Home » Archive Bisha May, 2015

Ra’iisul Wasaare Cumar Ayaa Maanta ka Furay Cadaado Wajigii Labaad Ee Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe

May 31, 2015
Cadaado, 31, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta gaaray degmada Cadaado, halkaas oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin... 

Dalladda FENPS oo qabatey Munaasabad lagu soo Gabagabeysey Sanad Dugsiyeedka 2014-2015 iyo Soo Dhaweynta Sannad Dugsiyeedka 2015-2016.

May 27, 2015
Dalada Waxabarashada ee FENPS ( Formal Education Network for Private Schools ) ayaa ku qabatey Magaalada Muqdisho Munaasabad si heer sare ah oo loo agaasimey laguna Gabagabeynayey Sannad Dugsiyeedka 2014-2015 islamarkaana lagu soo Dhaweynayey Sanad Dugsiyeed Waxbarashada ee 2015-2016 waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Masuuliyinta Daladdaha Waxbarashada , Bulshada Rayidka , Jaamacadaha , Ururada... 

Madaxweyne Lacagta aad Xayesiineyso Teenii Ma ahan !!

May 25, 2015
Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey arrimo aan is dhihi karo Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeenna , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa... 

Wasiirka arrimaha Dibada Qadar oo Kulankii uu la qaatey Madaxda Dowlada ay isla soo qaadeen arrinta Shiikh Xasan Daahir Aweys

May 24, 2015
Warar aan ka helney Siyaasiyiin ku dhow dhow Dowlada Federaalka Diideyna in magacooda la sheego waxay noo sheegeen in Wafdigii uu hogaaminayey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar oo dhawaan soo gaarey Magaalada Muqdisho ay Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda ay isla soo qaadeen arrimo la xiriiro Shiikh Xasan Daahir Aweys oo muddo ku dhow laba sano uu Xabsi guri ugu jira Dowladda Federaalka... 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta booqday Dekedda eeyn ee Muqdisho

May 24, 2015
Muqdisho, 24, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaailya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta kormeer uu ku tagay dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, kormeerka ayaa u jeedkiisu ahaa, inuu u kuurgalo hamsami u socodka howlaha ka socda Dekedda weyn ee Muqdisho. wuxuuna indha indheeyn ku soo sameeyey qeybo ka mid ah Dekedda oo shaqooyin ka socdeen, Kormeerka... 

Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble “Maamulka Jubbaland Cadaaladaro tii ugu weyneyd uu ku sameeyey Beesha Jareer Weyne”

May 21, 2015
Waxgarad , Nabadoono iyo  Cuqaal  ka tirsan Beesha Jareer weyne ayaa  Cadaaladaro tii ugu weyneyd  ku tilmaamey maamulka iyo Baarlamaanka laga dhisey Gobolada Jubooyinka Shiikh Mukhtaar  Cabdi Rooble oo ka mid  Cuqaasha Beesha Jareer weyne oo ka hadlayey arrimaha Gobolka Jubada Hoose ayaa yiri “ Waxaan nahay dadka ugu badan ee Dega Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo marka... 

Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta booqday jiida hore ee goobaha Dagaalka gobollada Jubbooyinka.

May 21, 2015
Kismaayo, May 20, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey jiida hore ee fariisimaha ay dagan yihiin ciidamadda ka howlgala aagga Jubbooyinka iyo Ciidamadda AMISOM gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo, waxana uu halkaas kulamo... 

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Siminaar 5 casho soconayey usoo xirtay Guddiga Isku dhafka Ciidamadda X.D.S.

May 18, 2015
Muqdisho, May 17, 2015….Guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta loosoo xiray siminaar soconayay muddo 5 cisho ah, kaas oo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir looga qeyb qaadan karo isku dhafka Ciidamadda. Waxana munaasabadaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed... 

RW. Cumar: “Dhalinyarada maanta joogta waa iney la yimaadaan wadaninimo iyo dal jacayl si cadowga meel looga soo wada jeesto”

May 15, 2015
Muqdisho, 15, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ku tilmaay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed inay shacabkeena ugu fadhido qiimo weyn, baal dahab ahna kaga jirto taariikhda Soomaaliya, ayna hormuud u ahayd dhalashadii xoriyadaan aan maanta haysano. Ra’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in umad walba ay leedahay maalin ay bilowday... 

