Home » Faallo »

Wadaadow kuuma bogin Dr. Khadar Jaamac

Dhamaadkii 1970-kii dalka Soomaaliya waxa ka curtay baraarug iyo hilaw loo qabo barashada diinta, waxayna Soomaaliya kalamid ahayd arrinkan dunida muslimka oo dhamaanteed baraarugani saaqay ama saameeyay. Waxaa u guntaday barashada diinta xulkii bulshada rag iyo haweenba, taas oo wax kabadashay aragtidii laga haystay wadaadka iyo ishii qaloocnayd ee lagu eegi jiray macalin diyaanaha.

Markii ay dhacday dawladii Soomaaliyeed waxa soo ifbaxay in ay culimmada Soomaaliyeed ku hawlanyihiin hagitaanka umada Soomaaliyeed iyo hanashada hogaanka siyaasadeed. Waxay isumuujiyeen inay yihiin cidda kaliya ee hanankarta hogaanka siyaasadeed. Waxay ku andacoonayaan inay ahaayeen 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay cidda kaliya ee ku hawlanayd aayo katalinta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin muuqata ka ciyaartay wax barashada oo ay u tabantaabiyeen si ay ku dheehantahay xilkasnimo, wax barashadaas oo hanaqaaday tiro iyo tayo ahaanba. Waxay ku andacoodeen inay u hagar bexeen taakulaynta agoonta iyo bulshada inteeda tabaalaysan, kuna guulaysteen faafinta wanaaga iyo ladagaalanka fasaadka. waxa taa kuuraaca iyaga oo haba yaraatee siday sheeganayaan wax gaf ah aan ka galin ummada Soomaaliyeed, isla markaana ay yihiin cidda kaliya ee dadka Soomaaliyeed u noqonkarta garsoor dhex ah, kana caafimaad qabta maandooriyaha qaadka iyo qabiilka.

Arimahaa aan soo tibaaxay oo dhami haday jiraan waxay kamarag kacayaan inay culimmadu yihiin curadka ummada Soomaaliyeed iyo cidda mudnaanshaha koobaad leh marka la eego xilkasnimo. Waxa taa kuu weheliya xurmada dheeraadka ah ee culimmado ku leeyihiin bulshada dhexdeeda oo ah inay biri magaydo yihiin.

“Dhirtaba qaar malko ah baa jirtiyo lama garaacaan
Dadkuna birma-geydo buu leeyihiyo lama guhaadshaan”

Somaalidu waxay tidhaahdaa “quraanka ayaan aqaan, kaa akhrisanmaayo ayaa biisay” inkasta oo culimmadu baantay, bulshadii Soomaaliyeed wali farbaa utaagan, waxyaabaha ay wadaadadu sheegteenna waxbadan oo kamid ah, bulshadii waa liqiwayday, waxa jira sababo dhowr ah oo keenay in wadaadada lagu diido waxyaabaha qaar, waxaana ka mid ah;

1- Siyaasada wadaadada oo aan qeexnayn. Waxa ii sheekeeyey nin haghago leh (shigshiga) wuxuu igu yidhi waxaan wacay xaaskayga waxaanan u duubay fariin cod ah (voicemail) wuxu yidhi galabtii markaan gurigii imid ayaan dhagaystay fariimihii codka ahaa, dhamaantoodna waan fahmay laakiin taydii waan fahmi waayey maxaa yeelay waxa aad u ba’nayd haghagadayda.waxaan uga go’leeyahay marka aad waraysato wadaadada u ololeeya siyaasada islaamka oo aad waydiiso inay qeexaan siyaasada ay rabaan, jawaabtoodu waa (kitaabka iyo sunada) hadaad warsato faahfaahin dheeraadana warkoodu kama duwana ninkii haghagada lahaa maxaa yeelay in badan oo iyaga kamid ah mafahansana eraygan ay ku haadaqayaan ee ah (kitaabka iyo sunnada). Waxay Soomaalidu ku maahamaahdaa “ nin gunti xumi inuu wax qarsanyo ayaa lamoodaa” siyaasad xumada wadaadadu waxay dhashay in laga saso oo loomaleeyo inay wax u qarsoomyihiin.

2- Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ dhar magaalo in laxidhaa way fududahay, dhalmagaalo in lanoqdaase mafududa” waxaan uga socdaa culimmanimadu waa sharaf sida loonoqdaana mafududa laakiin sheega-shadeeda waxa kaa xiga gadh iyo cumaamad. Waxa layidhi culimo wanan loo loogay ayaa laba nin oo geeljira ahe dooneen inay hilibka lacunaan, markii labadii nin ee geeljiraha ahaa soo dul joogsadeen reerkii ayaa lagu yidhi culimmadi majaasidka ayey joogaane utaga. Nimanku waa geeljire cagaha boodh kuleh taas oo tilmaamaysa inaanay ahayn culimo ama dad tukada, hayeeshee waxay go’aansadeen inay cagaha dhaqdaan si ay culimmada ugu eekaadaan. Hadaba culimmada Soomaaliyeed ee maanta nool waxa ku ladhan rag cagaha soo dhaqday oo meelkasta lataagan I arkaay iyo anna waykan. Saraakiil badan oo aqoontoodu ahayd dagaal iyo sida wax loo dilo ayaa markii ay dhacday dawladii Soomaaliyeed tuutihii iyo dirayskii ciidan ku badashay qamiis iyo cummaamad islamrkaana noqday baqalkii fardaha daba gucleeyay ee uu sheekay salaam carabay markuu lahaa:

Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye

Mafududa inaad sheegato dhakhtar ama injneer, laakiin wadaadnimado waa meelaha ay bulshadu ka nugushahay.

3- Wadaniyad xumo, waxaad moodaa inay wadaadadu ku faruur xidhanyihiin wadamo kale oo looga suul-dhabaalaynayo meelo shishe. Tuhunkan iyo farfiiqan waxbaa kajira waxaana tusaale u ah sedexda qodob ee kala ah:
b) Hadaad u kuurkasho sheekada wadaada waxa ku badan falastiin, kishmiir, ciraaq, iyo dhamaan dhibaatooyinka ka aloosan caalamka islamka. Laakiin dhibta Soomaaliya iyo sidii loo furdaamin lahaa waxaad moodaa inaanay ku badnayn hadalkooda.

t) Wadaadada waxaa kubadan adeegsiga suugaanta carbeed. way adagtahay inaad aragto wadaad darsi dhigaaya ama muxaadaro jeedinaya oo aan adeegsanayn gabay ama hees carbeed. Maxuma waayo diintu waxay kusoo dagtay af carabi, waxaase yaab leh inaad arki waydo wadaad Soomaaliyeed oo adeegsanaya suugaantii af kiisa hooyo. Waxa taa kasii yaab-badan hadii aad adeegsato hees Soomaaliyeed oo ay qaaday heblaayo ama hebal oo ah fanaan layaqaano waxa hubanti ah in birta iyo bilaawaha lagula boobayo oo aanad helayn meel aad kagasho Aw hebal. Kudarsoo waxaad arkaysaa mufti hebalkii aad ka hadsanwayday ee tix iyo tiraaba daadifeeyay oo daliishanaya imru’ul qays “امرؤ القيس” oo ahaa suugaan yahan carbeed oo helawga haweenka iyo raadintooda u xoolo iyo xila seegay. Hadaba maxaa heesta carbeed ee caashaqa ku saabsan wadaadada u baneeyey Soomaaligana u diiday. Hadii wadaadku banaystay inuu akhriyo tuducyada Imru’ul qays ee odhanya:

فمثلك حبلى قد طرقتها ومرضع* فألهيتها عن ذي تمائم محول
إذا ما بكى من خلفها انصرفت له* بشق وتحتي شقها لم يحول

mid sidaadookale uur lihi ama ilmo nuujinaysaa badanaa, oo inta aan kusoo guureeyay ka mashquuliyay ilmo gu’ jir ah oo qardhaaso leh. Markuu ooyo qaarka sare ayay la kacdaa qaarkeeda kalena aniguu igu hoos jira.

