Home » Warar »

“Waxaan ku laabtey Caseeyntii Kabaha markii la Dumiyey Iskuulkeygii ”

Da’diisu 9 Jir waxaa uu ka mid ahaa Caruurta ku shaqeysata Baalashle ama Caseeye ,waxaana ka mid ahaa dadkii uu macaamiisha la ahaa oo mudo Kabaha ka caseeysanayey , mar qura ayaa Bidhaantiisii waayey oo Xitaa waxaan waayey qof aan weydiiyo War iyo Wacaalkiisa, waxaana durba bilaabey in aan u wareego Canug kale oo oo Kabaha ii Caseeye oo aan Macaamiil ka dhigto.

“Saakey markuu waagii baryey ayaa Maqaayad aan Subaxii ka Shaheeyo isla markaana aan Kabaha ka Caseeysta ayaa Canug yar igu soo cararey markii aan sidaa u fiiriyey waaba wiilkii yaraa ee aan Kabaha ka Caseysan jirey , markiiba waa I salaamey markaas baan waxaan ku iri “ Adeer halkii ayaa waqtiyadaan jirtey Miriqdaadii baa la waayey “ waxaa uu si hoose ii yiri “ Adeer anaa kuu waramaya ee keen aan kuu Caseeye Kabaha “ inta kursi iila soo cararey ayuu yiri “ Kaba keen “ markii aan fariiistey ayaa hal haleen Kabihii u siibey markaasuu ii sii daba dhigey “ Adeer waxaan doonayaa in aan soo celiyo Macaamiisheenii hore” markaas baan ku iri “ haye Adeer “

Markii uu Kabahii ii soo Baalashey oo uu ii so qurxiyey ayaa waxaan weydiiyey Su’aal ahayd .” War heedhe halkee jirtey “ isagoo Xogaa Murugeysan ayuu yiri” Eedadey ayaa Iskuul ku yaal Deegaanka Sarkuusta Duleedka Muqdisho I geysey sidaan baa uga tagey Howshii Caseeynimada “ waxaan ku iri oo saakey Iskuul miyaadan lahayn “ markaasuu iri isagoo ku hadlaya Cod Nuxuus ah “ Adeer Iskuulkii aan dhiganayey Dowladaa Dumisey “ Inta naxay ayaa ku iri “ oo iskuulkii ma sidaa buu ku baaba’ay “ Waxaa uu yiri “ Haa sidaa ayu u ku baaba’ay” waxaa uu sii daba dhigey “ Adeer Iskuul ayaa ka hadleysaa waxaa la dumiyey Ceelkii aa biyaha ka cabeyney “

Waa yaab iyo Naxadin waxaan markiiba isweydiiyey Canugaan mar helay Fursad uu wax ku barto miyuusan ka mid ahayn dadka Dowladda loo yahay oo ahaa dadkii loo baahnaa in ay Dowlada Daryeesho si uu u helo Waxbarasho , Caafimaad , adeegyadii kale ee Dowlad laga heli jirey maanta dib ayuu ugu soo laabtey halkii uu markii hore uu ka tagey ee Caseeynimada hadaba maxaa xigi doono hadii uu sidaa sii ahaado oo laga yaabo in is yiraahdo ama qalbiga gashado Dowlad ma tii Waxbarasho la’aanta na dhigtey oo Xitaa naga duugtey Ceelkii aan ka cabi jirey Waxaa isweydiin Mudan sidee Canugaas yar looga dhaadhicicin karaa wax la yiraahdo Dowladnimo.

Dhibaatada ku dhacdey Canuugaas yar isaga keligi ma aha oo waxaa Waxbarasho, Hoy la’aan la dhigey kumanaan Caruur ahaa oo aan ogahay in qaarkood dhow jeer la barakiciyey Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Wiilo Khamiis oo ka mid ahayd Haweenkii sida aadka ah uga muuqan jirey Munaasabada 8 Maarso oo warbaahinta la hadashey ayaa la weydiiyey sababta ay maanta uga qayb geli weysey Munaasabadaas waxayna tiri “ Maanta uma ciidan helo waayo Dadkeygii ayaa la la baraciyey oo maalmihii ugu dameeyey iyaga ayaa la murugoonayey oo Munaasbad maxay ii qabaneysaa marka waxaan leeyahay dadka Hantida haysta yeysan Hantidooda ku dhibaateyn dadka dan yarta ah oo hantidooda meelo kale oo adeegyada Bulshada ha geliyaan , sidoo kale Dowladda waxaan leeyahay ha ka celiso Hororkaas Hantida haysta waayo dadka maanta la Barakiciyey waa dadkii la rabey in ay Dowlada ka war qabto.
image
Waagii Horre hadii aa maqasho dad baa meel heblaaya ka barakacay markiiba waxaa kuugu soo dhacayey in meesha Dagaalo ka dhaceen maanta sidaas ma aha m waxaa badeley in dadka ay ka barkacaan Shaqsi haysta lacag waxaa iigu yaab badnaa nin Harqaale ah oo wadada Maka Al-Mukara Harqaan ku lahaa waxaa dhacdey in ninkii Guriga lahaa uu u tagey nin kale oo hantI hasta kuna yiri ninkii Guriga lahaa “Imisa ayuu Harqaanlaha ugu jiraa qolkaas markaasu yiri “ intaas iyo intaas “ anigaa in ka badan kuu haya “ Sidii baa looga saarey “ meel aan sidaa uga dheereyn oo Guryo ka dambeeya ayuu qol ka heley markii uu quruxsadey oo laba bil uu ku jirey ayaa nin kale oo hanti haysta ninkii Guriga lahaa ku yiri “ Imisa ayuu qoka ugu jiraa “ Anaa in ka badan kuu haya ‘ waa sii fogaadey Xaafadda gudaheeda yuu qol ka heley waa looga sii daba tagey maanta Geed Hoostiisa ayuu dharka ku tolaa oo waxaan maqley iin geedkii looga dabatey oo uu ka mid noqdey dadkii ka barakacay Sarkuusta ee Duleedka Muqdisho waxaa ka sii daran Xitaa Xildhibaan , Shaqsi ka socda Dowlada oo dadkaa u tagey ma jiraan si ay u soo ogaadaan Darxumada iyo Diifta meeshaas ka jirta waxaa halka kaaga soo baxaya in aysan dadka maanta isku naxariisan Ilaah waxaa uu leeyahay “ Haddii aad Dhulka isugu Naxariisataan aniga Cirka ayaa idiin kaga Naxariisanayaa”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.