Home » Warar »

War Saxaafadeed Arrimaha ka taagan South Africa ( Faafin Degdeg ah).

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarada daran ee ka dhanka ah muwaadiniinteeda , laguna boobayo hantidooda iyo shirkadahooda .

Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya waxaa naxdin ku noqotay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed , iyadoo la ogsoon yahay taageerada xoogan ee Soomaaliya ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay ku diidaneed midab takoorka.

Taariikhdu waxa ay marqaati ka tahay tallaabooyinka Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya ay u qaadeen si loo sugo xoriyadda Shacabka walaalaha ah ee Koonfur Afrika , waxaa lagu bixiyay dadaalkaasi hanti iyo taageero dhinacyo badan leh si loo gaaro Koonfur Afrika oo xor ah .

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jaalle , Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri ” Gobonimada iyo Xoriyadda aan heysanno wax micno ah ma lahan iyo faa’ido , xilli walaalaheena South Africa ay yihiin kuwa la dulmiyay oo ka xaniban xuquuqdoodii oo aaney laheyn aaya-katashi, annaga iyo wadamada Afrika waxaanu laba laabi doonaa dadaalkeena si aan caalamka ugu baraarujinno xaaladda halista ah ee ka taagan Koonfur Afrika , waxaa waajib nagu ah inaan taageero farsamo iyo mid niyad ah aan u fidinno dhaq dhaqaaqyada xornimo-doonka Afrika , si dal waliba oo Afrika ah uga xoroobo kuwa boobaya kheyraadka , dhaawacna u geysanaya karaamada iyo sharafta Afrika”.

Sidaas darteed , dhaqankaasi colka ku ah shisheeyaha iyo badownimada ay muujiyeen kooxda xadgudubyada soo noq-noqday geysaneysa ma ahan mid la aqbali karo. waxaanu soo dhoweyneynaa faragelinta degdega ah iyo cambaareeynta uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, oo todobaadkan ka hor sheegay ​​​Baarlamaanka in Dowladiisa aaney cafin doonin dadka geysta weeraradan oo kale ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee sida wacan u shaqeysanaya ee degan Koonfur Afrika, annagu waxaanu taageereynaa hadalka Madaxweynaha ee ah in weerarada noocani oo kale aan loo sameyn karin marmarsiinyo.

Sidaas darteed , waxaanu ugu baaqeynaa Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika inay qaado tallaabooyinka degdega ah ee Lagama maar-maanka ah si loo hakiyo weeraradan ka dhanka ah muwaadiniinta , lana maxkamadeeyo dhammaan dadka ku lugta leh dambiyadan.

DHAMMAAD

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.