Home » Warar »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Khudbad ka jeediyay Sanad guuradii 55aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed.

Kudbadii wasiirka waxay ku bilaabatay sidan:

Mudane Madaxweyne.

Wasiirada Xildhibaanada Taliyaha XDS, Agaasimaha Guud , Abaanduulaha CXDS, Taliyeyaasha Ciidamadda qaybahooda kala duwan, Saraakiisha, S/Xigeenka, Alifleyda, Dableyda iyo Xasaaskooda iyo marti sharafta xafladan ka soo qayb gashay waad salaaman tihiin. Waxaan marka hore rabaa in halkaan ugu hambalyeeyo Ciidamadda XDS oo maanta aan u dabaal dageyno sanad guuradii 55aad ee aas-aaska Ciidanka oo ku began 12-ka Abriil 2015.

Aas-aaskii Ciidamadda XDS waxay ahayd dhacdo taariikhi ah oo lagu unkay ciidan qaran oo tiro yar laakiin tayo aad u fiican leh. Wakhtigaa intii ka danbeysay CXSD wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo uu ku horumarinyay disibliinkiisa, tababarkiisa, tiradiisa iyo qalabkiisa, taasi waxay keentay inuu CXDS uu si fiican u hanto difaaca xuduudaha dalka oo dhan, Cir, Bad,iyo Dhul, waxaana CXDS ku amaanayaa gudashada xilkaasi weyn ee u uhayo ummada Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya taariikhdiisa iyo guulaha waaweyn ee uu qaranka u soo hoyay aad ayey u badan yihiin, laakiin ayaan darro waxaa dhacday in ay burbureen sannadkii 1991dii. Markii ay burbureena waxaa burburay oo kala daatay dalka oo dhan. Iyadoo ay muddo nus qarni ka badan ka soo wareegtay asaaskii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana muhiim ah in aynu maskaxda ku haynno meesha aan maanta joogno oo ah meel hoosaysa, laakiin aan doonayno inaan dib u soo celino dhismihii Ciidanka.

Maanta waxaan joognaa meel bilow ah oo aynu dib ugu dhisayno Ciidamadii Xoogga Dalka, haddii aan aan dib loo dhisin Ciidamadana lama xallin karo dhamaan mushkiladaha haysta dalka ee ammaanku ugu horreeyo.
1dii Maarso ee Sanadkan waxaan magacaabay guddi heer qaran oo ka shaqaynaya isku dhafka Ciidamadda XDS, guddigan wuxuu booqan doonaa dhamaan gobollada dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo isku dhafan oo aan ku salaysnayn Bee lama Gobol. Waxaan sameyn doonaa ciidan tababaran oo tayo leh, isla markaana hanan kara difaaca dalka hooyo.

25-kii Maarso waxaan magacaabay guddi qiimeeya xeryaha ciidamadda CXDS, guddigan wuxuu mari doonaa dhammaan xeryaha ciidamadda ee ku teedsan dalka. Mustaqbalka dhow waxaynu samayn doonaa xeryo ku haboon ciidan qaran.

Ugu danbeyntii, waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan geesiyaashii naftooda ku huray difaaca dalka hooyo, intii ku dhaawacantay ku naafowday, dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-shabaab Al-qaacida. Waxaan u rajeynayaa CXDS guul, Horumar, iyo Mustaqbal fiican. Soomaaliya ha noolaato, ha noolaado CXDS iyo Ciidamadda dalalka aan saaxiibka nahay e nagu garab taagan dhismaha iyo tayeynta CXDS.

—–DHAMMAAD—

riix sawirka si aad u aragtid sawirka oo weyn

riix sawirka si aad u aragtid sawirka oo weyn

Ministry Of defense
gaashaandhigga@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.