Home » Warar »

Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada oo ku Dhawaaqdey in Sannadka 2016-ka la qaban karo Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Waxaa Magaalada Muqdisho  lagu qabtey Kulan Balaaran  oo ay isugu yimaadeen Madasha Midnmada iyo Dimoqaraadiyada oo ka kooban Xildhibaano, Xisbiyo Siyaasadeed iyo Bulshada Rayidka, waxaana kulankaas looga Hadley Xaalada Siyaasadeed ee uu Haatan uu Dalka marayo iyadoo Kulankaas Diirada lagu saarey sidii Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Xor Xalaal ah.

doorasho

Ugu Horeyn waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada Dr Cabdiweli Shiikh Axmed oo mar Dalka Soomaaliya ka soo noqdey Raiisul Wasaare ayaa sheegey Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada ay diyaar u tahay sidii Dalka looga samatabixin lahaa Xaalada haatan uu ku jira ee Dhinaca Siyaasada , Dhaqaalaha iyo Bulshada

“Sida ku Cad Hiigsiga 2016 waa in Dalka ay ka dhacdaa Doorasho  dadweynahu ka qayb galaan taasoo horseedeysa  Xasilooni, Horumar iyo Midnimo Dalka iyo dalka Soomaaliyeed , Doorashadaas waa in aan laga warwareegin Qabashadeeda si loo helo Kalsoonida Sharciyadda iyo Xasiloonida lagama maarmaanka u ah Dhismaha Dowlada Qaranka si looga maarmo muddo Kororsi “ ayuu yiri Gudoomiyha Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada

Waxaa kulankaas sidoo kale ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi ( Baadiyow ) oo yiri “ Soomaaliya waxay galeysaa Xili la rabo in laga guuro Siyaasad Beeleysan loona Guuro Doorasho iyo Dimoqoraadiyad salkeeduna yahay Dhaqankeenna Suuban  iyo Diinteenna Islaamka  waxaa Shaki lahayn in dadka Soomaaliyeed u Bislaadeen nabad iyo Dib u heshiisiin Siyaasasadeed oo u gogol xaareysa Mustaqbalkooda ifaya ee Dowlad Wanaagga “

“  Waxaa kale oo la hubaa in la soo gaarey waqtigii awoodda , Go’aan qaadashada ay qasab tahay in loo soo celiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo iyagu xaqa u leh “ ayuu yiri Gudoomiye ku Xigeenka  Madasha Midnmada  iyo Dimoqaraadiyada Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi ( Baadiyow )

Waxay   Madasha Midnimada iyo Dimoqoraadiyada  Hoosta ka Xariiqeen kadib markii ay la kulmeen Khubaro isugu jira Soomaali iyo Ajnabi ay Go’aamiyeen in Soomaaliya ay ku haboon tahay in laga hirgeliyo Nidaamka Doorashada ee Habka Ingiriiska loo yaqaano (Proportional Representation) oo ku dhisan in Xisbiyada ku tartamaan Codadka Dadweynaha Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa iyagoo soo gudbinaya Liiska Magacyada Musharixiintooda u tartamaya Xubinimada baarlamaanka , Xisbi kasta  waxaa uu helayaa Xildhibaano u dhigma Tirada Codadka uu ka helo marka la isku daro Codadka Doorashada oo dhan , Doorashada qaabkan kuma xirna dadka la soo tiriyo ,  Degmooyinka la qeexo iyo in uusan u baahneyn  in loo qaybiyo Degmooyinka Tirada Kuraasta Baarlamaanka

Gabagabidii Madasha Midnimada iyo Dimoqoraadiyada waxay kulankaas ka soo saareen War Murtiyeed ay ku cadeynayaan in ay ku qanacsa yihiin in habkaan (PR) ay ku haboon tahay Soomaaliya sida Dowlado badan oo Xaalada Sooomaaliya oo kale soo marey looga dhaqan geliyey Doorasho , Madashuna waxay u Ololeyneysaa in Doorasho Soomaaliya ka dhacdo 2016-ka

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.