Home » Warar »

Nadwadii Sanadlaha ahayd oo kasocota Masjid Rowda Boosaaso

Sanadkan waxaa looga Hadlayaa Manhajka Ahlu Sunnaha iyo Mowqofkooda ku aadan Shiicada. Shiicada iyo siday ku aas aasmeen, Shiicada iyo Usuushooda, Sida Shiicadu u dhumiso dadka, dhibaatooyinka Shiicada inta ay jireen iyo Mowqufka Culmmada Muslimiinta ay ka qaateen Shiicada.
7

6 5 4 3 2 1

Nadwadii Sanadlaha Ahayd Ee Ka Socotay Magaalada Boosaaso Oo Gashay Habeenkeedii Sadexaad:

Waxaa habeenkii sadexaad gashay nadwadii sanadlaha ahayd ee ka socotay masjidka al- rowda ee magalada Boosaaso

Muxaadarada caawa oo cinwaankeedu ahaa usuusha caqiidada shiicada, ayaa waxa soo jeediyay sheikh cabdi qani qore

Ugu horayn sheekhu waxa uu sheegay in umaddan ilaahay usoo diray nabi muxamed scww waxana lala soo diray diin dhammaystiran.

Intaa ka dib waxa uu sheekhu sheegay in nimanka shiicada layiraahdo aynu ku kala duwanahay intaan wax kale lagaarin towxiidka diinta lagu soo galo oo towxiidka qaybta dambe ee ah “ waxaan qiraynaa in nabi muxamed uu yahay rasuulkii ilaahay” shiicadu halkaas waxay ka dhigeen” waxaan qiraynaa in cali yahay waligii ilaahay”

sheekhu waxa uu sheegay in shiicadu aaminsanyihiin in iyaga iyo ilaahay ay udhexeeyaan imaamyadoodu , oo iyagu wakiil uyihiin alle umaddiisa taasina ay ka dhigantahay inaadan alle gaari Karin inaad iyaga sii martid maahane, halka alle wayne uu kitaabkiisa quraanka ah uu ku leeyahay “ Aniga ibraya waan idin ajiibayaaye”

shiicadu waxay sheegeen oo kamida hadalada kutubtooda ku qoran wax lasameeyo oo camal ah waxaa ugu fadli badan in lasoo booqdo qabriga xuseen ibnu cali waxayna ka fadli badantahay kacbada in la booqdo.

waxay aaminsanyihiin in imaamyadoodu aysan dhiman ilaa ay iyagu doonaan maahane, sidaa darted shiicadu waxay siiyeen xaqii alle lahaa cid kale waxayna ku dheceen shirki aad uwayn.

xagga magacyada alle iyo sifaadkiisa aad iyo aad bay ugu xadgudbeen, tuusaale ahaan waxay dheheen ilaahay waxa uu ka abuuray malaa’igata wajhiga cali ibnu abii daalib iyo nuurkiisa

waxay aaminsanyihiin in faadumo lasiiyay kitaab ugaara waxayna yiraahdeen kutubtii lasoo dajiyay oo dhan waxa haya imaamyada iyaga ayaa marba qaar dadka usheega.

sheekhu wuxu sheegay in annaga iyo shiicadu aynaan isku masaadir ahayn ,waxay rumaysanyihiin in quraanku leeyahay macaani muuqata iyo macaani qarsoon, sidoo kale waxay aaminsanyihiin in qur’aanka wax laga badalay , halka alle quraankiisa noogu sheegay inuu kitaabkan xafiday.

sunnada nabigeena scw iyo kutubta laga qoray ma rumaysna shiicada umana tirsana.

xagga asxaabta nabiga scww waxay ka 8 9rumaysanyihiin inay diintii badaleen markii nabigu dhintay, tusale ahaan waxay ka aaminsanyihiin abubakar iyo cumar inay yihiin labo sanam.

sheekhu waxa uu sheegay in ilaalahay inoo soo dajiyay kitaab saxa nabigeenuna scww horay ayuu noo sheegay in umadan ay iskhilaafayso

sidaa darted shicadu waxay ku xad gudbeen dadkii alle quraankiisa ku ammaanay nabiguna iyagoo nool jannada ugu bishaareeyay.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa gabagabadii muxaadarda yiri: haddaba waxaa inala gudboon inaan ka digtoonaano, shalay hadday durugsanaayeen manta waa kula joogaan , waxaa hadda jira dhalin yaro badan oo loo dirayo karbala oo laga dhoofiyay qaar ka mid ah magaalooyinka soomaalida, qaar kale oo la diri doonana deegaanada qaarkood lagu aruurinaayo.

Nadwada intay socotay ayaa shiikhu waxa uu usoo bandhigay dadkii nadwada dhagaysanayay dhowr vedio oo ah dad soomaaliyeed oo la shiicaynayo, towxiidka ay shiicadu aamin santahayna loo qabanayo.

Intaa ka dib waxa loo gudbay qaybtii labaad ee darsiga caaway, oo ahayd qaybta su,aalaha ay dadku soo gudbiyeen ay culimadu uga jawaabaan , waxaana caawa su,aalihii dadku soo gudbiyeen ka jawaabayay Sh Daahir Aw cabdi iyo Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

sh. dahir4 3 2 1Nadwadii Sannadlaha ahayd ee Masjidu Rowda ee magaalada Boosaaso oo  habeenkeedii labaad Gashay:

Muxaadarada caawa oo cinwaankeedu ahaa Shiicada bilowgeedii, kobaceedii iyo kooxaha ay u kala baxdo, ayaa waxa soojeedinayay caalimka wayn ee soomaaliyeed Sh Daahir Aw Cabdi.

Ugu horayn shiikhu waxa uu ka waramay erayga shiico, waxa uuna sheegay in Shiico layiraahdaa qof alla qofkii qof is bar bar taaga.

Shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dowladii  furus oo ahayd dowlad aad u da’ wayn lahaydna cilmi dheer iyo Taariikh soo jireen ah,  markii ay muslimiintu rideen ayaa waxaa ka dhalatay colaad iyo cadaawad aad uwayn oo ay u qaadeen umadda muslimiinta ah ,waxayna uguntadeen inay la dagaalamaan Islaamka iyagoo ku dadaalaya inay kusoo daraan waxaan kamid ahayn  ,iyagoo usoo maraya shiicada, kuna dhuumanaya jacaylka aalu baytka.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu ka waramay aasaasayaashii firqada shiicada , wuxuuna tilmaamay in ninkii ugu horeeyay ee aasaasay uu ahaa nin yahuudi ah oo la oran jirayn cabdulaahi ibnu saba, ninkani waxa uu bilaabay inuu ku kaco khaliifkii musliminta cuthman ibnu caffaan ARN .

Waxaa isaguna kasoo baxay Kuufa nin la yiraahdo cabdulaahi ibnu maymuun  oo isagu ahaa ninkii asaasay  firqo ka mida shiicada oo la yiraahdo baadiniya.

Intaa kadib waxa uu shiikhu guda galay qaybaha ay shiicadu guud ahaan u kala baxdo isagoona ka waramay, sidoo kale shiikhu waxa uu ka waramay guud ahaan caqaa,ida ay koox waliba aamin san tahay.

Intaa ka dib waxa la galay qaybtii labaad ee darsiga oo ahayd fataawo ay culimadu uga jawaabayeen su’aalihii ay bulshadu culimada usoo gudbisay, waxaan caawa su’aalaha ka jawaabayay Dr Xasan Sh Cali Warsame iyo Sh C/raxmaan Bukhaari.

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.