Home » Warar »

Wasiirka Difaaca Gen. Diini “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”.

Guriceel, March 5, 2015…Waxaa booqasho ku yimid Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wafdi ka socda Dowladda F. Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiirka Difaaca General C/qaadir Sheekh Cali Diini. General Maxamed Xaashi Guulleed iyo General C/laahi Cali Caanood oo ka socda taliska guud ee CXDS. Wada hadal iyo wada xaajood dhinacyo badan taabtay oo dhex maray wafdiga dowladda federalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna ee deegaanka Guriceel, kadib, maanta oo Taariikhdu tahay March 5, 2015 labada dhinac waxay gaareen heshiis KMG ah oo ka kooban shan qodob oo gundhiggiisu yahay soo celinta nabadda iyo in la kala qaado ciidamadda dagaalku dhex maray, dadkuna ay guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

Madasha heshiiska lagu saxiixay waxaa goob-joog ka ahaa odayaasha deegaanka, Ganacsato iyo qeybaha bulshada rayidka, waxana qodobada heshiiska oo ay wada saxiixeen Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Shekeh Cali Diini iyo Wakiilka Golaha fulinta Ahlusunna Wal-jamaca Sheekh Maxamed Shaakir ay kala yihiin:

1. Xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac

2. in la kala qaado labada ciidan ee dagaalamay inta wada-hadalku socdo muddo afar (4) casho gudahood ah.

3. in la furo wada-hadal muddo toban (10) bari gudahood ah oo ka bilaabata March 5, 2015 si xal rasmi ah loo gaaro.

4. In labada ciidan ku kala ekaadaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaarayo.

5. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay

Wakiilka Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay dhankooda in ay ka go’an tahay fulinta heshiiskan oo ah mid muhiim ah isla markaana xal lagu gaari karo, isagoo ugu baaqay dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan tanaasul si xal rasmi ah loo gaaro.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Guriceel ayaa u mahadceliyay dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii ugu horeysay maanta lasoo xiray, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay Ahlusunna Wal-jamaaca oo mudadii uu wada hadalku socday muujisay biseyl iyo ka go’naasho si xal looga gaaro dagaalkii dhacay.

Gen. C/qaadir ayaa sheegay in hannaankani uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada noolaansho. Iyadoo maanka lagu hayo mar walba in ay jiri karaan caqabado marka nabad la raadinayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan dhex mara dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

“Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wada shaqayn iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii. Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo ah mid bilow u ah horumar waara oo laga gaaro dagaalkii uu dhiigu ku daatay”ayuu yiri Wasiir Diini.

Ugu dambayn, Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda. dalkeenuna u baahan yahay xasilooni, taas oo lagu gaari karo marka lagu dhaqmo sharciga. Iyadoo la higsanayo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

image

—-DHAMMAAD—-

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.