Home » Warar »

Imisa Ayey Noqon Doonaan Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka??!

Mr. Cismaan Sh. Cumar (Cusmaankeey)  Oo Ku Dhawaaqey Inuu Yahay Musharaxiinta U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka.

Tan iyo markii uu burburey nidaamkii guud ee dalka soomaaliya, isla markaana ay meesha ka baxeen dhamaan hay’adihii Sharciga ahaa ee dalka, waxaa jirey isku dayo kala duwan, kuwaa soo lagu doonayey dhismaha qaran Soomaaliyeed, balse sii ragaadiyey jiritaankii iyo rajadii laga qabey awoodii dalka iyo dadka soomaaliyeed oo soo noqota, dadka soomaaliyeedna waxay u ahayd maallmo madoow oo aan maskaxdooda ka go’in.

Maalmaha shacabka soomaaliyeed maskixiyan ay u xusaan oo aysan ku muransaneyn ayaa waxaa ka mid ah, Doorashooyinkii kala duwan ee dalka dibadiisa lagu qabtey, kuwaa soo lagu soo dooranayey madaxweynayaal wada maqaar saar ah. Doorasho kasta oo dhacda, waxaa ku tartamayey daraasiin musharixiin ah, Doorashadii ugu horeysey waxay ka dhacdey dalka Jabuuti sannadkii 2000. ugu yaraan waxaa ku tartamey 10 xubnood, sidoo kale waxaa ku xigey doorashadii lagu qabtey dalka Kiiniya oo ay ku tartameen 28 musharax oo intooda badan ahaa hogaamiye kooxeedyo, waxaa ku xigey mar kale oo dalka Jabuuti doorasho lagu qabtey oo ay ku tartameen 14 musharax!!.

Seddaxdaasi doorasho madaxweyne ma ahayn kuwo dadka iyo dalka soomaaliyeed rabitaankooda lagu soo dooranayey ee waxay ahaayeen kuwo maqaar saar ah, isla markaana ay dano gaar ahaaneed ku fushanayeen wax lagu sheego Hay’adaha caalamiga iyo kuwo la baxay Somali Contact Group. Isku daygii seddaxdaasi doorasho markii lagu guuleysan waayey, waxaa mid la mid ah kuwii dibadaha lagu qabtey caasimada dalka soomaaliya ee muqdisho taa soo ay ku tartameen 20 xubnood, waxaana ugu dambeyn lagu doortey madaxweynaha xiligan ee xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la go’aamiyey in 2016-ka dalka soomaaliya doorasho guud ka dhacdo, durba waxaa si dhakh-so ah u kordhaya tirada musharixiinta xilka madax-tinimada dalka soomaaliya ee sannadka 2016-ka,  xiligan aynu joogno  ugu yaraan tiradu waxay mareysaa Todobo xubnood. Waxaa taagan su’aalo badan oo ay ka mid yihiin     Imisa Ayey Noqon Doonaann Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka, Waa kuma ninka la dooran doono, maxaa lagu dooran doonaa, yaa dooran doona iwm??!! Mr. Cismaan Sh. Cumar (Cusmaankeey) oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa wuxuu sheegey in uu yahay Musharixii ugu horeeyey xilka madax-weynaha soomaaliya 2016-ka isla markaana si rasmi ah ugu dhawaaqay taariikh-du markey ahayd 15/07/ 2014-ka.

Musharax Cismaan oo wareysi gaar ah siiyey Somalitalk ayaa waxaa uu sheegey  “waxaan xubin ka ahay ururka ganacsatada adduunka, waxaan la shaqeeyaa hay’ado caalami ah oo ka hawl-gala Mareykanka iyo dalalka caalamka.     Dalka Mareykanka waxaan imid 1983-dii, Waxaan ku dhashey  oo ku barbaarey Magaalada Muqdisho, Dugsiga H/Dhexe Jamaal Cabdinaasir ayaan ka soo baxay iyo dugisiga sare ee sakhaawadiin.     Waxaan ku hadlaa 8 Luqadood sida Luqada Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga, Amxaariga, Sawaaxiliga, Is-baanishka, Lah-jadaha soomaaliga oo idil ee lixda ah.      Waxaan ka baxay Iskuullo afafka iyo duuliye nimada, waxaan haystaa shahaadooyin kala duwan oo ay ka mid tahay ganacsiga. Hadda waxaan  u taaganahay xilka madax-nimada wadanka soomaaliya”.

CusmaankeeyMar aan weydiiyey waxa ku dheliyey in xiligan uu u tartamo xilkan, ayaa wuxuu yiri “Iima suuragelin in xiliyadii hore aan xilkan u tartamo, balse xiligan waxaan go’aansadey in aan wax ka bedelo sida maamul xumada, amaan derida, nidaam xumida, Tayada aqooneed ee baarlamaanka  la soo xulo oo aad u liidata marba marba ka dambeyso, dastuurkii dalka iyo dibu-heshiisiinta shacabka soomaaliyeed oo aan la dhameystirin, shaqo la’aanta oo aan la yareyn ayaa igu dhaliyey”.

Mushaxar Cismaan mar aan weydiiyey suurtagal nimada doorshada 2016-ka ayaa waxaa uu yiri “Aad iyo aad ayey u adag tahay in doorashadaasi ay dhacdo, laakiin waxaa mac-quul ah in 2020-ka shacabka soomaaliyeed doorasho dhab ah u dareero dalka guud ahaantiisa!”.

Mar uu ka jawaabayey haddii aysan dhaceynin doorasho maxaad ugu dhawaaqdey musharaxnimada ayaa wuxuu yiri “Maadaama Dowladda Ingiriiska, Dowladda Mareykanka iyo Qaramadda Midoobey ay leeyihiin waan suurta gelineynaa waan arkeynaa sida ay u dhiciweyso! Sidaa ogtahay Xasan Sheekh Soomaalida oo idil uma codeyn, waxaa doortey dad tiradoodu ay yar tahay oo baarlamaanka ah, haddana waa laga yaabaa in sidii oo kale dad yar cod baxshaan oo tijaabo ah, waana qorsho yar oo soomaalida lagu tijaabinaayo!!“.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Somalitalk Minnesota USA.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.