Golaha Wasiirada ayaa maanta ansixiyey sharciga la dagaalanaka argagaxisada

May 15, 2015
Muqdisho, 14, May, 2015..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig. Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka... 

NUSOJ oo ugu baaqday AMISOM inay wax ka bedesho Qaab-Baariseedka Shaqaalaha Warbaahinta

May 13, 2015
Muqdisho, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo. Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalinimadii Shalay ka soo kala... 

Sh. Khadar Jaamac oo dhibaatada ilma iska soo tuurida ku qaatay Ph.D.

May 12, 2015
Sh. Khadar Jaamac ayaa gaaray darajada Ph.D. kadib markuu baaritaan kusameeyey  “Dhibaatada ilma iska soo rididda ee  kataagan Galbeedka, asbaabteeda iyo Axkamteeda dhinaca shareecada Islaamka” Sh. Khadar ayaa mowduucan ka diyaariyey cilmi baaris kuna mutaystay inuu ku qaato Dictooraa, (Ph.D. Sheikh Khadar ayaa ka qaatay Dictoorada Jaamacada  Graduate Theological Foundation (GTF) ee kutaala... 
Halkudheg:

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Diini: “ Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida”

May 11, 2015
MOGADISHU, MAY 10, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xerada tababarka Ciidamadda ee Xero Agoon waxa uu kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Mohamed Cusmaan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale tababarrada ay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka... 

Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inaysan Suuragal aheyn Xilligan in la qaado Imtixaan Mideysan.

May 10, 2015
Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Dalladaha waxbarashada dalka ka jira oo ka koobnaa 12-Dalladood ayaa waxay kulankooda uga hadleen xaaladda waxbarashado ee dalka iyo aragtidooda ku aadan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada waxbarashada ee Soomaaliya ku yaala, waxayna sheegeen inaysan suuragal aheyn xilligan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira aawadood. War-saxaafadeed... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta golaha barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka xukuumadiisa

May 10, 2015
Muqdisho, 09, may, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa. Ra’iisul Wasaaraha... 

Sheikh Axmed Nuur oo Shahaadada PhD ku qaatay Taariikhda Xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya

May 9, 2015
Saaka oo Jimce ah 5/08/15 ayaa Baaraha Soomaaliyeed ee Ahmed Nuur Macalim Cabdulqaadir  ka qaatay Jaamacada Graduate Theological Foundation (GTF) kuliyadeeda Falsafada Islaamiga Shahaada Diktoornimadda taasoo lagu gudoon siiyey darajada Mumtaaz, taasoo ka mid ah heerka ugu sareeya ee lagu qaato shahaada PhD. Cilmi baaraha, cinwaanka buugiisa uu qalin jabinta ku sameeyey ayuu u doortay “Taariikhada... 

Wasiirka Difaaca oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay kulamo uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

May 9, 2015
Mogadishu, Friday, May 8, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciiamadda Xogga dalka iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Difaaca, waxana kamid ah wafdiga Wasiirka la socday Taliyaha Ciidamadda... 

Midowga Diyaaradaha ma danaysi mise u danayn?

May 6, 2015
Waxaad dhowaan saxaafada ka maqasheen ama ka akhrideen in ay midoobeen shirkadaha diyaaradaha Daalo iyo Juba taasoo u noqon karta horumar shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha laftooda ama noqon karta mid iyaga keliya dan u ah isla markaasna shacabka ku noqon karta dhibaato hor leh. Aduunka waxaa kajira Antitrust Law oo ah sharci lagu ilaaliyo jiritaanka tartanka ganacsiga iyo hadii Shirakado ganacsi... 

Ka qayb galka arrimaha Bulshada iyo Booqashada iskuulada Degmada Kaaraan.

May 5, 2015
Waxaa Maalmahaan  sii xoogeysanyey  wax qabadka Degmada Karaan gaar  ahaan arimaha Bulshada ayaa Gudoomiyhaa Degmada Kaaraan Mudane  Axmed Cabdulle Xasan  uu ka qayb galey Barnaamj kor loogu qaadayo  is dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada (Civic Engagement) Waa Degmadii ugu horeysey ee Barnaamij Noocaan oo kale laga hirgeliyo oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan... 

RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

May 1, 2015
Muqdisho, 01, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...