Tuducyadan iyo kowo kale oo asaagood ah waxa akhriya wadaadada waxaana laga akhriyaa masaajida gaar ahaan marka ladhigayo culuumta arabiya sida naxwada. Bal maxaa baneeyay erayadan in masaajida laga akhriyo, marka hees soomaaliyeed lasheegana la anfariiro, soo macneeheedu maaha in wadaadadu ku abtirsadaan dhaqan shisheeye iyo wadan qalaad. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Sacabka haddaan xeeli ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa” habada hadaanay wadaniyad xumo jirin maxaa heesta carbeed looga doortay heesta Soomaaliyeed.

j) Manhajka wax barasho iyo duruusta ay bixiyaan wadaadadu oo aan haba yaaraatee xambaarsanayn wax ku saabsan wadanka iyo jacaylkiisa, wuxuu yidhi Hadraawi

Baariis adoon tagin
Ama boon ka sheekayn
Ama badaha waawayn
Nafta aan ku biimayn
Baladkaaga hooyaa
Horta laga bogtaayoo
Baryo laysku howlaa

Waxaan indhahayga ku arkay arday Soomaaliyeed oo loodhigayo juquraafiga dalka yemen, islmarkaana aan waxba ka aqoonin dalkooda hooyo, taasina waxay dhashay wiil Soomaaliyeed oo diyaar u ah inuu dumiyo dalkiisa hooyo si uu u xooreeyo falastiin.

Waxa laga yaabaa inay dadbadani yidhaahdaan wadaadka maxaa ka qaylisiiyay? Waxa iga qayli siiyay xog ogaalnimo, sidaas oo ay tahay wax badan ayaan xeerinayaa maxaa yeelay Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin reer u weyn iyo naag naaga ka umulisay midna siduu wax u ogyahay wax uma sheego” u jeedaduna ma aha wax eedayn ee waa toosin iyo tabaabushayn. Hadii ay jirto cid ku xajiimootay qoraalkan, waxaan leeyahay afar faataxo iyo xaal qaado.

Dr. Khadar Cumar Jaamac
shareeco30@yahoo.com

Dr. khadar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Wadaadow kuuma bogin Dr. Khadar Jaamac "

  1. Garyaqaan says:

    @Axmed ujeedka qoraaalkaan waa ku dhinac marsan yahay ee bal mar kale aqri oo fahan.

  2. ahmed says:

    Qoraagu makala socin hees Musig wata iyo gabay.gabayga sheegtay waa gabay ku yimi barashada luqada carbeed taas oo waajib ah si aad ufahanto Kitaabta eebe .maha u adeegid shisheye ama bunbunin dhaqan shisheye ee waa barashafa luqada.

  3. Asc Walaal aniga aad ayaan ugu begay qoralka qiimaha badan ninikii ku xajimooda iyo ninkaan ku xajiimoon walaal qor oo tusaley arimaha muhimka ah waxay anfici doonta Jiika dambe.

  4. Cabdiraxmaan says:

    Waa qoraal xul ah oo gujiyay meel ka mida meelaha bulshada Soomaaliyeed ka liidayso oo u baahan in lafa gurid qoto dheer lagu sameeyo. Waa hubaa Dr. Khadar Jaamac inuu yahay xog ogaal ay danqayso waxii bulshada hagar daama ku ah. Way ku yartay dhaqanka soomaaliga inuu qofku dhaho waxbaa iga qaldan wadaadanu waaba kasii xaggeeyaan, waana wadda geesinimaa inuu qofku gaar ahaan qofka culimada ah ee Alle ku quudshay aqoon islaam inuu runta dhanbalo oo uu turxaan bixiyo meelaha bulshadu ka huq leedahay.
    dad badan baa si kale u qaadan haddii la dhaho war is toosi, hase yeeshee culimadii hore ee islaamka iyo malaha kuwa fara ku tiris ah oo dunida ku haray waxay dhaqan u lahaayeen iney hadba cudurkii jira daweeyaan oo dadka khataraha uga digan. tusaale ahaan Ibnu Jawzi ayaa wuxuu qoray kitaab uu uga hadlay sida shaydaanku dad badan oo ahlu diin ah u laro oo u waswaasiyo. Taas waxaan ula jeedaa haddii laguu hogo tusaaleeyo macneheedu waa inaad sida fiican yeesho ee maahan inaad dhahdid waa la i wareemay.
    Wuu mahadsanyahay Dr. Khadar Jamac جزاه الله خيرا