Home » Warar »

Ka qayb galka arrimaha Bulshada iyo Booqashada iskuulada Degmada Kaaraan.

Waxaa Maalmahaan  sii xoogeysanyey  wax qabadka Degmada Karaan gaar  ahaan arimaha Bulshada ayaa Gudoomiyhaa Degmada Kaaraan Mudane  Axmed Cabdulle Xasan  uu ka qayb galey Barnaamj kor loogu qaadayo  is dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada (Civic Engagement)

carruur

Waa Degmadii ugu horeysey ee Barnaamij Noocaan oo kale laga hirgeliyo oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo Gudoomiyaha Degmada kaaraan Mudane Axmed Cabdulle Xasan uu bilaabey in uu soo kormeero  Iskuulada Waxbrashada Degmada Kaaraan

Gudoomiyaha ayaa markii uu gaarey  Iskuulaadkaas waxaa uu Gacantiisa ugu qaybiyey  qoraalo halku dhigyo aan ka xusi karno “Dowladnimadu waa aniga iyo adiga oo iskaashano “ “ Dowladeyda Waa Mas’uuliyad I saaran “ “ Xaq uma lihin in aan ku noolaano Dal aan Ilaashan Karin “ “Dal Waliba Dadkiisaa dhisa Cid kale kuu dhisimeyso” “ “Waxaan Doortey in aan Taageero Dowladeyda, Maxaa yeeley Waxaan ahay Wadada Horumarkeyga “

Markii Ardeyda loo qaybiyey Halku dhigyadaas ayaa waxaa Goobta ka Hadley Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Cabdulle Xasan oo Tilmaamey in Dowladnimada ay tahay mid la doonayo in ay ilaashadaan Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeeyaan ardeyda wax ka barata Iskuulaadka

“Waxaa  idiin la Wadaagi Doonaa Maalin Nadaafadeed iyo Waliba maalmo aan ugu tali geli doono Tartan Suugaaneed “ ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Axmed Cabdulle Xasan oo  u soo jeediyey ardeyda in ay  Muujiyaan Karti iyo Dadaal dheeri ah si dalkooda uu dhinac waliba uga dhismo wuxuuna Barnaamjkaas loogu magacdarey   is Dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada( Civic Engagement) ku soo gabagaboobey sidii loogu talagaley.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.