Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke waxaana kulankaas looga hadlay maamul u sameynta Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir iyo dagaallada ka socda Guriceel ee Gobolka Galgaduud
image
Kulanka kaddib ayaa waxaa warbaahinta uga warbixiyay wixii Raiisul Wasaaraha Soomaaliya kala hadleen, xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ka mid ah xildhibaannadii kulanka ka qayb-galay.

“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan kala hadalnay laba arrimood oo kala ah; maamul u sameynta Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Banaadir, tan kale ee aan ka hadal-nayna waxay ahayd colaadda ka socota Guri-ceel,” ayuu yiri xildhibaan Goodir.

Xildhibaanka ayaa xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu muujiyay sida uu uga xun yahay colaadaha ka socda Guriceel, waxaana ku boorrinnay in xukuumadda Soomaaliay ay qaado tallaabo ay wax uga qabanayso dagaalladaas sdioo kale waxaa uu sheegey Iin Raiisul Wasaaraha uu u soo jeediyey Waxgaradka in ay u Guntadaan joojinta Colaadaas

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku boorinay inuu isagu tago degmadaas ama uu u diro xildhibaanno aan ahayn dhinacyada ku dagaallamaya degmadaas, si loo xalliyo colaadda taagan, wuuna naga ogolaaday,” ayuu xildhibaannku hadalkiisa ku daray.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in mudanayaasha kasoo jeeda Gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir ay u dhammaayeen kulankii ay la yeesheen Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayuu ku jawaabay, inaysan xildhibaannada gobolladan intooda badan dalka joojin, balse xubnaha ka qayb galay kulanka ay ahaayeen soddomeeyo xildhibaan, ayna ku dhiiri-geliyeen Raiisul Wasaaraha in gobolladaas hal maamul loo sameeyo.

“Raiisul Wasaaraha waxaan u sheegnay inaan isku raacsan-nahay intooda badan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso maamulkaas, inkastoo ay jiraan dad cabasho ka qaba maamulkan, waxaase uga qancin doonnaa shirar todobaadyada soo socda aan ku yeelan doono Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Goodir.

Si kasta ha ahaatee, maamul u sameynta Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa ahaa xilliyadii ugu dambeeyay kuwo si aad ah looga hadlayay iyadoo fikrado kala duwan laga bixinayo, waxaana la filayaa in marka ay Dowladu Maamul u soo samyso Gobolada dhexe in maamul loo sameyeeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.