Home » Warar »

Wasiirka Difaaca oo kormeer howlleed ku tagey Xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya.

Muqdisho, ..Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya, taas oo ku taala Dekaddii hore ee Muqdisho, isagoona kormeray qalabka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidamadda Badda.

image

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday doomo ay leeyihiin Ciidamadda Badda, kuwaas oo dhawaan la filayo in ay door ka qaadan doonaan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya.Taliyaha Ciidamada Badda Dowladda Federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay sanadihii ugu danbeeyay Ciidamadda Baddu in ay sameynayeen horumar, hadana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamadda Badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adegyadii guud ee ku howl galayeen.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa boggaadiyey horumarka ay sameeyeen Ciidamadda baddu, isagoo xusay in Wasaaraddu ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta ciidamadda Badda Soomaaliya oo kamid ah ciidamadda laf-dhabarta qaranka ah.

“Waxaan boggaadinayaa horumarka ay sameynayaan ciidamadda Baddu, runtii meel hoose ayaa laga soo bilaabay shaqada, maanta waxaa la isticmaalaya doomaha dheeraya oo ku rabin yahay qalab casri ah, taasi waxay marqaati cad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan gaarno Soomaaliya leh awood ciidan, gaar ahaan Ciidamadda Badda oo iyagu kamid ah kuwa ugu muhiimsan qaranka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa xusay in mar walba lagu gaari karo yoolka la higsanayo marka la muujiyo isku tashi, isagoo tilmaamay in ciidamada badda ay door firfircoon ka qaadan jireen dedaallada lagu xaqiijinayo ammaanka badaha dalka oo dhan, isla markaana dadka Soomaaliyeed laga doonayo in aysan cid kale ka sugin in loo dhiso dalkooda ee iyaga looga baahan yahay hormuud in ay ka noqdaan dhismaha qaranka.

—DHAMMAAD—–

1 2 3 4 5 6 7

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Difaaca oo kormeer howlleed ku tagey Xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya. "

  1. cabdulahi says:

    Soomaaliya hada waxay cagta saartay wadaddii Horumarka. Waa arin loo baahan yahay Qof kasta oo muwaadiin Soomaali ah inuu ku farxo…iney indhiisu qabtaan in Difaacad badda Soomaaliya uu soo noqonaayo.

    Waan ugu Hambalyeyneynaa Dowladda federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso soo celinta Nidaamka iyo kala dambeynta Badweynta Soomaaliya.

    Waa in badeenu noqotaa mid ka madax banaan burcad badeed, qeyraadka oo ay dowladdo shisheeeye qaataan iyadoo muwaadinka soomaaliga ah ka baahan yahay. Bal qiyaas inta Dowladood ee ka faa ideystay xaalufinta qeyraadka badda Soomaaliya.
    Dunidda waa la is dhaca laakiin ma jirto dal Soomaliya sida badeeda iyo qeyraadkeeda loo xaalufiyey oo kale ah. Waxaa laga faa ideystay ku dhawaad nus qarni oo si aan shirciyeysneen loo xaalufinayay qeyraaddka shacabka Soomaaliyeed. Badiina ay nqotey meel bahalo galeen ah oo lagu shubo sunta iyo haraadigga Nukliyar ay dowladaha ku horumaray warshadaha ay kala soo carareen dalkooda iyo dadkooda iney wax yeeleeyaan.

    Sanadkaan Alle ha ka dhigo kii u horseedi laha shacabka soomaaliyeed iney noqdaan dad isku duuban oo ilaashadda qeyraaadkooda.

    aad baan ugu farxi lahayn inaan aragno Sanadkaan Ciidamadda badda Soomaaliya oo si habsami ah u shaqeynaayo. Ilaalinayana Xeebaha wadanka Soomaaliya oo dhan. Waa waajib qofkasta ah oo soomaali ah saaran inuu ka qeyb qaato wuxii karaankiisa ah ee uu awoodi sidii lagu soo celin laha isku dubaridka Ciidamadda Difaaca Badda Somaliya.

    mahadsanidiin