mogadishu, Friday, May 8, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciiamadda Xogga dalka iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Difaaca, waxana kamid ah wafdiga Wasiirka la socday Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, S/G Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe).

Wasiirka Difaaca, ayaa sheegay intii uu ku sugnaa dalka Turkiga in uu kulamo la qaatay dhigiisa dalka Turkiga oo ay ka wada hadleen arimo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku Saabsan gaashaandhiga, ayagoona sidoo kale kawada Xaajooday sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed arintaasina ay gacan uga gaysan lahaayeen wadanka Turkiga.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay intii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga in ay ka qeyb galeen bandhig ku saabsan qalabka difaaca, waxana halkaas uu ka jeediyey khudbad ku aadan sida ay dowladda Soomaaliya mar walba diyaarka ugu tahay in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ee ka dhexeeya labada dalka, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen Amniga iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee dhibaatooyinka ka geysta Caalamka gaar ahaan Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.